Faallo:- Somalia Wado Cad Bay Kala Baxdey Maamulida Hawada Somaliland
Hargeysa(HWN):- Waa ayaan daro Somaliland oo haysata hawada ugu baladhan geeska oo maraan boqokiiba todobaatan doyaaradaha u kala gooshaya aduunku in maanta cid kale gacanta ugu jirto.
Markii ay burburtay Dawladii Soomaaliya , Maamulka Hawadda Soomaaliya waxaa gacanta ku haysay Haayadda ICAO oo u qaabilsan Qaramadda Midoobay Duulimaadyadda rayidka ah ,taasoo usii wakiilatay haayadda hoosaad xarunteedu tahay Nairobi.
Hawaddii sidaa ahayd , waxaa inoogu wardanbaysay iyadoo lagga wada hadlayo , oo la leeyahay shuruudo badan ayaa Soomaaliya iyo Somaliland la kala dooransiiyey oo ay ka mid tahay ,
In hawada sida ay markaa ahayd laggu sii maamulo ,
In Sadax wadan loo dhiibo oo amaano ahaan u haya oo muddo dheer haya .
In qolo waliba qaybteeda gooni u maamulato .
In Soomaaliya laggu wareejiiyo .
Sidaa markay tahay , Muuse hala waydiiyo ,
Hawadda maanta yaa xukuma ?
Lacagtii hawadu xagee bay ku dhacdaa ?
Qodobaddii la kala dooranayay keebaa doorateen ?
Qodobka aad doorateen maxaa ku doorateen ?
Qodobkaa aad doorateen maanta markaad eegto khasaare iyo faaido maxaynu ku haynaa ?
Radar Mogdisho kula hadasho diyaaradaha awoodiisa , Jooga dhulka Mogdisho iyo inta uu badda ka sareeyo , arrimaha farsamo ee xafiska maamulka hawadda suaalahani ma quseeyeen .
Kornayl muuse Biixi iyo Madaxwayne Farmaajo ee shalay kulmay mudadii ay xilka hayeen waxaa ka dhex socday dagaal wejiiyo badan kaasoo faramo badan ka socday , mararka qaarna aad loo dareemayay xajmigiisa , sidaa awgeed wax kulan iyo wada hadalo ah oo dhex maray ma jiran mudadaa ku dhaw labada sanadood iyo dheeraadka .
Hadaba kulanki bishii hore dhacay waxaa la odhan karaa waxaa soo dedejiyay qodobo dhawra oo ay ka mid yihiin .
1- Loolanka kasoo cusboonaaday Aduunka oo badalay siyaasaddii Maraykanka ee Gobolkan kaasoo ay muuqato in Maraykanku danaynayo arrimaha geeska waayadan danbe .
2- Raysal wasaaraha Itoobiya oo danaynaya in arrinta labadan dhinac uu kaalin ku yeesho si uu ugu darsado muuqaalkiisa siyaasadeed oo u muuqda in uu isu dhigayo aktarka gobolka .
3- Wadamo kale oo iyana dabada ka riixaya xal u helista arrintan mudada dheer soo jiitamaysay .
Lakiin wax dan ahi somaliland ugamay jirin kol hadi maamulkii hawadaba maanta gacan jirin.waqtiga u hadhay ba waa koban yhy.
Hadaba:
Sadex xal oo an Hawadda uhayno
1- Soomaaaliddu waxay ku maahmaahdaa doqoni gun baan ahay bay ka xishootaaye in Somaliland qirato in hawadeenii lala wareegay oo ay inaga faraxbaday .
2- In umadda loo cadeeyo sababta hawadeenu ugu gacan gashay Mogdisho , heshiisyaddii la galay iyo faahfaahintoodana umada la horkeeno , si loo ogaado meesha la inaga raacay .
3- In maadaama ay hawadeeni wareegtay , fursadii aynu haysanay ee doodana aynu luminay , xaqna aynaan u lahayn in aynu dacwad u gudbino aduunyada meelnaba , aynu xaqiijino labadan qodob .
1- In aynu samaysano diyaaraddu dawladdu leedahay oo u kala goosha goboladda wadanka iyo Aduunka .
2- In
diyaaradaha caalamiga ah aynu heshiis kula galo in ay rakaabka inoo keenaan
madaaradooda sidda , Dubai iyo Adis ababa ,
Hadhwanaagnews
Hargeisa office.


0 





