kuuma uusan sheegeen! qaraa Cabdisalaan " Ceeryaamo"

0
Sunday March 22, 2020 - 20:55:16 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1136
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    kuuma uusan sheegeen! qaraa Cabdisalaan " Ceeryaamo"

    kuuma uusan sheegeen! qaraa Cabdisalaan " Ceeryaamo"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

kuuma uusan sheegeen! qaraa Cabdisalaan " Ceeryaamo"




Saddexdii sano ee ugu danbaysay waxaa dhashay han cusub. Yididiilo ayaa biqlatay. Rajo muddo habaw ahayd ayaa dhabbaha ku soo dhacday. Waayadii ugu danbeeyay carriga Soomaalida waxaa ka kacaamayay fac cosob ah iyo fal-fikir dhowaan gal ku ah gayiga. In kastoo aan laysla wada dareensanayn, haddana fac goba ayaa tis-qaaday. Qalinka ayaa la qaatay si taariikhda loogu dhiteeyo. Dhacdooyinka loogu gorfeeyo, suugaanta loogu allifo oo sheekooyinka loogu falkiyo. Soomaalidu intii ay jirtay waa markii ugu horreysay oo ay qalinleydu ku sii siqayaan kun iyo shan boqol oo qoraa. Waa wax lagu farxo.

 

SOOYAALKEENNA ku cabbaysan madxafyada iyo maktabada LANDHAN, ROOM, QAAHIR iyo meelo kale oo caalamka ah ayaa isha lagu wada hayaa. Sidii dalka lagu keeni lahaana in laga arrinsan doono ayaa ay u badantahay.Madxafkii iyo tiyaatarkii ayaa dib uga soo baxaya god dheer. Dowlad iyo shacab ayaa godka ka soo saaraya. Hoos baa ay ka soo riixayaan.Laba taariikhood ayaa halkaan ku kala wareegaya. Daxal iyo uskag maskaxda dadkeenna ku dhegay ayaa looga tirayaa qalinka. Inkastoo Xamar iyo meelo kaleba aanay jirin goobo madax bannaan oo sahan-aqooneed laga sameeyo, oo Akadeemiyadii qaranku illanka dhacan uga ooddatay bahda hal abuurka, oo maktabaduhu ku yaryihiin gayiga haddana geeddi la ogyahay halka lagu furi doono ayaa qun-yar qun-yar u socda.

 

Hargaysa si wayn ayuu uga hanaqaaday dhaqanka qoraalka iyo akhrisku. Jabbuuti cabsi ayaa jirta oo dadka looma oggola in ay aragtidooda hadlaan. Muqdisho cirkaas ayuu isku shareeray kacdoonka qoraalka iyo akhrisku. Garoowe iyo Boosaasona si wayn baa bulshadu ula qabatintay. Gaalkacyo da’yartii ayaa buugaagta ka dalbanaysa caasimadaha waawayn. Isbuucii boqollaal buug ayaa ay diyaaraduhu u kala xanbaaraan gobollada dalka. Beydhabo, Kismaanyo, Beledwayn iyo Boramena kaah arooryaad baa wac ka yiri.

 

Afkii Soomaaliga ayaa isu rogaya af-aqooneed oo ka baxaya dib-jir nimada iyo gidaarro xun oolka. Yaanba weli loo tol iyo tab raadine. Qoraayo iyo suugaanyahanno wax-gal ah ayaa gardaadinaya. Iyadoo ay taasi jirto ayaa ay soo baxayaan da’yar xiiso u qaba qoraalka, dhibta ugu wayn ee hor-taaganna waa meelo qoraalka laga barto oo aan jirin—Qoraal saddex bog ah ayaa aan maalin dhowayd u diray AKADEEMIYADA, kaas oo aan u soo jeedinayay, in la furo dugs-qoraaleed afka iyo suugaanta Soomaalida lagu barto. Sidoo kale waxa aan ku taliyay in jaamacadaha dalka lagu soo daro kuliyadda AFKA IYO SUUGAANTA SOOMALIDA << SOMALI LANGUAGE AND LITERATURE>> codsigaas iyo taladaasna laygama hoos qaadin”

****

 

Suugaanta iyo Afka Soomaaliga oo aan door ku lahayn jaamacadaha dalka, Iyo dadkii aqoonta u lahaa oo iskala aammusay, dabadeedna da’yartii dhaliilo iyo garaad yari ku caayay ayaa iyana ah fool-xumo kale oo AF-YAQAANKEENNA dul hoganaysa. In kastoo woqooyigu wax-yar caynto, haddana turunturrooyin baa jira. Qoraalku, waa luuqad aammusan oo dadku iskula hadlo. Waa ereyo iyo weedho laysu geeyay, si ay macno buuxa u sameeyaan. Waa astaamo iyo summado la dhigay halkoodii, si ay fahan durugsan u bixiyaan. Waana shaqallo iyo shibbanayeen ku jaan go’an xeer lagu heshiiyay. Aqoon intee in la eg baad u leeyahay siyaabaha wax loo qoro? Si guud qoraalku waxa uu leeyahay laba laamood oo kala ah:

 

 Academic writing – HAB-QORAALEEDKA AKADEEMIGGA AH iyo

 

 Creative writing –FARSHAXAN-QORAALEED

 

Kan kore waxaa uu yeeshaa ilaa afar hab-qoraaleed oo wax loo qoro:-

DESCRIPTIVE STYLE: HUMMAAG QORAALEED waa hab ka mid ah hababkaas, qofku markuu hab-kaan wax ku qoraayo waxaa laga rabaa in uu qalinka u adeegsado sida KAAMMIRADA oo kale. Tusaale ahaan: Waa sabo bannaan ah. Waa gabaadiir cidlo ah. Dhir laguma arko. Wax geed lagu sheegaa kuma yaallaan. Geed Babbaay kaliya ayaa ku yaal. Qorraxdoo sii dhacaysa ayaa falladho galbeed ku soo gantay. Waa geed taagan oo joog leh. Caleemo baaxad leh oo cagaaran baa dabayshu luleysaa. Miro wada jaalle noqday ayaa qaybtiisa sare ku tixan. Ri ayaa hoos taagan. Kor baa ay u eegaysaa. In ay laamahaas gaarto ayaa ay u hanqal taagaysaa. Waa geed la damco. Waayo? Wax cagaaran ama geed lagu tilmaami karo isaga ayaa ka jira……………. Qaabkaas ayuu ku socdaa qoraalka. Qofku billaaw ilaa dhammaad sawir baad maskaxda ka tusaysaa.

 

ARGUMENTIVE/PERSUASIVE STYLE: DOOD-QORAALEED/HAB-RAARIDAYN (Persuasive) : waa hab kale oo wax loo qoro. Qofku markuu labadaan hab mid ka mid ah adeegsanayo, waxaa u jeedkiisu in uu akhristaha la doodo ama si qota dheer wax uga raarido. Haddii uu wax ku doodayo, waxaa laga doonayaa qoraaga tusaalayaal ciidda ka badan iyo caddaymo. Markaas ayaa la dhihi karaa waxa uu maray habka dood-qoraaleedka.

Tusaale: Qoraagu waxa uu rabaa in uu ku doodo in midabka badda ee buluugga ah uusan ahayn midka cirka. Kolkaa tusaalayaal iyo waydiimo badan ayuu soo farraqayaa isagoo leh. Midabka buulugga ah ee biyaha baddu yeeshaan cirka kama yimaado. Sidee buu uga imaan karaa? Markii cirka caad madow ama mid cadi isku daboolo, biyaha baddu midabkooda hore ayaa ay ku sii nagaadaan. Maxaa ay ugu nagaadaan? May midabka cirka isku daboolay yeeshaan? Markii daruuraha cirku madow noqdaan midabka baddu muu isna noqdo? Taasi waxa ay caddayn u tahay in midabkaas uusan asal ahaanba cirka ka imaan ee uu yahay mid madax bannaan oo iskeed baddu u yeelato, sida cirkuba uu iskiis u leeyahay midabkaas. Kolkaa waa habka doodda iyo ka dhaadhicinta.

 

NAARAYTIVE STYLE: HABKA SHEEKO-QORAALAYNTA: Waa hab kale oo la adeegsado. Qolinleyda Soomaalida marka loo eego, waxaa adeegsaday Cabduqaadir Aromo. Sida aan ku arkay buuggiisa TAANGIGA TIGREEGA. Waa hab qoraalka laguugu sheegayo qaab sheeko ah. Inta badanna waxaa lagu billaaba sheeko kooban, kolkaas baa u jeedka iyo waxa aad ka hadli rabtay lagu dabbaqaa. Tusaale ka soo eeg qoraal aan maalin dhoway qoray oo ciwaankiisu ahaa << MAXAA GOSHA NAGU DIRAY?>> gunaanadkii afartaas hab ayaa inta badan wax loo qoraa, walow ay jiri karaan habab kale. Qaybta kale oo ah qoraalka hal abuurka ku dhisan ( Creative writing) waxaa ugu caansan sheeko faneedda (Novel) iyo QOF-KA-HADALKA ( Biography) waxa ayna noqon karaan MALA’AWAAL << FICTION>> iyo DHAB KA HADAL << NONE-FICTION>> qoraageennow? Intaa fure ka dhigo, RAAGE KUUMA UUSAN SHEEGEEN, waayo? Kursi ayuu isaga fadhiyaa. Lacag buu heystaa. Wuu taajiray in uu dad talo siiyo ama tabababar siiyona ma uu rabo. ILAAHAY HA KAA MAARANSIIYO KAAS Waa nin aan muuqan, haddana nool. Wax uu yahayba iska illow! — waxa aan shaqo kuugu dirayaa, oo aad adigu soo baaraysaa, EKEEYE-QORAALEEDKA " COMPARE AND CONTRAST” sidoo kale, soo dabidda akhristaha " HOOKING” iyo ugu danbayntii QORISTA SHEEKADA GAABAN " SHORT STORY WRITING”

 

** =DHAMMAAD=***

 

Cabdisalaan " Ceeryaamo"

Shekeeye [email protected]

12th MAARSO 2020


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...