Dhaqashiyo Mar Bay Kaa Yihiin Dheregu Xaaraane (Abdi-Shotaly).

0
Thursday April 04, 2019 - 10:18:45 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1955
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhaqashiyo Mar Bay Kaa Yihiin Dheregu Xaaraane (Abdi-Shotaly).

    Mudo badan ayaan maslaxo raadinaynay, meel kaste-ba, aduun-yadda, macfaladda ka sheegnay,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mudo badan ayaan maslaxo raadinaynay, meel kaste-ba, aduun-yadda, macfaladda ka sheegnay,
waxana ka markhaatiya caalamka oo dhan, marse haddii la qaadan waayey, ceesaantii mas iyo good, madax shabeel leeftaa, malageedi baa galaye, ha isku bogsato, haddii nabadda ceel-kaan ku riday, cidi ka soo saarto, ninkii ciil qabiyo iyo askari ay cuqdadi waashay, mid curyaan ah, caaqlki iyo mudane, caqli midan lahayn baa rogay, oo calan lulaayuune, ka carceertay nabaddii, oo ciirsi waa qori. akhristaw meeshan wax-ba ma yaalaan, oo waa inkaas hoos tagnay doqonkii Jabuuti, ee uu guudka inaga xukumo, muwaadiniin-teenii la leeyahay khasab noogu soo xidha, ee maxaa kuu yaala? Askariga ku jira Guriggii Moorgan " Raggii ma adiga aka hadhay" wuxu shalay doonaayey, in uu u yeedho Axmed Geelle Arab, oo uu yidhaaho, maxakamadaha Jabuuti, xunkun ay noo soo direen, baanu kugu qaadaynaa, oo micna-heedu yahay xoola-haaggii, buu Ina geelle basalka jabuuti la wareegayaa, ha-yeeshee shirkaas waxa baajiyey askariga laf-tiisa markii ummadu kacday, weliba arab meel cad iska taagay,kula hadleen luqaddii keli ahayd ee uu yaqaanay, yidhaaheen waxba dhulka nagama yaalaan, oo hargaysi wxaay noqon doontaa " Haro Dhiig ah"ee ay dib u soo nooleeyeen murtiddii faarax Nuur ee ahayd " Kurta haddii laydin jaro, kubabka meer-meersha, kun la dirira, idinkoo kontona waydin kaafiyiye", waxa uu yahay micnaha tuducani, ha is dhiibina, ee xaqiina iyo naftiina ku dagaalama, waa ha;lkii uu ka lahaa Salaan carrabay " Dhaqashiyo mar bay kaa yihiin dheregu xaaraane" waa in gacan la siiyaa Arab, oo xaq ku dagaalamaaya, xataa Hargaysi, ilayn sidaas baa askartu doonay-saaye. yaa wax ku la' keligood, ninkii cirka roob ku ogi isagaa is keeniye.



Wixii aan hore u eeday hawlaaban miyey i seegtay, waa xikmad soo jireen ah, oo micna-heedu yahay, inta aanay wax kugu dhicin, ka sii feejignaw, waa murti aad u qiimo badan oo loo daliilsan karo, aumuuro fara-badan oo leh ujeedooyin kala gedisan, waliba loo isticmaalo mararka yaalaa-ba ay wax si noqdaan, ee uu khalad dhaco, cida markaas samaysay-na ay isku canaanato,iyaka oo raba in ay dib u saxaan, farsamooyinkii ay ku galeen waxa ay ka dhaxleen, talaabaddii ay ku dhaqaaqeen eedhaliyey khaladka. Marka dhibaataddii soo baxdo, ka abuurantay khaladkii ay galaan, siddii ay falaw-geed u qaban lahaayeen maarayn-teedda, waxa ka qabash-dda waxa ay diidan yihiin, oo ah tallo xumaan, siyaasad khariban, Cadaalad la'aan iyo bulsho iyadu dan guud aqoon mid qabiil mooyee, oo khasaare maal iyo duunyo ahba ay qoobka ku dhuftaan, waxa waajib ah, oo khasab ku ah ciddii saamaysay, dib uga tabaabul-shaysiga ka taxa-dirka wixii soo gaadhay, oo uu u tafa-xaytaa in uu ka soo kabto, hadaba aan isku soo xooriyo'e, gun dhiga cinwaanku waxa uu tilmaamayaa, marka ay kaa murkacato xaajadu, waxa lagama maarmaan ah, in uu qofku guntiga dhiisha iskaga dhigo, una maleegto siddii uu ugu soo noqon lahaa caadi, isaga oo maskaxdda ku haya, in ay dhacaan wixii uu markii hore, ka artata-baysan waayey, ee halkaas uu jooga dhigay, soona yareeyey rajaddii uu lahaa ee ka kala daadiyey.


Waxa la yidhi, nin ku sigay wax kuu sheegye" Halkii Qorigu Kaa Muday, Mar Labaad Lug-Taadiyo Cagtu Yaanay Kula Marin", Markaan hoos u dhaadhaco, ee aan ka dego aaraarta, ee u gudda galo halka I manakh leh, ee ay cididu igaga mudan tahay, waxa weeye, qof wuu khaldamaa mar iyo lababa, laakiin maaha in uu weliggii iyo allahii dhex dabaasho, wixii aabahii dilay, ee waa in uu ogaadaa halka ay "Salaadu ka xidhmi la'dahay" markuu wax isku dayo-ba ay bog-cadka iskaga rogaysaa, waxan wixii uu taabto-ba, qulaan-qulshaha ka gawacaya, ee uu dhuub dun ugu geli la'yahay? qofku waa in uu u xisaab-tamaa, si rasmi ahna u dhuuxaa, cidhibta ay ku danbayn doonto, waxa uu doonaayo in uu qabto ama uu ku kaco, oo uu cawaaqibka uu ka dhaxli doono ka sii fiirsadaa, haddii kale waxay tahay in uu ku tallo galo, in faritog-dheer la xuli doonto, oo uu mar kale dhabarka ka jabi, sidii hore ugu dhacday. Waxan rabaa in aan bal idiin soo ban-dhigo, oo aan tusaale ku qoro halkan, taas oo ah, dhibta maanta inagu habsatay, ee inaga haysata maamulka Askarta dhegaha xidhan, in ay ahayd ka fiirsasho la'aan iyo inaka oo isku maqanayn. Ta inala durugtay oo aynaan ka fekrin, maxaa inoo dan ah? yaa inoo wacan? qofkee baa ina wadi kara?Xusbigee aan denbi hore soo gelin? yaad isku aamini kartaa? iyo wax yaabo kale oo muhiim ah, wixii aynu kala kulana-na waa taas aan ka nuuxsan la'nahay, ee ilaa imika inagu jiifta masaa'iib ka daran, oo kun jeer ka sii xun tii aynu ka halganay, welina aan la hinqan la'nahay, waxa misana ii sii cad in aynaan uba jeedin, ee aan ku socono wadaddii indhaha la'ayd iyo is mood-siis aan inoo dan ahayn, waxa wacan markaas, ilayn hore baa loo yidhi qof nool iyo ummad jiidhku kuugu yaalo, oo tabaalaysan mid-na lagama indho qarsado'e, in aan maantana idiin soo gudbiyo dareen-kayga, oo i siiyey in aan guriggii madoobaa ee madhnaa, aan ku sii hungoobayno mar kale, kana miisayno maskax la'aan ka xun tii hore, ee aan ku jabnay, oo ay durbaan idiin garaaca-yaan kuwii aan eednay, cid is waydiisay-na aanay jirin.

N.B Ka Shib Dhaha Islaamaw, Naftii Kii Ladnaa Gadaye!

Qore:- Abdi-shotaly

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...