Somaliland:-Shaqaalaha Dawlada Oo La Duldhigay Amaro Lagaga Gaashaamanayo Covid-19

0
Tuesday March 17, 2020 - 22:16:16 in News by
  • Visits: 1484
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland:-Shaqaalaha Dawlada Oo La Duldhigay Amaro Lagaga Gaashaamanayo Covid-19

    Somaliland:-Shaqaalaha Dawlada Oo La Duldhigay Amaro Lagaga Gaashaamanayo Covid-19

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland:-Shaqaalaha Dawlada Oo La Duldhigay Amaro Lagaga Gaashaamanayo Covid-19


Hargeysa(HWN):-Somaliland oo maanta bilawday hirgelinta amaro la farayo shacabka oo lagaga gaashaamanayo xanuunka Coronavirus ayaa mar kale shaacisay digniino la faray shaqaalaha dawlada.




gudoomiyaha hay'adda shaqaalaha somaliland Farxaan Aadan Haybe ayaa shaaciyey amaro uu sheegay inay waajib tahay in lagaga dhaqmo xafiisyada dawlada, isaga oo shaqaalahana u soo jeediyey inay raacaan amarada oo ay ka fuliyaan xafiisyada ay joogaan.


gudoomiye Farxaan Aadan Haybe ayaa amarada uu soo saaray waxa uu ku shaaciyey warsaxaafadeed u dhignaa sidan:-


Guddida Hayada shaqaalaha dawladu, iyagoo ka duulaya go’aamada ay maanta soo saareen Guddida heer qaran ee ka hortaga Fayraska coronavirus, maankana ku haya xaqiijinta badqabka iyo fayo dhowrka Shaqaalaha Dawlada guud ahaan ee ka hawlgala xafiisyada iyo xarumaha Dawlada waxa la gudboon masuuliyiinta waaxda cudduda Shaqaalaha ee dhamaan wasaaradaha, Hayadaha iyo xafiisyada kale ee Dawlada iyagoo kaashanaya wasiirada/gudoomiyayaasha iyo agaasimayaasha guud, Agaasime waaxeedyada iyo isuduwayaasha gobolada in ay qaadaan talaabooyinkan ka hortaga ah;


1- In la joojiyo isticmaalka nidaamka xaadiriska shaqaalaha-finger printka ama buuga xaadiriska muddo 4 todobaad ah.


2- In Shaqaale gaar ah oo ka mid ah shaqaale hoosaadka, ilaaliyayaasha iyo askarta amniga (watchmen /security guards)albaabka hore joogta loo dhiibo dareeraha gacmaha lagu nadiifiyo (wash hand sensitizer ) si cid kasta oo soo galaysa xafiisyada Dawlada xarunta iyo xafiisyada goboladaba loogu nadiifiyo gacmahooda, hadiiba taas la ay suurtoobi waydo waa in badaalkeeda kildhi/ibriiq biyo ah, baaldi wayn iyo saabuunta dareeraha ah ee gacmaha lagu maydho la dhigo kedinka qof kastana la faro lana hubiyo inuu maydhay gacmihiisa si qofna u gelin gudaha dhismaha iyo xafiisyada isaga/iyada oo faraha aan sii maydhin.


3- In la yareeyo booqashada dadka shicibka ah ee xarumaha iyo xafiisyada Dawlada gelaya waxii aan shaqo iyo kulan muhiim ah oo la ogyahay ahayn, waxii booqasho kulan is arag ah oo aan muhiiim ahayn, waa in la hirgeliyo telefoonka line ka oo yaalla kedinka si qofka soo booqdaha ah loola hadalsiiyo masuulka uu rabo ama loo fududeeyo inuu telefoonkiisa gacanta ka wada hadlaan ama loogu yeedho si uu ugu yimaado debeda.


4- Hadiiba qof shaqaale ka mid ah intaanu soo shaqo tegin subaxii isku arko xumad,qufac ama calaamadaha durayga/hargab waa in aanu iman goobaha shaqada ( xafiiskiisa) iskana joogaa gurigiisa mudo 2 todobaad ah.


5- Qofka shaqaale ah ee isagoo shaqada ku jira isku arka xumad, qufac qalalan/cuno xanuun ama calaamadaha hargabka/Durayga waa inuu degdeg uga baxaa xafiiska qaataana fasax toosna u tagaa gurigiisa isagoo mudo 2 todobaad ah ka maqnaanaya shaqada.


Allah mahad leh

Loading...
Loading...