Mulkiilaha Kooxda Chelsea Oo Shaaciyey Khasaare Ka Soo Gaadhay Xanuunka Coronviurs
Mulkiilaha kooxda kubadda cagta Chelsea, Roman Abramovic ayaa khasaare weyn oo dhaqaale soo gaadhay sannadkan, waxaana sababta ugu weyn ay tahay xanuunka Coronavirus ee dhibaatada badan dunida ka geystay.

Kala-xidhanka adduunyada, suuqyada albaabada loo laabay iyo go’doominta la galay, ayaa waxay sababeen in ay dhulka galaan suuqyada saamiyada dunidu, waxaana la filayaa in lagu sii jiri doono xaaladdan toddobaadyada ama bilaha soo socda.
Sida uu qoray wargeyska Moscow Times ee kasoo baxa waddanka Ruushka, bilyaneerada dalkaas ee ugu lacagta badan ayaa waxay isku-geyn khasaareen lacag gaadhaysa £50.6 bilyan sannadkan lagu jiro ee 2020 oo bishiisii saddexaad ay badhtanka marayso, waxaana maalqabeennadaas ku jira mulkiilaha Chelsea ee Ramon Abramovic oo hantidiisa lagu qiyaasay £10.95 bilyan.
Mulkiilaha Chelsea, ayaa sida uu wargeysku sheegay waxa uu khasaaray lacag gaadhaysa£2.4 bilyan, laakiin waxa jira dad badan oo kale oo lumiyey lacag badan, waxaana ku jira Madaxweyne Vladimir Putin oo khasaaray £2.8 bilyan.
53 jirkan Ruushka u dhashay oo Chelsea iibsaday sannadkii 2003, ayaa waxay kooxdiisu muddadii uu mulkiyaddeeda lahaa ay ku guuleysatay shan koob oo Premier League ah, hal Champions League, laba Europa League ah iyo koobab kale oo dhawr ah oo gudaha Ingiriiska ah.
Laakiin laguma arag gudaha Stamford Bridge tan iyo xagaagii 2018 xilligaas oo loo diiday dal-ku-galka Ingiriiska, laakiin waxa uu ku sugnaa magaalada Baku kulankii finalka Europa League ee ay Chelsea ku garaacday Arsenal.
Inkasta oo uu khasaarahani gaadhay, haddana Ambramovic waxa uu wali ka mid yahay dadka ugu taajirsan dunida, khasaarahanna waxba ma yeeli doono.


0 





