Masaajidka Soomaalida iyo nadaafadda...W/Q Ibraahin Hawd

0
Saturday March 14, 2020 - 19:50:29 in Articles by
  • Visits: 1489
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Masaajidka Soomaalida iyo nadaafadda...W/Q Ibraahin Hawd

    Masaajidka Soomaalida iyo nadaafadda...W/Q Ibraahin Hawd

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Masaajidka Soomaalida iyo nadaafadda...W/Q Ibraahin Hawd


Guud ahaan dadka Soomaalidu dhaqan ahaan aad bay u gu wanaagsan yihiin nadaafadda marka loo eego inta badan bulshooyinka dunida. Waa dad dharkooda iyo jidhkoodaba ilaaliya, joogto u cadayda, qubayska ku wanaagsan, mana dhacdo qofku aroortii in uu quraacdo ama guriga ka baxo isaga oo aan u gu yaraan cadayan, faraxalan oo fooldhaqan. Taa waxaa kaalin ku leh Diinta Islaamka oo meel adag dhigtay ilaalinta nadaafadda. Ummado badan oo aan bartay cid Soomaalida la mid ahi waa dhif. Taa waxaa beri fog markii kowaad i gu baraarujiyay dadkii reer Yurub ee xilligii gumaysiga Bariga Afrika joogi jiray qoraallo ay reebeen.

Image may contain: 1 person


Hayeeshee laba arrimood baa nadaafadda bulsheed ee Soomaalida dhaawac ku haya, labadaas oo ah saboolnimada iyo aqoon darrada/wacyi darrada. Ta saboolnimada tusaale ahaan biyaha oo ah asaaska nadaafadda la ga ma haqab la'a, taasina wax ay keentaa in tusaale ahaan xalista weelka biyaha la ga yamxeeriyo ama aan la gadan karin walxaha dufanka gooya. Ta u gu daran ee aan og ahay dhankaasi waa masaajidyada. Boqollaal iyo kumanyaal qof baa masaajid wada gala, iyada oo ay weliba diinta ka mid tahay in la is cidhiidhsado. Qofkii og uun baa og qaybta musqulaha iyo waysada xaalkooda, ha ahaato biyo yaraan, wacyi la'aan ama farsamo xumo.


Berigii aan ogaa masaajidkii gayiga Soomaalida u gu weynaa u guna casrisanaa wax uu ahaa kii Isbahaysiga Islaamka ee Muqdisho oo Sacuudigu u dhisay si aad u sarraysa. Musqulo badan oo safan oo mid waliba qasabad lee dahay, qasabado kale oo badan oo kuraas dhagax ah ku safan oo waysada ah iyo shaqaale nadaafadeed oo joogto ah ayuu lahaa. Hayeeshee saboolnimo ama musuq dartii la ma joogtayn dhaqaalihii, hawshii iyo dayactirkii loo baahnaa. Masjidkii Isbahaysiga ee qiimiga badnaa muddo ka dib qaybihii nadaafadda iyo waysada oo dhami waa ay baabba'een. Marawaxadihii badnaa iyo nalalkii waa la mid. Beri dambe mar kale waa la yara dayactiray, laakiin mar walba sidii buu u dayacmi jiray.


Masaajidyada waa in aad loo ga fekeraa nadaafaddooda, hay'adaha fayadhawrkuna si joogto ah u ga warhayaan, waayo waa goob ay boqollaal iyo kumanyaal qof oo wax buka iyo wax fayowba lihi ku kulmaan.


Qore SheekhIbraahin-Hawd Yuusuf

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...