Ma Bogsooto Waaliyi (Abdi-Shotaly)

0
Monday March 23, 2020 - 13:34:22 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1053
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 4
  • Share via Social Media

    Ma Bogsooto Waaliyi (Abdi-Shotaly)

    Tuke ha iska qalaadee, sidda keliya ee ay ummadani kaga bixi karaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tuke ha iska qalaadee, sidda keliya ee ay ummadani kaga bixi karaan
xumaanta iyo boobka, qaska, qabyaaladda, horu-mar la'aanta, xaraashka Hantidii ma guur-tadda ahayd ee shicibka, kuna soo noqon karto mustaq-balkii iyo rajaddii dalkan iyo dadkan loo baydhi waa ,oo ogaan baa loo majaro habaabi-nayaa. Muwaadin ma wax aad sii eegato baa hadhay, saw tan aad dib ugu noqotay Dawlad goboleed, ee uu caalamkii dhabarka inoo jeediyey, albaab kaste la inaga soo xidhay, askar-tiina ay inaga isku keen jeedisay, halkii ay wax idiin qaban lahayd, Daba-gaale-Farmaajo baa toos inoo Xukuma. Wax tayo lihi meesha ma maryaan, oo mid-ba kuu ka liitay baa loo tiriyey xaf iis, mid aanad duqsi ku aamin-teen, baa geeri iyo mag la'aan kugu dhaxalay, oo aan ku qaraari-nayn haday kaa baxayso, adna aad ugu rixinaysaa ama ku daba ordaysaa qabyaalad iyo reer hebel, ee goor maad ka waan-toobi? Oo aad dantaa garan doontaa, ma marka xabaasha lagugu rido, baad iilka ka soo qaylin doontaa, oo aad is odhan godka aad ku jirto wax ka bedel, imika baad wax qabsan karaysaa ee muwaadin feker.  Qofku marka uu sas ka qaado, guulaha qayrkii gaadhay, ka bacdina soo haaban kari waayo, uu is yidhaaho sare isu soo qaad, kan eebbe hibadiisa uu halkaa ku gaadh-siiyena barbar orod, wuu khali duuraa, carqaladuu is yidhaahaa ka hor keen, ka uu xinka iyo xaasid-nimadda, reer hebel u daba ordaayo, waxa-se uu ka siibtaa salaankii uu is lahaa fuul, isaga oo laban-leg-doonaaya buu dhulka ka soo go'aa, sidda qaar badan ku dhacday, wuxu yidhi Abwaan Qaasim (IHN)" Oo ka mid ahaa murti-diisa " Nin kastoo salaan dheer u baxay, soo deg baa xigiye". aad bay u fara badan tahay xikmadda uu inooga tegay Abwaan-kuye, oo mid la soo koobi karaayo maaha'e, idinkay-se ay idiin taalaa. waalidda lagama bosado, ee kolba way kugu soo badhi kacdaa, waa sidda askarigan jiho wareersan oo kale'e, bal intan yar ee iyana illa eega waa maanso koobane. 

 

            Ma bogsooto waaliyi, khiyaali bay ku bartaa 

Biriijkii shiine dhisee, burco baal kaga yaalayiyo,

            Ma riiggii xumbo weynaa, ma babulaacad jabtaa, 

            Marka uu bari caayo, galbeed-na beero ku sheego, 

            Kolka uu baf-baf leeyee, baloodho raadinayo, 

            Bogcad reer u lahaa, intuu boob ku cadeeyo, 

            Ma bahal gaajo ku raagoo, beryo aydda dhex jiifoo, 

            Baadi soo helay baa, Askariga baaban bal eega, 

            Ba'na aan garanayn, xukun bawsa-dayoo, 

            Maskaxdi ka baxday, ma idiin bula-qaasay. 

            Nin-ba meesha bugtaa, isagay belbe-shaayoo, 

            Bogga hoosiyo beerka, bay baguugaa ka dhigtaayoo, 

            Bestii uu la noqdaayoo, markuu baala day-moodee, 

            Arko ruux bed-qaba, banaankaa ordya, 

            Uu ku buubo hinaase, bal miyuu yar bukoodiyo, 

            Ku habaara balaayo, cuqdad-biirtay ayaamo, 

            Buux-santoo ku dhamaatay, ayuu soo bandhi-gaayo, 

             Basarkaa ka xumaadda, hadba beel isku qaadda, 

             Waddani baa i bireeyey, kulmiyaa baabi'iseen. 

             Waxan buuga ku oolin, ayuun buu babiyaa, 

             Hadaaq uun la butaaca, sidda baabka askariga, 

             Kala qaybiya beesha, beledkaa wadda joogta, 

             In uu buuq geliyo, dagaal laysu badheedho, 

              Hoogayey badatoo, ku basbeello sidaa. 

 

 Waxan ku soo xidhay qoraalkan " Reer ba'aw yaa ku leh" Illaah haw naxariisto'e Cabdilaahi Suldaan Timacade, baa laga hayaa murti fara badan oo aan af lagu sheegi karin, warqadna lagu qori karin, waxa ka mid ah "Duulkii inkaar qaba jinaa daasdaw tuma'" jinkii uu sheegaayey  waa " "Raggii ma adigaa ka hadhay iyo geenyo shaaximan" Akhristaw ilayn hadal lama saar-naadee, miyeynu raali ka ahaan karnaa? Saw inaan iska baydhino maaha, meel inoo fayoobi ma jirtee, Bal ummad yahay u fiirsadda, oo is weydiiya mee dalkii?s

 

Saw adigan u gacan galay kuwii aabahaa dilay, dab ku shiday adoogaa iyo " Daba-gaale farmaajo". ee uu meel walba la wareegay, xataa neefkii adhiga ahaa carabtu kugu soo celisay, ee xamar kaa joojisay, kaas oo uu ku noolaa reer guuraagu, laf dhabarta u ahaa ummadeena, dib dambe loo dhoofin maayo, hawaddii wada arag-taan, dhamaan heshiis-yaddii Imaaraadka, ee lacag-teedda jeebka lagu shuban jirey ( awelba ummadu may arki jirine) waa ka kac. toos baad u noqotay Mamaul Goboleed, welina reer hebel ( waa jeegaane), hadaanu nahay, baa ku taageeray-saan maansuukhan, meel uu maraayo aan garanayn, usgagan aan hore inoo soo marin.

* N.B Duulkii Inkaar Qaba Jinaa Daasadaw Tuma'e!

Qore:- Abdi-Shotaly.

 

[email protected]

 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...