Golaha Wakiilada Somaliland Qaranimada Somaliland Ma Badbaadin Karraan Haddii Lasoo Hoos Mariyo Mooshin Gooni Isutaaga iyo Masiirka Ka Dhan ah

0
Wednesday March 18, 2020 - 10:12:15 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1484
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Wakiilada Somaliland Qaranimada Somaliland Ma Badbaadin Karraan Haddii Lasoo Hoos Mariyo Mooshin Gooni Isutaaga iyo Masiirka Ka Dhan ah

    Marka Loo Eego Cahdiga iyo Rabitaanka Shacabka Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Marka Loo Eego Cahdiga iyo Rabitaanka Shacabka Somaliland
oo Dhidibka u adkeeyay Mooyaane Majiraan Wax kale oo ka Gole Qaran ahaan Maanta Dabar u Noqonaya ama Difaacaya in Khiyaamo Qaran loo Geysto Jiritaanka iyo Gooni-isutaaga Somaliland haddii ay Dhacdo sida ay Sanadba Sanadka Ka dambeeya, si Suulis ah ugu mija Xaabinayaan Mooshin Dhaameelsan Xildhibaanadda Wakhtigoodu dhamaadey ee Golaha Wakiilada Somaliland oo Shacbigu Soo Doortey Muddo hada laga joogo Tobaneeyo Sanno.

 

Haddeynu uga Hadalno Mawduucan inta Jeer ee Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland si Biri-mageydo ah Gacantooda ugu gawraceen Shuruuc Dastuuri ah iyo Heshiisyo Caalami ah mudadii ay Joogeen Golahan waxeynu Ku Xidhiidhinaynaa Mudadii Xisbigan Kulmiye gacanta ku Qabtey Talada Dalka Somaliland Marka Si dhab ah hoos loogu eego Waa Dumintii Arimo baddan oo Masiiri ahaa oo Dalkan Somaliland dadiyo dalba waxtar weyn u lahaa Haddaan Tusaale usoo Qaato Wakhtigii uu Talada Dalka Gacanta ku hayey Madaxweynihii Geeriyoodey Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal Waxa uu Heshiis Caalami ah la Sexeexday Shirkadii La Wareegtay Haamaha Shidaalka Berbera ee TOTAL oo aheyd Shirkad Caalami ah oo Dib-uhabeyn iyo Dib-uhagaajinba Ku sameysay Haamaha Shidaalka Berbera heshiiskaasi Waxa jabiyay, oo Waxba kama jiraan kasoo qaaddey Markii Xukuumadii Kulmiye ee Axmed Siilaanyo gadhwadeenka aka ahaa ay Talada La Wareegtay iyadoo si aan Xeerarka iyo Dastuurka Waafaqsaneyn, uga Ansixisey Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland in Shirkada Total heshiiskeedii la jabiyo, halka isla Dabayaaqadii Xukuumadaasi, Golaha Wakiilada Somaliland laga ansixiyay Xeerka Isgaadhsiinta,Gaar ahaan Xadhiga Fiber-obitaca ee Shirkada (Somcable),oo ay Duuduub iyo Mustafeyn ku Meel-mariyeen Wakhtigaa Madaxweynaha uu ka ahaa Dalka Axmed-Siilaanyo Waxa kale oo ay Duuduub ku meelmariyeen Heshiiskii Shirkada DP-World ee Wareejinta Dekedda Berbera iyo Ku Wareejintii Haamaha Shidaalka Berbera ee Koox Ganacsato ah intaaba Waxa Ansixiyay oo Meel Mariyay Xubnaha Xildhibanaada Golaha Wakiilada Somaliland.

 

 

 

Haddaba Maxaa Dhacey Markii Madaxweyne Biixi La Wareegay Talada Dalka Somaliland?

 

Markii Madaxweyne Biixi talada dalka Somaliland la Wareegay Isla Xukuumadii Labaad ee Xisbiga Kulmiye  Waxa ugu Horeyntii uu Jabiyay oo Laaley Ku-Wareejintii Haamaha Shidaalka Berbera ee Kooxdii Ganacsatada aheyd,iyo Xeerkii uu U Cuskadey Madaxweynihii ka Horeeyay Axmed Siilaanyo, Haddana Waxa uu Marar badan oo dambe, farafareeyay, Socdaalana kaga daba Tagey Heshiiskii Saldhiga Milatari iyo Kii Shirkada DP-World oo isaga laf ahaantiisa Dib loogala Xaajoodey Kuwaas oo ay Meelmariyeen Golaha Wakiiladu Markii lagala Heshiiyay Dawllada Imaaraadka Laakiin Markii uu Madaxweyne Biixi mudo-xileedkiisa Qaatey Laba Sanadood iyo Dheeraad Waxa uu Jabiyay haddana Mar kale Xeerkii uu Madaxweynihii ka horeeyay Ku Meel-mariyay Xadhiga Viberka ee Shirkada(Somcable),Waxaanu habeen Madaw ka ansixiyay iyadoo la Suuliyey Xildhibanaada Golaha Wakiilada Somaliland, inktasoo aaney jirin Mudanayaal ka horyimid marka laga Reebo Hal Xildhibaan Waxa ay Talaabooyinkaas oo dhami isugu soo Biya-shubanayaan in Masiirkii Qaranka Somaliland ay khiyaameeyeen Mudanayaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliland ha ugu sii darnaadeen Kuwa Golaha Wakiilada ee Labada Sano loo Kordhiyay Muddo Xileedkan Madaxweyne Muuse Biixi Hadaba Su,aasha Isweydiinta Mudani Waxey tahey 

 

Golaha Wakiilada Somaliland Qaranimada Somaliland Ma Badbaadin Karraan Haddii Lasoo Hoos Mariyo Mooshin Gooni Isutaaga iyo Masiirka Ka Dhan ah?.....

 

Najiib Ismaaciil Maxamed

Somaliland Gabiley

Tell:0634466339


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...