Shacabka Somaliland Oo U Dhagtaagaya Waxay Kala Mudan Doonaan Kornayl Muuse Biixi Iyo Ganacsade Ina Aw Siciid
Hargeysa(HWN):- Dareen baddan ayaa ka abuurmey Kadib markii ay si aad ah usoo dhaweeyeen Maamulka Guud ee Shirkadaha TELESOM iyo SOMTEL Xeerka Isgaadhsiinta ee Toddobaadkii hore Xubnaha Golaha Wakiilada Somaliland, si aqlabiyad ah u meel mariyeen Kadib markii Golaha La Hor-keenay Mooshin ku sahabsan Xeerkaasi in lagu Sameeyo Waxkabadelis iyo Kaabis.
Mooshinka laga Keenay Xeerkan,oo dhaqdhaqaaqiisa si aad ah loo xadidey Islamarkaana, si sulux ah looga Sexeexay inta ugu baddan ee Xildhibaanadda Golaha Wakiilada Somaliland,una muuqdey mid muddo laga shaqeynayey lagana Fakeray in aan loo abuurin Buuq iyo Xasaasiyad ayaa , dareen badani kasoo baxey meel-marintiisa marka loo eego Falanqeyntii Shacabka ee ku aadaneyd in (Kooto Loogu Xidhey Isgaadhsiinta Fiberka ee Adeega Internetka Shirkadda Somcable),oo Golaha Wakiiladu hore ugu ansixiyeen Kootadaasi Xilligii Xukuumadii Madaxweyne Axmed Siilaanyo.
Hadalhaynta Arintan,ee Dhinaca Dadweynaha oo Xiisa gaar ah ku qaabiley isbadelka ay ku keentay Dhinaca Shirkadaha iyo sida aaney Walli uga hadlin Shirkada Somcable iyadoo loo tuhunsan yahey in Xukuumaddan uu Hogaaminayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ay door-weyn ku leedahay sida uu isku badelay Qorshihii hore ee Dhinaca Isgaadhsiinta Adeega Internetku ugu Kooteysnaa Shirkadaasi Waxaana Xusid Muddan Kulankii u dambeeyay ee Shirkadaha Isgaadhsiinta Loogu Qabtey Xarunta Wasaaradda Isgaadhsiinta, oo ay hadalo Ka jeediyeen Maamulaha Guud ee Shirkada Telesom Cabdikariin Maxamed Iid iyo Maamulaha Shirkada Somcable oo ku kala aragti Duwanaa Adeega Internetka iyo Mid Waliba Mawduucii uu kaga hadley Qoddobkaasi.
Ilaa iyo Hadda Majiro Wax hadal ah oo kasoo baxey Shirkada Somcable iyo Mulkiilaha Shirkadaasi Maxamed Aw Siciid Geedi dareen, ahaan aragtida ay ka Qabaan Xeerkan Xubnaha Xildhibaanadda Golaha Wakiiladu wax kaga Badeleen islamarkaana, Mooshinka kaga Keeneen sidii ay hore ugu meel-mariyeen Sanadii 2012kii in Shirkadda Somcable uu Adeegaasi kali ugu ahaaddo Somaliland,Mana jirto aragti ama hadal lamid ah kan Shirkadaha kale kusoo dhaweeyeen Taas oo iyaduna la macno noqoneysa in marka horeba Loolan adagi ugu dhexeeyay,Shirkadaha laakiin lagaga Guulaystey marka loo Fiiriyo aamuskooda.
Qeybo Badan oo Shacabka Reer Hargeysa ah oo Maalmihii u dambeeyay, si aad ah uga faaloonayay Xeerkan iyo Saameynta uu keeni karro Siyaasad ahaan Dalka ayaa, si xoog ah usoo qaadanayay Mulkiilaha Shirkadda Somcable Maxamed Aw Siciid Geedi in aanu aheyn nin Sahlan, oo haddii uu ka dagaal gallo Qorshahan lagu fasaxey Xeerkii u kooteysnaa, ay adag tahey ama Suurtagal Tahey in ay si adag iska hor-iman karraan isaga iyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ay kuwada Suntan yihiin in uu Qeyb culus ka ahaa Asbaabihii uu Madaxweyne Biixi kaga soo Gudbey caqabaddo badan oo dabar ku ahaa damaciisii Siyaasadeed,Waxaana dadka intiisa badani sheegayeen in Mulkiilaha Somcable Maxamed Aw Siciid hadda ku maqan yahey Dalka Dibadiisa laakin, Laga War Sugi doono marka uu kasoo kicitimo dalka Britan.


0 





