Soomaaliya Oo Toos Ula Wareegtay Maamulkii Hawada Somaliland Iyo Laba Diyaaradood Oo Laga Celiyey Madaarka Hargeysa

0
Thursday March 19, 2020 - 17:36:03 in News by
  • Visits: 4674
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaaliya Oo Toos Ula Wareegtay Maamulkii Hawada Somaliland Iyo Laba Diyaaradood Oo Laga Celiyey Madaarka Hargeysa

    Soomaaliya Oo Toos Ula Wareegtay Maamulkii Hawada Somaliland Iyo Laba Diyaaradood Oo Laga Celiyey Madaarka Hargeysa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Soomaaliya Oo Toos Ula Wareegtay Maamulkii Hawada Somaliland Iyo Laba Diyaaradood Oo Laga Celiyey Madaarka Hargeysa


Hargeysa(HWN):-Dawlada federaalka ah ee soomaaliya ayaa hirgelisay amarkii xayiraada ahaa ee ay saartay guud ahaanba duulimaadyada soomaaliya.


Dawlada federaalka ah ee Soomaaliya ayaa amarka ay soo saartay waxa uu si toos ah uga hirgelay somaliland oo sheegata inay ka madax banaan tahay soomaaliya inteeda kale, waxaana guud ahaanba la joojiyey duulimaadyadii madaarada somaliland iyada oo la fuliyey.

Image may contain: 1 person, airplane


Hirgelinta xayiraada duulimaadyada ee soomaaliya ayaa keentay in duulimaad ay diyaarada Fly Dubai ku iman lahayd madaarka magaalada Hargeysa ee caasimada somaliland uu baaqdo ka dib markii dib loo celiyey diyaarada oo soo gashay hawada somaliland, waxaana waaxda maamulka hawada ee soomaaliya ay ku amreen inaanay dagin madaarka Hargeysa isla markaana ay dib u noqoto.


Diyaarada Fly Dubai ayaana si toos ah u qaadatay amarka dawlada federaalka ah ee soomaaliya taas oo dib u laabatay wakhti ay ku jirtay hawada somaliland, waxaanay rakaabkii ay siday ku wargelisay inaanay ka dagi doonin madaarka Hargeysa halka rakaabkii ku sugayey madaarkana loo sheegay in duulimaadkoodii uu baaqday isla markaana aanay diyaaradu imanayn madaarka.


Dhinaca kale diyaarada Ethipian Airline ayaa iyaduna baajisay duulimaadyadii ay maanta gelinkii hore iyo gelinkii dambe ku iman lahayd madaarka magaalada Hargeysa, waxaanay toos u qaadatay amarkii xayiraada ahaa ee ka soo baxay dawlada federaalka ah ee soomaaliya.


Somaliland ayaa si toos ah shacab iyo dawladba waxay u ogyihiin in maamulka hawadooda ay gacanta ku hayso dawlada federaalka ah ee soomaaliya taas oo meesha ka saaraysa beeno badan oo ay siyaasiintu u sheegeen shacabka somaliland.


Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland
Loading...
Loading...