Waaxda Saadaasha Ee Wasaarada Beerah Oo Sheegay In Uu Maanta Somaliland Ka Daa'ayan Roobabka Gu'ga
Hargeysa(HWN):- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland Md.Axmed Muumin Seed Oo Ay Weheliyaan Agaasimka Waaxda Saadaasha Hawada ee wasaaradda Beeraha oo maanta Kulan Warbaahineed Ku Qabtay Xafiiskiisa
Ayaa Sheegay Inuu Bilaabmayo Roobka Gu'ga Ee 2020 Oo Bilaabmi Doona 21, 22 ilaa 23 march, Waxaana Uu Saddexdaa Maalmood Ka Bilaabmayaa Gobolada Galbeedka Somaliland.
24, 25 ilaa 26 march Waxa Uu Ka Bilaabmayaa Gobolada Bariga Somaliland, Waxaana Uu Wasiirku Sheegay In Roobab AadU Wanaagsani Ka Di i doonaan Gobolada Somaliland. Sidoo Kale Waxa Uu Wasiirku Fariin U Diray Dhamaanba Beeralayda Jamhuuriyada Somaliland Ee Ku Hawlan Dhinaca Wax Soo Saarka La Qooto Inay U Diyaar Garoobaan Sidii Ay U Xoojin Lahaayeen Wax Soo Saarka Sidii Sanadkii Dhawaa Ee 2019 Oo Ahaa Mid Gayiga Somaliland Dhamaanba Ay Kasoo Go een Wax Soo Saarkii Ugu Badnaa, Islamarkaana Ay Aad Iyo Aad Ugu Dadaaleen Bulshada Ku Dhaqan Somaliland.

Hadhwanaagnews.com
Hargeysa/office


0 





