Maraykanka Oo Turkiga Uga Digay Gantaallo Uu Ruushka Ka Iibsanayo + Sababta

0
Thursday April 04, 2019 - 09:48:23 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2075
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maraykanka Oo Turkiga Uga Digay Gantaallo Uu Ruushka Ka Iibsanayo + Sababta

    Madaxweyne ku xigeenka dalka Maraykanka Mike Pence ayaa Turkiga uga digay gantaallada uu Ruushka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne ku xigeenka dalka Maraykanka Mike Pence ayaa Turkiga uga digay gantaallada uu Ruushka ka iibsanayo ee S-400 ee lidka diyaaradaha, kaas oo Washington ay u aragto in uu halis ku yahay diyaarradaha Maraykanka.


Wuxuu sheegay "in ay waajib tahay in Turkigu” uu kala doorto in uu sii ahaado xubin muhiim ah oo gaashaan buurta Nato ka tirsan ama uu halis galiyo ammaanka saaxiibtinimadaas "isaga oo qaadaya tallaabo taxadar la’aan ah”.

Turkiga ayaase ku jawaabay in heshiiska ay ku gadanayaan gantaaladaas uu yahay heshiis horay horay loo gaaray.

Ankara ayaa calaaqaad dhaw la samaysanaysay Ruushka ka dib markii uu dhawaan xumaaday calaaqaadkii uu la lahaa Maraykanka iyo Yurub.



Turkiga ayaa ciidammada labaad ee ugu badan ku leh ururka Nato oo ah gaashaan buur ay ku midaysan yihiin 29 dal, kaas oo loo aasaasay in la isaga difaaco Midawgii Soofiyeet.

Maraykanka ayaa rumaysan in iibsashada Turkiga ee gantaallada S-400 ay halis galinayso diyaaradaha dagaalka Maraykanka ee F-35.


Washington ayaa hadaba baajiyay qorshihii ay Turkiga kaga gadaysay diyaaradaha dagaalka ee F-35.

Maraykanka ayaa sidoo kale Turkiga cadaadis ku saarayay in uu ka iibsado gantaallada uu sameeyo ee difaaca hawada sare.

Masuuliyiin sare oo Nato ka tirsan ayaa ku celceliyay in hubka Ruushku uusan la jaanqaadi karin qalabka ay xulafadu adeegsato.


Sidee Turkigu uga falceliyay?

Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa ku celiyay in ay la tahay in aan laga noqonayn heshiiska uu dalkiisu la galay Ruushka, kaas oo lagu qiyaasay in uu ku kacayo 2.5 bilyan oo doolar.

Madaxweyne ku xigeenka Turkiga ayaa mar dambana Twitterka ku soo qoray "waxaa waajib ah in Maraykanku uu kala doorasho sameeyo.

"Ma wuxuu doonayaa in uu xulafo la sii ahaado Turkiga mise wuxu doonayaa in uu ku buuro kooxaha argagixisada si uu u wiiqo xulafada Nato ee difaacaysa cadawgiisa.”

Ankara ayaa sheegtay in gantaallada S-400 ay ka caawin doonaan in dalku uu is difaaco, maadaada uu Turkigu halis kala kulmayo jabhadaha Kurdiyiinta iyo malayshiyaadka Jihaaddoonka ah.


Muxuu yahay hannaanka difaaca hawada sare ee S-400?

Gantaallada S-400 ayaa ka mid ah hannaanka difaaca hawada sare ee ugu cajiibsan dunida marka laga hadlayo kuwa dhulka laga rido.

Wuxuu gaari karaa ilaa 400km, hannaanka S-400 ayaa sidoo kale isku mar u dhici kara 80 jiho.

Ruushkuna wuxuu sheegay in uu soo ridi karo diyaaradaha jooga hoose ku socda, diyaaradaha aan cidina wadin, diyaarado joogag kala duwan ku socda iyo gantaallada riddada dheer.


Siduu u shaqeeyaa Gantaalka S-400?


Raadaar joogga sare qaabilsan ayaa la socda dhaqdhaqaaqa diyaaradaha ama gantaallada wuxuuna ku tiirsan yahay macluumaadka uu ka helo gaariga taliska, kaas oo qiimeeya meelaha ay tahay in la bartilmaameedsado.


1. Bartilmaameedka marka la helo gaariga taliska ayaa amra in gantaalka la rido.


2. Xogta in gantaalka la rido ah ayaa loo diraa gaariga ugu haboon ee bartilmaameedsan kara, gantaalka ayaana sidaa dhulka looga ridaa.


3. Raadaarka ayaa gacan ka gaysta hagidda gantaallada si ay bartilmaameedka u haleelaan.

BBC

Loading...
Loading...