Somalilandta xilka haysa oo u jawaabaysa somalilandta aan Xilka hayn:-Waxa qoray:Abdirahman Warsame Nour

0
Friday March 20, 2020 - 18:21:23 in Articles by
  • Visits: 1492
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somalilandta xilka haysa oo u jawaabaysa somalilandta aan Xilka hayn:-Waxa qoray:Abdirahman Warsame Nour

    Somalilandta xilka haysa oo u jawaabaysa somalilandta aan Xilka hayn:-Waxa qoray:Abdirahman Warsame Nour

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somalilandta xilka haysa oo u jawaabaysa somalilandta aan Xilka hayn:-Waxa qoray:Abdirahman Warsame Nour


Ilaa hada iima muuqato cadaw Somaliland dibada kaga yimi oo halis ku ah qarimada Somaliland laakiin waxaan arkayaa Somaliland dhexdeedii oo cadaw iskuwada noqotay khaasatan dhalinyaradii dalka oo aad moodo inay iyqgu yihiin xudunta mushkiladaha dalka iyagoo laysku adeegsanayo iyaga dhexdooda.

Image result for somaliland flag


Waxaan doonayaa inaan saddex qolo la hadlo:-


1aad. Qolada aaminsan inay dawlada dalka ka xigaan iskuna habar wacanaya midiba midka uu madaxweynaha uga qolo dhawyahay.


Qolaadaas waxaaan leeyahay dawladnimada waa geed damal ah oo qofkastaaba oo Somalilander ahi uu hadhsanayo tacabna lasoo wada geliyay dhib iyo dheefna loo siman yahay. Qoladaasi waxa u caada ah inay shacabka inta kale tusaan inay sawladnimada iyagu uga lexojeclo badan yihiin shacabka intiisa kale oo dhan. Hada ogow ugama lexojeclo badna ugamana wadanisana ee waxay ku mameen xoolaha umada waxaanay ka ilaalinayaan lala wadaagin raashinka ay gacanta kula jiraan mashaariicda ay nidaamka xigtooyadaha ku guranayaaan iyagoon uga aabo yeelayn hantida umada..ma xishoodaan oo waxay ku adeegtaan shaadhka dawladnimada inta kale ee dadkana waxay u haystaan ma fahmayaal. Waxay abuurteen network ay dawladnimada ku difaacdaan iyo kolba soo dhiga qoraalo ay dadka maskaxdooda ku caayayaaan taas oo micnaheedu tahay " Anagaa kaa saxsane adiga joog". Qoladaas waxaan leeyahay didibsada oo dawladnimada dadka ha nacsiinina.


2aad.Waa dhalinyarada aan dawladnimada ku abtirsan isuna arka in dawladnimada aanay iyagu gayin ee qolo kale ay iyadu iska leedahay. 

Dhalinyaaradaasi waxay ku dhoodan yihiin falanqeynta iyo ka sheekeynta mashaariicda nidaamka qabyaaladeed loo boobayo iyadoo loo sheeganayo awood dawladnimo waa sida ay iyagu aaminsan yihiine.Waa dhalinyaro rajabeel ka noqday nidamka dawladnimo ee dalka ka jira iyagoola tusayo inaanay aaminseyn nidaamka dawladnimo ee 30ka sano shaqaynayay. Waxay u hanqal taagayaan dalalka aan jaarka nahay taas oo aan habayaraatee wax naxariis iyo wanaagi uga horeyn. Waxay is tuseen inay yihiin kuwo aan gayin dalkan iyo dadkan laakiin cid gaari ku adeegsato dheef iyo dhaqaalaba. Waxay u ciilqabaan inay markooda sugaan si ay ugu aarsadaan.


3aad: Waa qolo labadaa u dhexa waa qolo tacab iyo wakhti waxbarasho la geliyay...waa xirfadlayaal tobabaran sida Dhaqaalo yahano...engineers....dhakhaatiir iyo saxafiyiinba aan habayaaratee ku shaqaysan amaba awood u leheyn inay si cilmigaysan u isticmaalaan cilmigay soo barteen...laakiin taa badelkeeda siyaasiyiinta facebuuga isku rogay...waa macaliin casharada siyaasada halkan ka bixiya. Waxay qaabilsan yihiin isku dirka labadaa aan xoga hore kusoo sheegay.


Gebogebo:


Saddexda qoloba waxaan leeyahay waxwalba waxa ka muhiimsan xoojinta iyo midnimada umada SOMALILAND dhexdeeda. Haku mashquulina sawiro iyo qoraalo aydaan masuuliyadeeda qaadi kareyn markay umadu colowdo. Ha isku dayin inaad qaranimada Somaliland usoo raacdo dadka aan habayaaratee wax wanaaga kuu heyn.


Waxa qoray:Abdirahman Warsame Nour

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...