Somaliland Maxay Kaga Jawaabtay Amarka Soomaaliya Ku Joojisay Diyaaradaha Fly Dubai Iyo Ethiopian Airline?
Hargeysa(HWN):-Xukuumada hogaamiye Muuse Biixi oo ay gacanteeda ka baxday maamulkii hawadu ayaa shaacisay in soomaaliya ay bilawday dagaal ka dhan ah somaliland.
Wakiilka somaliland u qaabilsan qaramada midoobay Dr. Maxamed Warsame Ducaale ayaa fariin uu ku baahiyey bartiisa Twitter-ka waxa uu ku sheegay in talaabooyinka ay soomaaliya ku hor istaagtay duulimaadyadii diyaarada Fly Dubai ku iman lahayd madaarka Hargeysa uu yahay dagaal toos ah oo ka dhan ah somaliland kaas oo ay soo qaaday dawlada Soomaaliya.
Wakiilka somaliland ee qaramada Midoobay Dr. Maxamed Warsame ayaa fariinta uu ku baahiyey bartiisa Twitter-ka waxa uu ku yidhi " Villa Somalia waxay ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Somaliland, Diyaaradda Fly Dubai ayaa loo sheegay inaanay soo degin garoonka diyaaradaha ee Cigaal ee magaalada Hargeysa.”
Wakiilka somaliland ee qaramada Midoobay Maxamed Warsame Ducaale oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey "Tani waa meel loo rogrogo oo hadda waa la quustaa. Argagixisanimadan siyaasadeed iyo tan dhaqaale ee aan la garaneynin ee ay wado Villa Somalia waa in laga jawaabaa.
Xukuumada somaliland ayaa dhawaaqani ka soo yeedhay ka dib markii ay dawlada federaalka ah ee soomaaliya ku guulaysatay inay si toos ah u maamusho hawada isla markaana ay madaarka magaalada Hargeysa ka hor istaagtay inay duulimaadkoodii caadiga ahaa ku yimaadaan diyaaradaha Fly Dubai iyo Ethiopian Airline.