Eng. Mohamed Ali Muse Oo Tacsi Udiray Ehelkii Uu Ka Baxay Mrxuum Axmed Maxamed X. Ibraahim Cigal

0
Friday March 20, 2020 - 10:09:56 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1951
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Eng. Mohamed Ali Muse Oo Tacsi Udiray Ehelkii Uu Ka Baxay Mrxuum Axmed Maxamed X. Ibraahim Cigal

    انا للة وانا الية راجعون

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

انا للة وانا الية راجعون

Waxaan tacsi tiiraanyo iyo murugo leh u dirayaa qoyskii, walalaaladii, eheladii, qaraabadii, xigaalkii, gacalkii, asxaabtiiiyo dhammaan shacabka reer Somaliland,geerida naxdinta leh ee ku timid ,Marxuum,Aqoonyahan,Axmed Maxamed   Xaaji Ibrahim Cigaal,oo maanta oo Khamiisa,19 March,2020,ku geeriyooday dalka Boqortooyda Sucuudi Carabiya.


Marxuum,Aqoonyahan,Axmed Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal,wuxuu ahaa saaxiibkay iyo walaal agtayda qiimo & qadarin badan ku leh,waxaanan ahayn isku hadaf,yoolkayaguna wuxuu ahaa sidii dalkeena hooyo uu  u heli lahaa aqoonsi caalami ah,waxaanu tacab badan ku bixiyey inuu magaca Somaliland iyo waxay u taagan tahayba uu saxaafada caalamka u gudbiyo ,kuna difaaco.Sida aynu la wada socono,Aabihii,marxuum Maxamed  Xaaji Ibrahim Cigaal,Rabbi naxariistii janno fardawsa ha ka warrabiyee,wuxuu ahaa Halyeyegii,Aabihii & Madaxweynihii Jamhuuriyada Somaliland ,ee dhidibada u taagay dalkeena hooyo, nidaamka dawladnimo ee aynu maanta ku naaloonayno u qotomiyey....Geesi innaga baxoo ,guul dhashuu ahaa.

Marxuum,Aqoonyahan,Axmed Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal,wuxuu ahaa Aqoonyahan Sare ,waxaanu shahaada BA (Economics & Politics),ka qaatay  Warwick University,ee dalka Ingiriiska,shahaadada MA (Area Studies/African Development) ,wuxuu ka qaatay London University,ee isla dalka Ingiriiska.

Waxaan saaxiibkay, walaalkay, marxuum, Aqoonyahan, Axmed Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal,aan Allaha awooda leh uga baryayaa,una weydiinayaa,inuu janno Fardawsa ka waraabiyo,danbi dhaaf u fidiyo,iilka u nuuro,iilka u waasiciyo,neecaw udgooniyo,ku siiyo naruuro, dhammaanteena samir yo iimaan saadiqa innaga siiyo,aamiin.

انا للة وانا الية راجعون




,


Eng. Mohamed Ali Muse
19 March,2020
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...