Dawladnimooy Maxaad Tahay? Maxaad U Taqaanaa Adigu?
Inta garashadayda iyo fahamkaygu i siiyey ee aan u aqaano dawladnimo waa talis maamul
iyo kala dambayn leh oo lawada leeyahay oo ay dadka
dhulkaa ku nooli u garteen in ay danahooga ilaaliso oo ka shaqeyso.
Marka aan leeyahay danahooga macnuhu waa danta guud ee dadkaasi
leeyihiin ee ay wadaagaan , sharaftooda, amnigooda iyo maalkoogaba oo ay
ku aamineen dawlada una samaysteen qaab iyo hab kala dambayn leh oo la
isku ayido oo lagu wada qanacsan yahay.
Marka ay sidaa tahay dawladu cida ay u dhisan tahay waa dadka iyaga
ayaa samaystay oo leh waa halka laga yidhaahdo " dawladu waa dadka " ,
waxaana ay u arkeen dan oo iyagana way ilaalisaa iyaguna way adeecaan oo
way aaminaan.
Dawladu waxa kale oo ay kala ilaalisaa dadka laftooda oo dadku in
aanay dhexdooda isku xad-gudbin oo ka xooga wayni kuwa itaalka daran
jiidh-jiidhin, iyo in aanay dawlada lafteedu dadka ku xad-gudbin.
Marka ay sidaa tahay ee qaab iyo maamul dhisan oo goleyaal,
maxkamado, madax, ciidan , shaqaale dawladeed oo awoodo sharci leh la
sameeyay ayaa dadka dawlada maamulayaa iyo kuwa u shaqeynayaa waxa ay
yihiin dad ka soo dhex baxay dadka oo umadu u igmatay masuuliyadahaa
kala duwan.
Dadkaasi iyaga ayuun baa abuuri kara waxa lagu aaminay ee dadku
heshiiska ku ahaayeen in uu noqdo wax la jecel yahay oo kalsooni dadku
kuwada qabaan iyo in loo arko nidaam aan dan u ahayn oo marba in uuni ay
ku adeeganayso.
Ku darso oo waxa loo sameeyay hab iyo qaab uu nidaamka dawladnimo ee
la isla qaatay laguna heshiiyey u shaqeeyo oo is xisaabin iyo isku
korjoog shaqo ah oo midba mid ka kale ilaalinayo lagana ilaalinayo waxii
aan dan u aheyn dalka iyo dadka ay dawlada u yihiin iyo diintaba.
Haddaba hadii intii madaxda ahayd dadka u heshiiso oo sidii la
rabay loo shaqeyn waayo , mudadii lagu heshiiska ahaa ee shuruucdu
dhigayeen kuraasida mudo ka badan la iska fadhiyo duruufo iyo sababo
kalifay iyada oo aanay jirin , waa sababta ugu weyn ee keenta kalsooni
darada iyo kala aamin baxa dawlad iyo shacabkeedii.
Wax iyaduna ayaan daro weyn oo ina haysata ah in si aad u hesho
kursi iyo madaxnimo in dantaadu kaala waynaato dalka iyo danaha umada oo
aad waxwalba ka dhex raadiso danaha xisbigaaga iyo xulafadaada adiga oo
ka tagaya danaha guud ee dadkaagu leeyihiin ama sameynaya wax lid ku
ah.
Intaaba waxa ka sii daran dadka oo aan aqoonsanayn awoodooda shacab
iyo xooga ay leeyihiin oo hadii qaladaadku ay ku bataan iyo
tabashooyinku in ay is abaabulaan oo si nabdoon shucuurtooda ugu soo
bandhigaan isu soo baxyo ay ku sheegayaan waxa ay diidan yihiin iyo waxa
ay doonayaan sameyn kara.
Waxa aynu rabnaa waa isbadel dhab ah oo saameeya ka darbi-jiifka ah
ee gidaarada u hoyda iyo ka ladan ee wax haysta labadaba ay ku
diirsadaan soona dhaweeyaan , waxaana uu ku imanayaa adiga oo ka xorooba
nin jeclaysi, reer hebel iyo qabyaalad , meel kalena ha ka raadine
akhriste adiga iyo aniga oo si xor ah u fikirna oo garana waxa aynu
rabno ayuu isbadelku ku xidhan yahay.
" Dadka aan la hadlayaa
baan lahayn dux iyo iimaane
Anuun baa damqanayee
Dheguhu uma daloolaane
Waa dhagax dixeed caqliga
Dooni laga saaray " Timacade AHN
Muhamed Dhimbiil
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...