Towarka Xamar Oo Bilaabay Budhcadda Hawada – Air-pirates

0
Friday March 20, 2020 - 09:48:56 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1525
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Towarka Xamar Oo Bilaabay Budhcadda Hawada – Air-pirates

    Wararka radarka duulimaayada hawada ee mandaqadda Geeska Afrika

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka radarka duulimaayada hawada ee mandaqadda Geeska Afrika
ayaa sheegay in saaka 4 tii subaxnimo ay diyaard Flydubai leedahay ka soo kacaday Dubai Airport iyadoo ku socottaay Hargeisa Airport. Haseyeeshee, diyaaradaasi iyadoon wali  Hargeisa  soo gaadhin ayay hawada ka noqottay, waxany dib uga degtay Dubai Airport.

 

Warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in Tawarka Airportka Mogadishu diyaaradaas iydoo hawada maraysa laga hadlay oo loo sheegay in Hawda Somalia iyo Somaliland ay xidhantahay cudurka Covid 19 awagii.

 

Waa Budhcad Hawada ka dillacday oo Radio tuugo ah sidata.

 

Intaa ka dib, baylootkii diyaaradda waday qaraar wuxuu ku gaadhay inuu diyaaradda dib Dubai ugu celiyo isagoo danaynaya nabad-galiyada rakaabka diyaaradda saaran.

 

Sida muuqattay Wakaaladda Duulista ee Somaliland wax wargalin  ah may siinin FlyDubai si ay u beeninso sheegashada ay dawdadda Mogadishu sheegattay inay hawada Somaliland iyadu xidhay, kana taliso.

 

Waxaa kale oo iyana khubaradu sheegayaan Hargeisa Airport aanu lahayn qalabka diyaradaha meesha fog maraya lagula hadlo. Radio waa la iibiyaa oo suqyada ayuu yaalla

 

Sida laga war qabo, qolada Xamar waxay mudduba ku hawlanaaayeen inay adduunka ka dhaadhiciyaan inay iyagu hawada Somaliland xukumaan – waa sheeko humaag iyo been ah oonay waxaba ka jirin. 30 Sannadood masuul Mogadishu ku abtirsadaa Hargeisa iyo Airportkeeda  cag ma soomuu dhigin, waxa ka jirana waxba kama oga.

Sidaa awgeed, haddii ay Reer Xamarku ku adkaysataan  anay iygu hawada Somaliland xukumaan  oo ay diyaaradaha ka joojin karaan, maxaa Somaliland la gudboon:

 

·      Waa inay Somaliland hayadaha ICAO iyo IATA u gudbiso dacwad la yidhaa "Conflict of Airspacee". Taas oo lagu caddaynayo in hawada Somalia iyo Somaliland la isku haysto oon wax diyarad ahi soo gali karin. Waa in aduunka loo bayaamiyo aanay Somaliland damanad qaadi karin Nabadgalyda Diyaaradaha soo gala hawada Somalia iyo Somaliland.

 

·      Waa In ay Somaliland diyaradaha ka hawl gala mandaqadda digniiin kama dambays ah siiso,  ayadoo iga digaysa inaan hawada Somaliland iyo Somalia la soo gali karin iydoon ogolaansho laga haysan Xukuumadaa Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Xasan  Cabdi Yousuf

Geopolitical Analyst

[email protected]

 

 

 

 

 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...