Ganacsatada Oo Jaqaysa Dhiiga Shacabka, Qiimihii Maceeshada Oo Ay Cirka Ku Laaleen Iyo Muuse Biixi Oo Daawanaya….Warbixin
Hargeysa(HWN):-Tan iyo markii ay Xukuumada somaliland ku dhawaaqday talaabooyinka la faray shacabka ee lagaga hortagayo xanuunka dunida ku sii faafaya ee Coronavirus waxa uu isbadal weyn ku yimid suuqii ascaarta ee guud ahaanba dalka.
Guddida xukuumada u xilsaaran ka hortaga xanuunka Covid-19 markii ay ku dhawaaqeen amaradii ay shacabka fareen ee lagaga hortagayo xanuunkaasi, waxay dadweynaha somaliland bilaabeen inay diyaar garaw xoogan ka galaan saamaynta ka dhalan doonta hadii uu xanuunkaasi soo gaadho dalka.
Shacabka oo bilaabay talaabooyinka ay kaga diyaar garoobayaan xanuunka Covvid-19 ayaa markiiba bilaabay inay kaydsadaan raashinkii ay isticmaali lahaayeen mudo bilo ah haddii uu xanuunku soo gaadho somaliland.
Baahida raashinka daruuriyaadka ah ee shacabka somaliland ayaa waxa fursad muhiim ah u arkay ganacsatada oo inta badan lagu tilmaamo kuwa aan naxariis u gelin shacabka isla markaana lagu eedeeyo inay dhiigmiirato ku yihiin bulshada, waxaanay kor u qaadeen qiimaha maciishada daruuriga ah ee ay shacabku u baahan yihiin, iyada oo qiimaha ay hada ku iibinayaan laga dareemayo in shayga ugu yar ay sadex jibaar ka dhigeen qiimihiisii hore, taas oo saamayn balaadhan ku yeelatay shacabka, waxaana qoysas badani ay hada awoodi waayeen inay iibsadaan raashinkii daruuriyaadka ahaa ee ay u baahnaayeen.
Ganacsatada ayaa qiimaha raashinka kor u qaaday 50%, waxyaabaha daruuriyaadka ah ee ay qiimahooda kordhiyeen ayaa waxa ugu mudan in 25=kii KG ee daqiiqda ah oo qiimahoodii hore ahaa 11$ ay hada ka dhigaan 15$, Saabuuntii dareeraha ahayd ee gacmaha lagu maydhayey oo lagu iibin jiray 1$ waxay hada kor u qaadeen 300%, waxaana ay hada siinayaan 4$, waxaana xusid mudan in shay kasta oo daruuri ahaa oo ay shacabku u baahnaayeen ay hada qiimihiisii kor u sii qaadeen, iyada oo ay suuragal tahay in hadii dalabka shacabku sii socdo maalmaha fooda inagu soo hayana ay qiimaha sii kordhin doonaan.
Dhinaca kale xukuumada hogaamiye Muuse Biixi oo amaradii ka soo baxay ay sababeen in shacabku ay diyaar garaw bilaabaan ayaa ilaa hada aan wax talaabo ah oo ka dhan ah macaashka sharciga ka hor imanaya ee baahida bulshada looga faa,iidaysanayo aan ka qaadin ganacsatada inta badan lagu tilmaamo dhiig miiratada oo xaalada taagan u arka mid ay faa,iido badan ku heli karaan.
Sidoo kale waxa xusid mudan maadaama oo xanuunkani saameeyey guud ahaanba dalalka caalamka isla markaana ay dadweynuhu diyaar garaw ka galeen inaanu isbadal ku iman qiimaha maceeshada daruuriga ah ee caalamka isla markaana shay kasta uu qiimahiisa taagan yahay, iyada oo dawladaha qaar ay ganacsatada ugu hanjabeen in hadii ay qiime korodh sameeyaan ay mudan doonaan xadhig iyo ciqaab kale oo la marin doono.
Si kastaba ha ahaatee shacabka somaliland oo aan haysan dawlad adag oo ka dhicisa ganacsatada gofanayaasha ku noqday ayaa hadana rajo ka qaba in xukuumada hada talada haysaa ay soo farageliso talaabada ay ganacsatadu ku kaceen isla markaana rajaynaya in wax laga qaban doono halka ganacsataduna aanay Muuse Biixi iyo dawladiisa ka filayn inay ka horyimaadaan danahooda ganacsig waxaana maalmaha soo socda la dhawrayaa dhinaca ay la safato dawladu, ma shacabka danyarta ah ayey dhinacooda ka soo jeesan mise ganacstada macaash doonka ah ee jaqaya dhiiga bulshada dugsanaysa dawladnimada aan cagaha adag ku taagnayn ee somaliland.