'' Dheeshu waa bilow ,Dhayala maaha ''. W/Q: Ahmed Nour Guruje

0
Saturday March 21, 2020 - 15:44:28 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1399
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    '' Dheeshu waa bilow ,Dhayala maaha ''. W/Q: Ahmed Nour Guruje

    Somaliland iyo Soomaaliya waxaa ka dhaxeeya muranka uga adag ee ka dhaxeeya labba maamul

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland iyo Soomaaliya waxaa ka dhaxeeya muranka uga adag ee ka dhaxeeya labba maamul
oo Aduunyadda guudkeeda ka jirra , murankaas oo ah mid aan isagoo keli weligii laggu dhamaynin xal nabadeed iyo ciyaar ciyaartoona .

Soomaaliya waxay aaminsantahay in Somaliland tahay qayb ka midda dhulkeeda , xaqna ay u leedahay xuquuqda tasarufka dhamayska tiran ee wadan u leeyahay in uu wadankiisa xukumo ee loo yaqaano ''Siyaaddo amaba afka qalaad laggu yidhaahdo  " Sovereignty'' , Halka ay Somaliland aaminsantahay in ay tahay wadan ka madaxbanaan Soomaaliya , waxaan derisnimo ahayn oo ka dhaxeeyaana aanu jirin .



Xudunta Muranka labadda dhinaca .


Ficil kasta oo Soomaaliya ku talaabsato oo quseeya Somaliland Soomaaliya waxay u aragtaa xaquuq ay leedahay oo ay isticmaalayso , Somaliland na waxay u aragtaa faragelin toosa oo dabada lagaga soo sameeyey , salka murankuna waa halkaas , heshiis laggga gaadhi karaana ma jirro ilaa muranka guud ee asalka ihi dhamaado .


Sidaa markay tahay , heerkulka khilaafku wuxuu leekaanayaa hadba inta awooda Soomaaliya la eegtahay , hadba inta ay talaabo Soomaaliya qaado ayaana sargoynaysa khilaafku inta uu leekaanayo .


Somaliland maxaa la gudboon .

Somaliland maadaama aanay weli aqoonsi ka helin Aduunka Soomaaliyana khilaafkaa aynu soo sheegnay ka dhaxeeyo waxaa la gudboon .


1- In ay la timaado siyaasad midnimo bulsho iyo jahayn bulsho taasoo sal-dhig u noqon karta in sawtal jamhuurka bulshaddu gees u wada jeesto .


2- In Sidii caadada ahaan jirty aanay Somaliland ku dhicn wax il-duuf iyo hog-seega , waayo maanta inyar oo khalad ah oo la galo lama heli karro fursad lagu saxo , waxaana la joogaa marxaladda khuburaddu tidhaahdo '' The point of no error '' .


3- In maadaama aqoonsi la'aantu xagal daacinayso haayadaha Qaranka in Madaxwaynuhu Magacaabo Wasiiro buuxin karra kaalintii aqoonsigga , oo leh awood aqooneed , khibradeed iyo kartiyeed oo ay ugu babac dhigi karaan kuwa dhigooda ah ee aqoonsiggu kaalmaynayo .


4- In xukuumaddu siyaasadda difaaca ah ee ay ku shaqaynaysay Somaliland mudada dheer badasho , isla markaana hindisto siyaasad fara-gelineed oo lagaga hawl-galo gudaha Soomaaliya , maxaa wacay daadku intaanu kusoo gaadhin baa la iska moosaa .


5- Ugu danbayn , Waxaa loo baahan yahay in muhiimada koobaad lasiiyo dhaq-dhaqaaqa Mogdisho ka feejignaantiisa , maxaa wacay Aduunka wadan waliba wuxuu mudnaanta koobaad siiyaa daymadda dhanka uu ka filayo in lagaga soo maqan yahay


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...