Shirka Golaha Wasiirada Somaliland Oo Lagaga Hadlay U Diyaargarowga Qabsoomidda Doorashooyinka
Kal-fadhigii 32-aad ee golaha wasiirradda Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu shir gudoominayey
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, kuna
wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi
Ismaaciil (saylici), ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 04/04/2019, waxa lagaga
dooday arrimo badan oo salka ku haya danta
bulshada.
Waxa warbixin lagaga dhegaystay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo ku dheeraaday xaaladda amni ee dalka iyo muhiimadda ay leedahay adkaynta xasilloonidu.
Sidoo kale waxa golaha wasiirrada loo qaybiyey nuqullada siyaasadda dhulka oo ay soo diyaarisay wasaaradda Hawlaha guud, dhulka iyo guryeynta oo muhiimad weyn u leh guud ahaanba bulshada reer Somaliland.
Ugu dambayntii waxa ay golaha wasiirradu ku dheeraadeen diyaargarowga qabsoomidda doorashooyinka dalka kusoo foolka leh oo saaxiibada Somaliland ee beesha caalamkuna danaynayaan inay xilligeeda ku dhacdo, xukuumaddana ay ka go’an qabashada doorashada.
ALLAA
MAHAD LEH
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL
Loading...
Loading...


0 





