Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Balanqaad U Sameeyey Deegaanka Soomaalida.

0
Thursday April 04, 2019 - 17:11:00 in News by
  • Visits: 3548
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Balanqaad U Sameeyey Deegaanka Soomaalida.

    Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Balanqaad U Sameeyey Deegaanka Soomaalida.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Balanqaad U Sameeyey Deegaanka Soomaalida.


Jigjiga(HWN):-Raysal wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Ahmed ayaa balanqaad muhiim u sameeyey dawlada deegaanka soomaalida ee dalka Itoobiya.




Raysal wasaare Abiy Ahmed oo khudbad ka jeediyey xidhitaanka shirweynihii xisbiga dimuqraadiga deegaanka soomaalida oo Jigjiga ku soo dhamaaday ayaa sheegay in dawlada federaalka ahi ay diyaar la tahay taageerada ay uga baahan tahay dawlada deegaanka soomaalidu.


Raysal wasaare Abiy Ahmed ayaa balanqaaday balaadhinta dhaamamka biyaha, hoos u dhigida heerka shaqo la,aanta deegaanka soomaalida, isaga oo carabka ku adkeeyey in lala dagaalami doono ganacsiga sharci darada ah, saboolnimada siyaasada iyo ganacsiga la kootarabaaniyo kuwaas oo uu xusay inay yihiin casharada horyaala hogaaminta.


Sidoo kale raysal wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in dawlada federaalka ahi ay taageero la garab istaagayso dedaalada ka socda deegaanka soomaalida, isaga oo madaxda dhaqanka uga mahad celiyey madaxda dhaqanka ee deegaanka sidii ay u xaliyeen khilaafaadkii soo kala dhexgalay deegaanada soomaalida iyo Oromada.


Raysal wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in isbadalada nabadeed ee ka socda dalka Itoobiya ay yihiin kuwo guulaystay isaga oo deegaanka soomaalidana ku tilmaamay mid hormood u ah meelaha laga dareemayo isbadalkaas.


Loading...
Loading...