Seyladaa Furan Weeyee, Beyle Uu U Sareeyo, Sahal Baabu Farmaajo, Imansuuqan Hargeysa

0
Friday March 20, 2020 - 10:03:18 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 684
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Seyladaa Furan Weeyee, Beyle Uu U Sareeyo, Sahal Baabu Farmaajo, Imansuuqan Hargeysa

    BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM (A.S.C.W.R.W.B).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM (A.S.C.W.R.W.B).


WAXAAN SALAAN KHAAS AH U SOO DIRAYAA HADHWANAAGNEWS IYO AKHRISTAYAASHEEDA.

 

SOMALILAN SOCONWEYDAY,SANDUUQEEDI U XIDHNAA,

SIIRAANYAA JEBIYAYOO,CADAAWUHUU U SADDQEEYEY,

SANBIILKIISIINA KA BUUXSAYOO,SOCOYO KA DHAQAAJI,

SURINKII U BANEEYEY,KULMIYE WUU KA SINAAYOO,

SACABKAY U TUMEENO,DILAALIINTIINA SAXEEXOO,

SEYLADAA FURAN WEEYEE,BEYLE UU U SAREEYEE,

SUBAXBA QAAR KA KAXAYSTE,SIDUU DOONO KA YEELO,

SAQIIRKII GOORTU DHAMEEYEY,SIYAASIYIINTU KU JIRA,

SIDUU BAASHE SIFEEYEY,SALDHIGU WAABA HARGEYSA,

SIDIG WEEYE IRMAANO,SUBAXBA KAWGU SAREEYAA,

MAQAAR GEEDKA U SAAROO,KU SALAAXDA AYAAMO,

ILAMAA SUUQA DHEXDIISA,SIYAASIYIIN LAGU OOGTO,

SHARCIGEENO SAREEYO,XAMAR LOO SOCON WAAYO,

KAROONE AAN KU SIFAYNO,SIYAASIYIINTEENA ASQAYSAN,

SOOL HA KAAGA FILAATO,SAAKA MEESHA LA JOOGO,

RAGGEENI U SAREEYEY,SI YAR LOOGU DHAMEEYEY,

SIFAfAALAHAN MUUQDA,SIIGADAYNA HADHAYSAY,

HADDAN LOO SARE JOOGSAN,SIRTA AAN LA OGAAN,

SAHAL BAABU FARMAAJO,IMAN SUUQAN HARGEYSA.

              ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.

 


Lis Dairy
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...