Madaxtooyada Somaliland Oo Hadhwanaagnews Ka Hor Istaagtay Ka Qayb Galka Shirkii Afhayeenka, Maxay Tahay Sababtu?

0
Thursday April 04, 2019 - 17:08:47 in News by
  • Visits: 6434
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxtooyada Somaliland Oo Hadhwanaagnews Ka Hor Istaagtay Ka Qayb Galka Shirkii Afhayeenka, Maxay Tahay Sababtu?

    Madaxtooyada Somaliland Oo Hadhwanaagnews Ka Hor Istaagtay Ka Qayb Galka Shirkii Afhayeenka, Maxay Tahay Sababtu?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxtooyada Somaliland Oo Hadhwanaagnews Ka Hor Istaagtay Ka Qayb Galka Shirkii Afhayeenka, Maxay Tahay Sababtu?


Hargeysa(HWN):-Madaxtooyada somaliland oo warbaahinta madaxa banaan iyo tan dawladaba inta badan ku soo wargelin jirtay shirarka jaraa,id ee ka dhacaya ayaa haatan qaaday talaabo ay ku kala saarayso saxaafada madaxa banaan ee dalka ka jirta.

Image result for madaxtooyada somaliland



Madaxtooyada somaliland ayaa dhamaan hay’addaha warbaahineed ee ay isku deegaanka ka soo jeedaan ganacsade Axmed Cismaan Geelle banaanka ka dhigtay shir jaraa,id oo afhayeenka madaxtooyadu kaga hadlayey xiisada u dhaxaysa ganacsade Axmed Cismaan Geelle iyo dawlada Djibouti.


Madaxtooyada ayaa go’aansatay in banaanka la dhigo hay’addaha warbaahineed ee ay isku deegaanka yihiin ganacsade Axmed Cismaan Geelle talaabadaas oo u eeg in xukuumadu ay dagaal hoose kula jirto beesha uu ka soo jeedo ganacsadahaasi iyo cid kasta oo ay isku deegaan yihiin.


Sababaha ugu waa weyn ee keenay in madaxtooyada somaliland ay xidhiidhka u jarto hay’addaha warbaahineed ee ay isku deegaanka yihiin ganacsade Axmed Cismaan Geelle ayaa imanaysa wakhti ay si xor ah u soo bandhigeen warbixinaha iyo wararka la xidhiidha xiisada ka dhex taagan ganacsade Axmed Cismaan Geelle iyo dawlada Djibouti, kuwaas oo aan laga soo dhawayn madaxtooyada looga taliyo somaliland.


Dhinaca kale wakhti ay meel aad u saraysa maraysayxaraarada siyaasadeed ee ka dhalatay faragelin ay dawlada Djibouti ku soo samaysay somaliland ayaa Hadhwanaagnews ay u suura gashay in wasiirka arimaha gudaha ay waydiiso inuu jiro waaran la sheegay in dawlada somaliland la soo dhexmariyey kaas oo ka dhan ah ganacsade Axmed Cismaan Geelle.


Wasiirka arimaha gudaha oo shirkiisa jaraa,id aanay ugu jirin inuu ka hadlo arimahaasi ayey su,aashaasi keentay inuu cadeeyo in somaliland aan la soo gaadhsiin waaranka qabashada ah ee ka dhanka ah dawlada Djibouti, arintaas oo iftiimisay inay jiraan talaabooyin kale oo lala maagan yahay ganacsade Axmed Cismaan Geelle oo haatan ku sugan Hargeysa.


Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland

Loading...
Loading...