Shantii Somali Labadii 1960kii Midobay Surtagal Matahay Inay Markale Midoobaan?

0
Saturday March 14, 2020 - 09:39:40 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1147
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shantii Somali Labadii 1960kii Midobay Surtagal Matahay Inay Markale Midoobaan?

    Horta midnimada somalidu yay dan u tahay?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Horta midnimada somalidu yay dan u tahay?

Jawaab; midnimada somalidu waxay dan u tahay konfurta somaliya, waayo hadii aanay dan u ahayn kumay dheganaadeen hadalka ah kala tegimayno, waayahay haddaba midnimada koonfurta somaliya doonayso diyaar ma u tahay inay qiime ku bixiso sidii reer Somaliland ay lixdankii markii ay midnimada doonayeen ay waxwalba u hureen si loo helo midnimada kuwa maqana loo raadiyo?



jawaabtu haddii ay tahay haa, xamar ma ka suutagelikartaa inay huraan qodobadan soo socda si loo helo midnimo danbe, mise waxay leeyihiin idinkaa ilduufay lixdankii oo anagu waanu soo jeednaa, qodobaduna waa kuwan:


1) in magaalomadaxda Somaliya ay noqoto Hargaysa.
2) madaxwaynaha in somaliland uu ka yimaado
3) in calanka Somaliland la qaato
4) In maamulka loo qaybsado 50:50
5) in baarlamaanka loo qaybsado si isleeg
6) in wadanku noqdo federal laba qaybood ah waqooyi iyo koonfur
7) in ciidamadu u qaybsanaadaan labadaa qaybood, yeeshaana laba taliye oo wasiirka gaashaandhiga hoostaga, wasiirkuna reer waqooyi noqdo
8) in magaca Somaliaya la bedelo loona bixiyo jamhuuriyada federalka midawga waqoyiga iyo konfurta somaliya
9) 40 sano kadib marka la ilaawo wixii hore u dhacay midnimadaas danbena la tijaabiyo in reer somaliland afti laga qaado inay somaliada waqtigaa joogta ka sii mid ahaanayaan iyo in kale.
10) in dastuurka dalka cusub dib loo qoro marka 40 sano dhamaadan inta ka horaysana heshiiskani noqdo dastuurka dalka iyo wixii kale ee lagu darikaro iyadoo markasta reer somaliland sharciyada dalka ku leeyihiin codka Vitto oo ay horistaagikaraan qodobada aanay dantooda ka arkayn
11) in baarlamaanka midowga somalida cusub yeeshaan laba gudoomiye oo ka somaliland ka socdaa yeesho awooda vitto ah oo uu ku horistaago wixii shuruuc ah ee aan dan u ahayn somaliland ta cusub.


gabagabo haddii konfurta midnmadoonku ka dhab yahay sidii lixdankii reer waqooyigu ahaayeen waa inay ilduufaan oo aqbalaan shuruudahan cusub, haddii kale hala raadiyo sidii somalidu geeskan Africa ugu wada noolaanlahaayeen iyagoo nabad ah. Waxaanse arkayaa shalay manta u ekaa iyo booga hore oo qolofisaarantahay oo aan weli bogsan oo ragi dib u damqaayo

 

WABILAAHI TAWFIIQ
Omer J.Hashi

[email protected]

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...