Siyaasad Garan Maynee Dumarkeena Aan Caadifadii Uga Sheekayno...W/Q Maxamed Abiib

0
Thursday March 19, 2020 - 16:40:39 in Articles by
  • Visits: 2376
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Siyaasad Garan Maynee Dumarkeena Aan Caadifadii Uga Sheekayno...W/Q Maxamed Abiib

    Siyaasad Garan Maynee Dumarkeena Aan Caadifadii Uga Sheekayno...W/Q Maxamed Abiib

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasad Garan Maynee Dumarkeena Aan Caadifadii Uga Sheekayno...W/Q Maxamed Abiib


Aar siyaasad garan maynee Dumar keenii aan caadifadii uga sheekayno iyo Sheekooyinkeenii Caadada inoo ahaa ee aan 30 sano iska wadanay?


Dawladkasta oo dadkeeda aan u danayn ilaahay dadkeeda wuxuu usoo diraa shimbir mararka qaar ka badbaadiya hagardaamooyin ay u horseedeen ama u horseedi rabeen kuwii talada ay bideen!

Image may contain: 1 person, standing and suit


Bilaahi calaykum hadii shacabka somaliland ay u danaynayaan ma waxay odhan lahaayeen Coved19ka Itoobiya iyo Dubai hasoo duulo oo hasii duulo?? Ma shaydaan ayaau waxyooday in fayraska labadaa dal dhex jibaaxayaa aanu dadkeena waxba yeelayn?


Hadii Awal ay shacabka ku beer laxawsan jireen Somaliya waa Cadawgeena maanta dadka maxay ku odhan?? Ninka Coved19 dadka kusoo fasaxay ee yidhi joojin mayno Diyaaradaha Dubai iyo Itoobiya iyo ka ka joojay keebaa cadawa maanta??


Aniga aragtidayda Somaliland waxa u cadaw ah ninka dadkeeda u kala sadburiya kala dhawaysta wixii ay u sinaayeena qaar sigaara u siiya xil iyo xoolo ka ay noqotaba!!


Aniga aragtidayda waxa u cadawa ninka maalin walba qayb kala kexeeya intii dawladan yar wada samaysatay!!


Aniga aragtidayda somaliland waxa cadaw u ah ninka dawladaa 30 jirka ah ka dhigay sobool aan hal adeeg bixin karin oo aan bulshadeeda waxba kaga filnayn!!


Aniga aragtidayda somaliland waxa cadaw u ah Ninka Cashuur kasta libin laabay waxbana aan kaga soo celin bulshada rayidka ah!!


Aniga aragtidayda somaliland waxa cadaw u ah nin miisaaniyad kasta oo koradhay aan macalinkiisa iyo ciidankiisa waxba uga kordhin!!


Aniga aragtidayda somaliland waxa cadaw u ah
Ninka hordhiga iyo firdaaminta taaganta ka door biday inuu maalin walba ka sheekeeyo dhacdooyinka maalmo tagay!!


Somaliya la iskaga celin maayo been iyo muusanow joogto ah oo shacabka lagu wayrixiyo Awoodeedana laguma qarin karo in Xaqiiqooyinka muuqda laga been sheego oo la yidhaa dawlada taagta daran iyo KM ma dhaafto


Somaliya waa awood sii kordhaysa subaxii Rabi keenaba markaad eegto siyaasada gudaha iyo ta dibadaba!!


Xasuus reebyo badan oo aan duubnaa Xaqiiqooyinka maanta waxba ka tari mayso ee taa hala ogaado!!

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...