Cuqubadu Halkii Lagu Galay Caw Ku hurudaaye ( Abdi-Shotaly).

0
Saturday March 14, 2020 - 09:43:07 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1879
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cuqubadu Halkii Lagu Galay Caw Ku hurudaaye ( Abdi-Shotaly).

    Waxa la yidhi bahalka la yidhaaho waraabaha, baa mudo markuu raq uu dilay,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa la yidhi bahalka la yidhaaho waraabaha, baa mudo markuu raq uu dilay,
oo xayawaanka kale qarsa-naayey in mudo ah uu dhameeyo, buu subaxa dambe is dul taagaa lafahii uu feentay, dhan walba kaga wareegaa, bal in ay wax yarina ku hadheen, markuu waayo baa waxa uu qaniinaa bawda-diisa, waayo siday somalidu sheegaan, wuxu isku adkeeyaa ilkaha ciil awgii oo is geliyaa, waxa cayn-kaas ka dhigan Maamulka " Xaafad-tooyadda" oo derbi madaxa la dhacaaya. Wuxu yidhi Cabdi Gahayr (Ihun) "Cuqubadu halkii lagu galay, bay caw ku hurudaaye, caruurtay ka laysaa, ninkii caano baas dhama'e" Allay-lehe haday jilbaha dhigatay, oo ay gees walba kaga ciirtay Maamulkii askarta. Albaab kastaa ka soo awdmay, oo laba dible la isugu jebiyey, wax ka furdaa-miyana ay la'yihiin. Waxa la yidhi maydh yaa u dambeeyey iyo kaa la sii sido'e. maanta maxay sheegi waa ku jiqe, oo tii ugu dambaysay baa ka sii khiikh leh " Raggii ma adigaa ka hadhay" Ee bal ha dafireen arimahan hoos ku qoran, ilayn waa kuwaad ogayd, oo la soo marin-maayo xaqiiq-dda miiska saarane:-

 

(a) Shalay waxa Maamulka farmaajo gebi ahaan-ba lagu wareejiyey, badeenii, oo UN--tu tidhi cid kale oo loo daba fadhiisa-nayaa ma jirto, oo aan ahayn kuwa Somaliya sheegta magacooga

 

(b)  Hawaddii iyana hore baa loo qaatay, oo askarigan bef-bef leh wax faraha ugu jiraa ma jiraan, oo aan ahayn hantidda ummadda ee uu sidda cagaftii shaawarta la odhan jirey,  ee camuudda xaabsan jirtey uu u xantoob-saday lacag, dhul, jago, beer, wax uu dhaafay-na aanay jirin-ba haba-yarataee, kolay saaladdii adhiga tahay, waxa laga iibiyaa Shiinaha oo beeri-hiisa ku beerta.

 

(c) Dawladda Isug Taga Imaaraadka Carabu, iyana waxay dib uga noqdeen Dekeddii Berbera, oo xamar baa tidhi carkee, ma adaa qaadan kara, bal samee aanu ku eegno'e, oo toos bay uga dhaqaaqeen, wixii hore ay uga qaadeen baa haatan laga doonayaa, iyo kharashkii ay geliyeen, oo ay weliba tidhi dib ha la nooku soo celiyo ( Iyaba waa ka waaweyne). daalac baa loo raacay ilayn haddii sidaas lagaga tago'e.

 

(d) Garoonkii Berbera isna waa ka kac, oo heshiiskii lala galay " Raggii ma adigaa ka hadhay iyo Geenyo shaaximan" isna ina wax kama jiraan buu noqday, oo cirkaa laga eegay, wixii ay wax ku cuni jireen oo dhan, dabadda baa loo soo xayday, ee caloolahii kala baxay ee xad dhaafay, haday dib isugu soo gudhaysaa, xagee loo kiciy maxaa-se lagu guri, soo gabaga-bawday beentii aduunka waxa lagaga guran jiraye.

 

(e) Ingiriiska been-beentii iyo huuhaa lacagta bilaashka ah lagaga guran jirey" ee ay ugu hoos qarin jireen, Ciidanka RRU-da iyo maleeshiyaad beelaysan, oo iyaka u gaar ah askarta, uguna sheegi jireen waxay la dagaalamaan " Wax ay ugu yeedhaan Argagi-xiso"laakiin-se dadka, saxaafadda, war-baahinta iyo xoriyatul-qawlka ay ku cabdudhin jireen, baa gunta la soo taabtay, wax ay is yidhaahaan dedaba iyo beello gaar ah oo ay u adeegsa-nayeen, si toos ahna waxa loogu sheegay in aanay bishan socota 31/03/2020-ga ay ugu dambayso wixii xaaraanta la iskaga raqi jirey.

 

(f) Itoobiya baa iyana si cad u sheegtay in ay ka noqotay 19% kii maal-gelinta Dekedda Berbera, ee saw afka dhulka may darin geeri iyo mag lahaan, aanay xataa cid aasta haysan, oo ay ku dhaharatay gebgeb-la-yaashii boobay foodkii ummadda.

 

Waxa la yidhi " Beeni lug keliya bay leedahay" taas qudhana marka laga qabto, af-weynta bay goosataa. maanta bay hadaba akhristaw taagan tahaycayn-kaasi.

 

Isku soo duuboo, Cuud-kuba dharaar buu, jiilaal cadaadiga, afka caws la waayaa, way ka cadahay, oo waxay cuskana-yaan gabaa-hirig iyo bankii giriyaad dhex-diisa, oo cidla ciirsi la' ah, imikay siddii dadkii waalaa faraha iskula hadlayaan, leeyihiin halkee baynu wax kale ka daynaa? Oo meel doon-doonayaan ay qadhaab ka helaan. ha-yeeshee xagee bay u gudi? Maxayse ku guurayn mugdi bay dhex roorayaan indho la'aane, dayax madoobaad baa u dhacay, cadceediina ka hoyatay, waa xagu gebi-xagu gebi guntu walace. Waad maqlay-seen ka la yidhaaho " Geenyo Shaaximan"  oo is yidhi ku hadal afka Ingiriisiga, oo ay ka dhabaqsan tahay, iskaga dhex yaacday, oo la hadlaaya " Ergeyga EU-da"  intuu is dul taagay aad moodaysay inuu la dagaala-maayo, weliba calaa-haakadda anshax-daradiisa isagii isku qoslay, waxana uu maslaxa-nayaa itaal baaska,in ay EU-du u buuxi-yaan halkii ay banaysay Boqor-tooyadda Ingiriisku, laakiin naftaa loo xarfiyey, waxana lagu yidhi waxa Ingiriisku Ku diiday, baad qabtaan, ee ha noola imanina.

 

*.N.B Cuud-kuba Dharaar Buu, Jiilaal Cadaadiga Afka Caws La Waayaa"

Qore:- Abdi-Shotaly.

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...