Faallo:- Shirka Burco Waa Ma Dhalays, Wax-bana Ka Soo Bixi-Maayaan ( Abdi-Shotaly).

0
Wednesday March 18, 2020 - 13:21:02 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1474
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 4
  • Share via Social Media

    Faallo:- Shirka Burco Waa Ma Dhalays, Wax-bana Ka Soo Bixi-Maayaan ( Abdi-Shotaly).

    Waxan saaka u qalin qatay, igana dar-daaran ah, oo aan doonayaa in aan halkan kaga hadlo,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxan saaka u qalin qatay, igana dar-daaran ah, oo aan doonayaa in aan halkan kaga hadlo,
  waxana ka idhaaho Shirka Burco uga furmay Beelaha Garxajis Iyo Habar jeclo. Akhristaw hadaba ha deg-degin, ee si wacan oo miyir qabta u akhirya, runta baan idiin sheegayaa. Waxan halkan ku qorana ka hadla oo keliya, idinka oo dhanka reerka aad ka soo jeedo ula kicin, ee lafa gura, kuna koob-naadda waxan ku soo hor dhigo. waxana aan idiin horey-siinayaa, in shir-kaasi aanay wax-ba ka soo baxayn faa'iido ahi, oo uu yahay ma dhalays, raashin uun lagu cuni doono, laakiin aanu wax micna ah oo uu soo kordhi-nayaa jrrin, haba-yaraatee. Maxaa yeelay, wixii la isku hayey-ba la soo hadal qaadi-maayo baa la yidhi, ee markaas maxaa meesha yaala aan is waydiino'e?  Horaa loogu maah-maahay " Meel bur cawsa leh, oo biyo u dhaw baadi-doonyoo, biciid-kuba waa" Waana kuwan sababaha uu dhicis u noqonayaa shirkani, ee iyana iga qabta arimahan aan hoos ku qori doono oo xaqiiq ah:-


(a) Waxa la yidhi lagaga hadli maayo "Siyaasad", Markay sidaas tahay, waa in uu qof waliba is weydiiyaa, Maxaa dhex yaala ee kale labadan beelood ee Shirka u qabsa-deen? Ma dhul bay isku haystaan? Ma geel bay kala dhaceen? Ma hablaa mush-kiladi ka taagan tahay? oo ay isku haystaan la fara xumeeyey? Waa maxay waxa laga wadda hadlayaa ee ummadda loo jaho wareeri-nayaa? Aan qodobkan kuu soo koobo'e, waa wakhti halayn ay ujeedo kale ka dambayso iyo iska hoos bax cadaan ah, oo aan runta la isu sheegayn, ee ah khiyaamo iyo been la isku maaweeli-naayo, dad gaaraana wata, oo u jeedooyin iyaka u khaas ah ka raba, ee maaha wax xalilaaya  arimaha yaala miiska ee ay isku hayaan labadda beelood. Waana damba-bas aan qarsoo-nayn.  Waxa runta ka sheegay oo keliya Suldaanka guud ee Garxajis Suldaan Maxamed Abdilqaadir, oo yidhi anigu ma garanaayo wax laga hadlo, oo ay isku hayaan labadan beelood, oo aan siyaasad ahayn, mana ay jiraan, ee idinka baa sheegi doona waxad ka hadlay-saan? Hadii la doonaaya in xal loo hello xurgufta dhex taala, waa in taas la dhex galaa. Waxan hadaba u soo dul maray xaajooyin-kaas, waa cayn-kaas uu leeyahay Suldaan Maxamed Abdilqaadir oo dhab ah.

(b) Ujeedoo-yinka ugu waaweyn ee ay H. Jeclo ka leedahay sidaas, waxa weeye, in aan la soo qaadin wixii ay ku sameeyeen ( Ihun) Madax-weyne Abdirahman Ahmed Cali, oo ah madax-weynihii dalka ku Xoreeyey lixdda bilood ee qudha, iyaka oo lahaa shanta Wasiir ee ugu waaweyn maamul-kiisii, oo xataa uu ka la yidhaaho " Geenyo Shaaximan" uu ahaa Wasiirkii Difaaca.

(c) Ma rabaan in la taab-tabao wixii ay ka dhigeen Burco dagaalkii marya-aloolka, kaas oo salaysnaa Garxajis kama noqon karo madax Somaliland, bilaa sabab-na, si qaawana iskaga daba-galay reerka ay isku jeegaanta yihiin, godobadda sidaas ah in miiska la soo dhigo ma doonayaan.

(d)  Haddii daacad laga yahay maxaa ay u qaban waayeen " Kud-madaw"? Oo maalin kasta cadaawad, is nac iyo colaadda abuuraaya ee fidmadu u noqtay caadiga? Weli miyaad maqasheen nin reerka ah oo qudhunka uu walaaqaayo ka soo hor jeedda? jawabatu wa amaya, wax ku raaca mooyaane,

(e) Suldaan Maxamuud Guuleed Mire, oo aan anigu u hay  Abti ( Gunbuur dhalay, weliba jifadda aan ka ahay ee reer Bayle") Wuxu hadal ku soo koobay, "Idina mar baad nagu xaabiseen, anana mar baan idinku xaabinay" oo uu u jeedo Markii hore ee sillnayo baad naga baydheen, anana markii ug dambaysay bana idinka baydhnay" af-kana wuu ka xidhay wixii ka horeeyey ee ay faleen,taas oo ahayd, Muu sheegin waxa ay badheedhka ugu faleen ( Ihun) Abdirahman Ahmed Ali, isaga oo weliba ka fuudh yeelay intii ugu mudnayd maamul-kiisii. Wax yaabaha loo yidhi yaan laga hadlin Siyaasad " Waa taas xaqiiq-deedu, oo yaan la idinku soo fagin bay leeyihiin, taasina ma soconayso. ilaa siyaasad lagu xisaab-tamana, ma jiro heshiis daacad laga yahay, ee qabyo waa hal-keeddii, ee yaan " Milil guudkii la isu dhayin". wax ka soconayaa ma jiraane.

(f) Madax-dhaqmeekii Graxjis u doodi lahaa way ka maqan yihiin, oo waxa ka jooga, Ina Jaambiir iyo Suldaan Maxamed Abdilqadir oo khaldka si dadban u sheegay. sidoo kale way ka maqan yihiin lamana casuumin " Boqor Raabbi, Boqor Faysal, Suldaan Maxamed Muuse Cune" Waayo haddii la casuumo runta bay sheegayaan, taas oo cid rabtaa aanay jirin ee laga gabanayao halka suntu taallo in daboolka laga qaado, oo boogta la dilaaciyo. Bello wade " Kud-madaw isna waa ka maqan yahay, oo halkiisii buu isna beri ka bilaabayaa, mana qaban doon-taan, ee maxaa la isu sheegayaa?

Waxan ku soo xidhay maqaalkan,una sheegayaa ummadda ku ab-tirsata labadaas beelood iyo dhamaan reer Somaliland-ba, In aanay Garaxajis metelin, una hadli karin, waxay soo gooyaana aanay khusayn Garxajis, inta halkaas fadhidaa, ee ay ka mid yihiin kuwa Cumaamadda calooshoodda u sitaa, ee la yidhaaho in Suldana Cali, Cabdiraxmaan Good ( ee qaad walaha ahaan jirey) iyo inta magaca reerka wax ku doonta ee kale. Waxan u sheegayaa beesha H.Jeclo in beesha Garxakis 90% (Boqol-kiiba 90) Ay ka soo hor jeedaan ujeedadda ka dambaysa shirkan. mar hadii aan runta la isu sheegayn. Beesha H. Jeclo waa la yaqaanaa, oo Siyaasa-doodu waa jeegaan, mana rabaan in la fara geliyo, ee waxay doonayaan, in aan la garaacin al-baaba-doodda, oo ay u xidhnaa-daan, ee ay kuwa Garxajis u fur-naadaan, cid sidaas ka yeelay-saana ma jirto, ee ama al-baabadu  way wadda xidh-na-nayaan doonaan ama way wadda funaana-yaan, ee doc ha isugu baydheen, hana ogaadeen in kuwa ay casuumeen, aanay ahayn qaar Garxajis u taliya, una tirsan, waxna la waydiin, ee ay yihiin dhuuni raacyo u soo bariis doontay.
* N.B Meel Bur Cawsa Leh, Oo Biyo U Dhaw, Baadi Doonyoo Biciid-Kuba Waa!
Qore:- Abdi-Shotaly

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...