Dhaqanada Guurka Ee Ay Soomaalidu Dunida Kusoo Kordhiyeen:

0
Wednesday March 18, 2020 - 10:14:59 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 3526
  • (Rating 1.5/5 Stars) Total Votes: 2
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Dhaqanada Guurka Ee Ay Soomaalidu Dunida Kusoo Kordhiyeen:

    NOOCYADA GUURKA:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

NOOCYADA GUURKA:

vGuurka  tooska ah

vGuurka dhaca ah

vDani ku baday

vHeerinka

vBogsiinta.

GUURKA TOOSKA AH:

Guurka tooska ahi waxa uu u kala baxaa laba qaybood isasiin iyo xulasho.

vIsasiintu:waa marka labada oday ee kala dhalay wiilka iyo gabadha ay isla gartaan inay isa siiyaan wiilka iyo gabadha.

vXulashaduna: waa marka wiilka iyo gabadhu ay u heshiiyaan si toos ah isagoo midba ka kale ku qanacsan.

 

1.     GEED FADHIISI:geed fadhiisi waxa uu ahaa guur caado soo jireen ahaa waana guurka umada soomaliyeed iyo umadaha kale ee islaamka ah ay wadaagaan kana siman yihiin.

geed fadhiisigu wuxu ahaa in inanta reerkooda loo yimaado dabadeedna laweydiisto inay inanta siiyaan, sida dhaqanku ahaan jiray lays kuma diidi jirin inan loo soo geed fadhiistay ee waa la siin jiray, wiilka gabadhaas soo doonay, iyagoo qolada wiilku goobtaa ay  kaga dhawaaqi jireen yarad waxa ay bixinayaan iyo waxa waxa ay ku muunaynayaan hooyada inanta dhashay.

Waxaana inta badan hablihii hore wax laga bixiyo ugu wacnaa geel badan oo mararka qaarkood Kadin gaadhayey iyo fardo wada baxdow ah iyo qori maandhiin yare ah.

2.     LA TEGIS: waa nooc labaad oo kamid ahaa guurkii umada soomaliyeed ee hore iyo ta maanta joogtaba.

Waxaanu ku dhisnaa heshiis inanka iyo inantu ay wada gaadhi jireen kaas oo markaas inanku gabadha uu sidaa kula tegi jiray reerkoodii, dabadeedna halkaas loogu meherin jiray iyadoo hibadii la kala qaatay oo waligeedii uu inanta bixiyey, dabadeedna meherka ayaa ku xigi jiray oo ay sidaa ku noqon jireen qoys dhisan oo dhaqan.

3.     DHABAR-GARAAC: waa nooc kamid ah guurkii umada soomaliyeed ee hore ahaana caado aad u adag.

Dhabargaraacu waa gabadha oo aan doonisteeda waxba laga weydiin, khasab lagu kaxaysto dabadeedna inta wadaad lala raadsado la mehersado.

Marka aad fiiriso noocyada kala duwan ee guurka soomaliyeed waxa ugu heer sareeyey dhabargaraaca, iyo geed fadhiisiga.

Gabadha lagu guursado dhabar garaac waxay ahayd mid qiimo ahaan aad uga saraysa dumarka kale ee siyaabaha kale lagu guursaday, sidoo kale wiilka ay dhashaa gabadha dhabargaraaca lagu guursadaa wuu ka amaan badnaa wiilasha ay dhalaan dumarka kale ee noocyada kale ee guurka lagu guursado.

4.     DUMAAL: dumaashu iyaduna waa nooc kamid ah guurka umadii soomaliyeed ee hore hayeeshee aad moodo inu maanta aad udabar go’ay ama aanu jirinba.

Dumaashu waa marka ninka reerka leh uu geeriyoodo ama la dilo waxa gabadha guursan jiray wiilka ay ninka walaalka yihiin ama ka ay ilmaadeerka yihiin si gabadha iyo caruurteedu aanay u dayacmin loogana dhawro dhibaatada aabo la’aanta.

Gabadha sidaas lagu guursado ayaa layidhaah dumaal ama ninkii hebel wuxu dumaalay gabadhii hebel ka dhintay.

5.     XIGSIISIN: xigsiisinku waa nooc kamid ah guurkii soomaalida ee hore balse maanta aad u yaraaday.

Xigsiisinku waa marka ninka xaaskiisu ka dhimato ayaa qoyska gabadhu ka dhalatay waxa ay siin jireen ninka gabadhu ka dhimatay gabadha dhimatay tii ka yarayd ama inaadeerteed ama gabadh qoyskooda ah, si looga ilaaliyo caruurta ay marxuumadu dhashay dayaca iyo diifta ka soo gaadhaysa hooyo la’aanta.

6.     HEERIN (SAHAN DUMAR): waa mid kamid ah noocyada guurka.

Guurka noocan ah waxa sababtiisa iyo dedaalkiisaba iska leh hablaha kuwaas oo iyagu raba in la guursado, waxaana loo qaybiyaa laba qaybood oo kala ah

QUGELID:inantu hadii ay ka baqato inay guumawdo ama da’deedu waynaato waxay u geli jirtay wiil ay markaa iyadu laabta ka jeceshay hayeeshee isagu aan ka war hayn.

QHEERIN:habluhu marka ay dhaafaan waqtigii guurka amase ay ka baqaan inay guumoobaan waxay isku raaci jireen koox kuwaas oo Mari jiray reeraha iyo hadba jihada ay ku ogyihiin in ay joogaan wiilal aan weli guursan.

Waxa ceeb ahayd in gabadha heerinka ah ee guriga soo gasha laga saaro waxaana halkaa loogu guurin jiray wiilkii kaalinta guurka lahaa.

Gabadha reer ku hadha ee la guursado mooyee kuwa kale way ka socon jireen si ay iyaguna u raadsadaan wiilal guursada.

7.     BOGSIIN:bogsiintu waa qayb weyn oo kamid ah guurka somalida waxanu inta badan dhacaa kadib xaalado dhiig badani ku daatay marka ay dhacaan ee tolweyne ama reero ay dhibaato dhexmarto.

Bogsiintu waxay u kala baxdaa 3qaybood:

— GODOB REEB: marka laba reer colaadi dhex marto oo ay rag badan iska laayaan waxa dhici jiray heshiis, si hadaba layskugu calool fayoobaado waxa laysa siin jiray hablo hablahaas ayaa loo yaqaanay godob reeb.

— XAALSIIN:waa hablaha laysku siiyo xaal kadib markii laba dhinac gef weyni kala gaadho.

— KU QAADO: waa nooc aad ugu yaraa somalidii hore se maanta ku badan kuwa maanta jooga.

Ku qaado waa guur ninka la siiyo inanta uu faroxumeeyey ee bikradeedii ku jabiyey sifo aan xalaal ahayn, kadib markaa ayaa la odhan jiray gabadhan adaa xumaystee ku qaado.

Soomalidu waxay ku maahmaahday "caado lagooyaa cadho alle ayey leedahay” wax sababayba waxa maanta laga guuray qaybo badan oo kamid ahaa dhaqankii ay ku dhaadan jireen dadkiinii hore ee ku dhisnaa istaakulaynta, iska war haynta iyo dhamaan falalka wanaagsan oo dhan, hadaba maanta taasi waa gabaabsi ama way yartahay.

 

WAXYAABAHA LA BIXIYO GUURKA KA HOR IYO KA DIB:

 

Hadaba marku guurku dhaco kadib waxa labada dhinac ay kala qaadan jireen oo ay is waydaarsan jireen xoolo kala duwan waxaana kamid ahaa kuwan soo socda:

1.     Gabaati ama hibo: gabaatigu ama hibadu waa xoolaha ama hantida kale ee lagu bixiyo goobta wiilka iyo gabadha layskugu meherinayo, isla goobtaas oo lagu kala gudooman jiray wiilkana gabadha lagu siin jiray.

Gabaatiga waxa bixiya wiilka iyo reerkiisa halka la siiyo gabadha reerkooda.

2.     Gabaati sooran: gabaati sooran waxa weeye in xoolihii ama hantidii kale ee wiilku reerkoodu bixiyey wax kamid ah loo celiyo, waxaana lagu celiyaa isla goobta la joogto si hab maamuus ku dheehan yahay.

3.     Yarad:yaradku waa xoolaha inanta laga bixiyo.

Markaan dib u eegno dhaqanka somalida ee miyiga waxa la siin jiray qoyska ay inantu ka dhalatay, kaas oo odayga inanta dhalay uu doonan jiray marka inantu curato reerkana mudo joogto.

Waxa lagu kulmi jiray ardaa waxa is arki jiray odayada waxaana goobtaas lagaga dhawaaqi jiray xoolaha inanta yarad loogaga bixinayo.

4.     YARAD-SOORAN:marka lagu dhawaaqo xoolaha inanta yarad loogaga bixinayo ayaa aabaha inantu wuxu geela la siiyey wax ka mid ah u celin jiray reerka bixiyey kaas oo loo yaqaano yarad sooran.

5.     KAALO: waa xoolaha la siiyo wiilka guursada kaas oo ay siiyaan wiilka guursaday reerahoodu.

6.     YABADH AMA DHIBAAD: waa xoolaha ay inanta reerkoodu siiyaan marka laga guursado.

7.     XERO GAL: waa xoolaha ay wiilka guursaday siiyaan aabihii iyo hooyadii kaas oo loo sunto loona sheego maantaa wixii ka dambeeya inu isagu si gaar ah xoolahaa u leeyahay.

Marka wiilku guurdoon yahay waxa jiri jirtay wax loo yaqaano "kaalinoo ahayd inay wiilashu u kala hor guursadaan siday u kala weyn yihiin, waxaana ceeb ku ahayd dhaqankii soomaliyeed ee hore in lays barbar cararo sida maanta dhacda oo wiilka yari guursado isagoon kii weynaa ee kaalinta lahaa aanu weli guursan.

 

 

 

W/Q: Cabdirisaaq Axmed Cigaal(Darwiish)

[email protected]    0634240189

Loading...
Loading...