Afafka Qalaad iyo Aqoonta. W/Q: Axmed Iid Aadan

0
Monday March 23, 2020 - 13:47:44 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 296
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Afafka Qalaad iyo Aqoonta. W/Q: Axmed Iid Aadan

    Nin baa beri nin kale oo ay saaxiib ahaayeen ku yidhi:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nin baa beri nin kale oo ay saaxiib ahaayeen ku yidhi:
"Waar horta ‘hebel’ in uu wax soo bartay ayuu waa hore inoo sheegaye, maxaynu maalin uun u arki weynay isaga oo afafka Carabiga ama Ingiriisiga mid uun ku hadlaya?” Ninkii su’aashaa la weydiiyey jawaab toos ah ma uu bixin, hase yeesho ee wejigiisa waxa laga garan karayey in uu weydiinta u bogay una qaatay mid macquul ah oo in la isweydiiyaa ay gar tahay.

 

Sidoo kale waxa la sheegay in uu maalin nin Soomaali ah oo dal shisheeye tegey uu rag badan oo ay kulmeen u sheekeeyey. Markii uu Soomaaliya joogay shaqadii uu qaban jiray waxa ay ahayd, mar ay weydiiyeen waxa uu u sheegey in uu ahaan jiray sarkaal sare oo uu ciidammadii Soomaaliyadii hore ka tirsanaan jiray.

 

Ninkii markii uu sheekadii dhammeeyey waa uu iska tegey. Daqiiqado yar ka dib ayuu mid raggii uu u warramayey ka mid ahaa yidhi, "Waaryaadhaheen, ninkan hadda inaga tegey ee sarkaalka inoo sheegtay in uu sarkaal ahaan jiray ma run baa?” Dabadeed weydiintaa si toos ah asxaabtiisii ugama ay jawaabin, ee isagii ayay dib u weydiiyeen sababta uu su’aasha ku keenay. Isagiina waxa uu ku jawaabay, "Intii uu inoo sheekaynayey oo dhan marna afkiisa kama aynaan maqal kalmad af kale ah sida Carabi ama Ingiriisi!

 

Bal arrintan kale iyo weedhan na u fiirso:


Lis Dairy

"Maanta waxaan hayaa war degdeg ah oo xukuumadda Soomaalilaan ku saabsan”.

Haddii aan sidaa wax u qoro, waxa laga yaabaa in ay dad badani ii arkaan nin aan waxba garanayn!

Laakiin haddii aan isla weedhaas sidan hoos ku qoran u dhigo waxa la ii aqoonsanayaa "aqoonyahankii qarniga”!

"Maanta (today) waxaan hayaa war degdeg ah (breaking news) oo xukuumadda Soomaalilaan (the government of Somaliland) ku saabsan.”

 

Intii ay dadkeennu wax baranayeenba aragtida jaadkaas ah waa ay qabeen, oo waxa ay la ahayd in uu afka qalaadi qayb aqoonta ka mid ah yahay. Maantana dad aragtidaas oo kale qabaa waa ay jiraan waana ay badan yihiin. Hase yeesho ee af la barto iyo aqoon lagu takhasusaa in ay kala laba yihiin dad ay tiradoodu yar tahay ayaa weligood garowsanaa ilaa maantana aqoonsan.

 

Af qalaad aqoontu ma aha. Aqoontu waxa ay ka kooban tahay laamo kala duwan oo mid walba goonnideeda loo barto. Waxa ay u kala baxdaa mid diini ah iyo mid maaddi ah oo uu aadamigu nidaamiyo oo tijaabooyin ama barasho ama baadhis ama intaas oo la isku darayba lagaga bogto. Afkuna waa ereyo, weedho iyo codad la isku daray oo ay bulsho meel wada deggani ku wada xidhiidho iskuna fahamto. Afku waa muraayad laga eegi karo dhaqanka, murtida iyo waayo-aragnimada ay ummadi leedahay.

 

Iyada oo ay sidaas tahay ayaa haddana maanta af qalaad oo la barto baahi weyn loo qabaa. Waayadan danbe waxaba la yidhaahdaa, qofka hawlaha waxbarasho ku jiraa in uu afkiisa ma ahee, laba af oo kale wax ka yaqaanaa waa arrin fiican oo waxtar leh.


Aqoonta ugu badani maanta waxa ay ku qoran tahay afaf shisheeye oo afkeenna si walba uga duwan. Markaa haddii uu qofku yahay qof afkiisa hooyo oo keli ah wax ku soo bartay ama aan afaf kale wax badani uga baxsanayn had dhow marka uu meelaha dhiganayaasha kala dudduwan lagu kaydiyo tago waxa uu noqonayaa sida qof cusub oo ku jira xaalad ku cusub oo in uu la jaanqaadaa ay adag tahay. Waxa ku adkaan karta aqoonta casriga ah ee afafka kale ku qoran in uu si fiican uga bogto ama uu afkiisaba u rogo ama u soo turjumo.

 

Dhanka kale , waxa marar badan dhacda in shaqaalaha cusub ee la qaadanayo lagu xidho qodob ah in ay afafka shisheeye qaarkood wax ka yaqaannaan, ama shaqada lafteedaba ay dad dalal kala duwan u kala dhashay qofkii muwaaddinka ahaa kula tartamaan. Markaa baahida af qalaad garashadiisa loo qabaa waa mid mar walba joogto ah.

 

Haddii aynu ujeeddada soo dhoweyno, hawlo waxbarasho ha ku jiro ama shaqooyin kaleba gacanta ha ku hayo ee qof kasta oo maanta wax uun qabanayaa marna af qalaad ka maarmi kari maayo. Murti qalaad ayey dulucdeedu u dhoweyd in af cusub oo la bartaa ay ka dhigan tahay sida nolol cusub oo soo korodhay oo kale. Waxa la sheegaa, haddii uu qofku barto af aan kiisa ahayn in uu qofkaasi noqonayo sida qof ay daaqad cusubi u furantay oo kale; daaqaddaas oo uu ka eegi karo waxyaalo markii hore ka qarsoonaa.

 

Maahmaah Faransiis ahayd oo aan mar meel ka akhriyey ayaa waxa ay u dhignayd sidan: "Ninka laba af yaqaannaa waxa uu u dhigmaa laba nin”. Sidaa darteed, iyada oo aanu qofku afkiisa dayacayn ama liidayn in uu afaf kale wax ka bartaa waa wax-ku-ool. Haddii kale oo uu qofku afkiisa oo keli ah ku koobnaado waxa uu noqonayaa sida qof go’doon ah oo haddana dhego xidhan oo kale!

 

Axmed Iid Aadan

[email protected]

 

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...