Sababta Uu Dr. Maxamed Cismaan Fadal Uga Baxay Xisbiga Mucaaradka Ah Ee WADDANI

0
Sunday March 22, 2020 - 11:06:22 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 5088
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sababta Uu Dr. Maxamed Cismaan Fadal Uga Baxay Xisbiga Mucaaradka Ah Ee WADDANI

    "Bahalkani (Corona) si deg-deg ah ayuu dunida ku soo galay"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Bahalkani (Corona) si deg-deg ah ayuu dunida ku soo galay"

Hargeysa (HWN) – Dr. Maxamed Cismaan Fadal oo ka mid ah Aqoonyahannada reer Somaliland ayaa ka hadlay sida ay muhiimka u tahay in Bulshada ay Cashar ka barato hadba dhibaatooyinka la soo gudboonaada.


Maxamed Cismaan Fadal wuxuu si gaar ah uga hadlay sida looga gaashaaman karo Cudurka Coronavirus oo dhibaato ku haya bulshada, islamarkaana ka dilaacay Dalalka Somaliland xuduud la wadaaga.



Fadal oo ugu horrayn ka hadlaya sida loogu baahan yahay in qorshe dhamaystiran laga yeesho dhibaato Somaliland kaga timaaddo Coronavirus ayaa yidhi "Marka dhibaato dhacdo Dal walba ama ummad walba waxbay ka barataa, waayo? Isbeddel badan bay la timaaddaa, markaa innaga waxa inoo muhiim ah dalalka kale ee Adduunkana lagu xisaabtamayaa, markay Dunidii soo xidh-xidhantay qolo walba waxay eegaysaa wixii ay aad awood lahayd ee aad ku noolaan lahayd ayaa ku soo baxaysa, waxa kuu soo baxaysa qorshe cusub oo ah haddii tan oo kale berri timaaddo sideed uga soo baxaysaa, markaa innagu dhinac waxaynu nahay Dad adkaysi badan oo duruuf adag waynu soo marnay, markaa waxa inala gudbaan inaynu Maanta gol-jilicdeena ogaano oo markaa qorshe inooga dhasho oo wixii aynu gufayn karayno aynu gufayno.”


Dr. Maxamed Cismaan Fadal wuxuu soo jeediyey in Qorshe laga yeesho Kaydka Raahsinka "Bahalkani (Corona) si deg-deg ah ayuu dunida ku soo galay, markaa Tabaabulsho la’aan (ayuu innagu heli karaa), Kaydka raashinka oo kale, Kaydku maaha waxa yar ee Abaaraha oo kale, haddii bil, laba ama saddex inala gaadho waa arrin u baahan inaynu imika ka digtoonaano, Waayo? Marmarka qaarkood waalla kala qaataa oo deriskaaga ayaa adiga oo iska hurda oo aan ka tashanin (iibsadaan), illayn Dad baayac-mushtar ah oo wax walba gudbin jiray baynu nahaye, inaynu tashano oo aynaan wax walba is-dhaafin ee innaguna teena ka sii digtoonaano (Weeyaan)…” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu soo jeediyey in la ismaqlo oo la qaato talooyinka la xidhiidha sida looga bedbaadi karo Cudurka "Waa in la ismaqlaa, waayo? ismaqal iyo talo ayaa waxan oo kale lagaga baxaa.”


Maxamed Cismaan Fadal oo hore u ahaa Xoghayaha arrimaha dibedda ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, waxa kale oo uu ka hadlay aragtidiisa la xidhiidha heshiiskii laga gaadhay khilaafkii ka taagnaa Komiishanka cusub ee doorashooyinka Somaliland "Dimuqraadiyadda aynu dhisaynay curdin bay ahayd, rukunadeeduna  waa doorashada, rukunka doorashadu ku fadhidaana waa Komiishanka. Komiishanku waa maxkamad, Komiishanku waa Cadaaladdii, waa kalsoonidii, markaa Taladii berigii dhawayd la soo wada fadhiistay ee la wada saxeexday ee Caalamku inoogu yimid wax ceeb ahi kuma jiraane ee Madaxweynaha iyo Xisbiyadu ku wada saxeexdeen, waajibka innaga saarani waa inaynu taas uun kaga dhabayno, Talo ka wanaagsan oo la heli kari lahaa ma jirto…”


Ugu dambayn, Dr. Maxamed wuxuu sheegay inuu iska casilay xubinnimadii Xisbiga WADDANI iyo Guddiyadii Xisbiga ee uu ka midka ahaa, si uu uga Madax-bannaanaado hawlihii Arrimaha bulshada "Xilkii Xisbiga ee Xoghayaha Arrimaha dibedda si rasmi ah ayaan u wareejiyey, Faadumo Siciid baa loo Magacaabay, muddadii ay Faadumo qabatay ayaa iigu dambaysay xilkaa, Xisbiga kamaan bixin ee waan ku jiray, waxaan ka mid ahaa Goleyaashiisa oo dhan, Golaha dhexe ayaan ka mid ahaa, guddiga fulinta ayaan ka mid ahaa, hoggaanka Xisbiga ayaan ka mid ahaa, muddadaa maan shaqaynin, markaa imika waxaan doonayaa inaan la wadaago Xisbigii iyo Ummaddaba aan u sheego si aan ugu Madax-bannaanaado taa imika aan ku jiro, inaan si buuxda iskaga casilay Xubinnimadii Xisbiga iyo Goleyaashiiba, oo aniga oo aan Dalka wixii aan u qaban jiray aan dhimayn aan qaybtaa aan ku jiray ee dhexdhexaadka ah aan xoogo saaro, tii cilmiga ha ahaato, tii Cilmi-baadhista ha ahaato iyo shaqooyinkii arrimaha bulshada ha ahaato, ama tii dimuqraadiyadda Riixisteeda ha ahaato oo aan malaha kagama manfac badnaa.”ayuu yidhi, Dr. Maxamed Cismaan Fadal oo Shalay u warramay Telefiishanka Horyaal.

Loading...
Loading...