Derbi Jilicsan Oo Ii Fagmaaya Baan Helay ( Abdi-Shotaly)

0
Friday March 13, 2020 - 20:23:38 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1163
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Derbi Jilicsan Oo Ii Fagmaaya Baan Helay ( Abdi-Shotaly)

    Fahan oo dhamayso qisadan wax baa kaaga biniixiye, dulucduna waxad ka helaysaa,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Fahan oo dhamayso qisadan wax baa kaaga biniixiye, dulucduna waxad ka helaysaa,
qaybta ugu dambaysa ee wakhti sii adoo mahadsan.             

Sheekadan aan ku hor keeni doono. Qofkii ku noolaa Burco sanadaddii 1969-1978, Wuu xauusan doonaaye, waxa jirtey magaaladda, islaan dawersata oo la yidhaaho "Mulaaxo" oo qurux u dhalatay laakiin caydhnimo daaduumisay, oo wakhtigu si xun u qabatay, iska rif-rifan sabool-nimo awgeed. Aan kuu bilaabo'e akhristaw, Somalidu hore bay u tidhi " Ragna waa raggii hore, hadala waa intuu yidhiye" Heesaha ciyaar Somalidda ah, baa waxa ka mid ahaa marka habeenkii la shamiraayo "Sadex-sadex kalaa Dilay", kuwaas oo kala ah:-

 

(a) "Qurux, Caydh-nimaa dhishay" ( Waa dhab), aan kuu fasilo'e micna-heedu waxa weeye, si kaste oo qof-kaasi u qurux badan yahay, haduu wiil yahay iyo haday gabadh tahay-ba, maadad uun baa ka maqan ,oo ishu ma qabato qurux-doodda, wax uun baa ka si ah muuqaal-koodda, sina way u yara dhaban-dhaabsan yihiin, oo waxay isu rogtaa qurx-dooddii caweef bah dilan.

 

(b) " Garna, Eexashaa dishay"  Taas oo iyana cadaynaysa, haddii kuwa loo xil saaray arinta markaa taagan, ay gar cadaalad ah qaadi waayaan, laguma qanco, waxana ka sii dhasha, wixii la rabay in la xalilo wax ka sii xun, oo ah in dilku sii bato, la isi sii naco, la kala qaxo, foodad iyo qas ka dhashaan iyo kala aar goosi, Waxa u tusaale ah siddii ka dhacday " Degmadda Ceel-af-Weyn" oo kale, waxana ay sii abuurtaa rebshedo hor leh, qalaan-qal aan is taagin iyo kala guur, ilaa gar cadli ah, oo isu dheeli tiran la hello-na ma joog-sato dhibta ay keentaa eex-du.

 

(c) "Guurna, oday xun baa dilay". Ujeeda-dda laga leeyahay, waxa weeye, inantu haday qab weynaato, oo dhawr nin diido, aakhirka marka ay da' gaadho, waxa u soo baxa oday aan beed kala jebinayn, oo ay ka dhamaatay, kaas oo ku yidhaaha, naa hooy wakhti kuuma hadhine, bal in Rabbi wax kaa reebo " Maad ii noqon miyaro?" Waayo taasi kuma ay dhacdeen, haddii aanay raggii hore diidin, ee wiil la da' ah bay ka dhex xulan lahayd.  Waxan hadaba u soo qaatay, malaha way ila taraar-taye, aan dib ugu soo noqdo sheekaddii " Islaantii Mulaaxo" Xaajji-yadu indhaha si wacan wax ugama aragto, waxay dhashay laba wiil oo aan jeelka ka bixin iyo inanta gacanta qabata ee la dawersta, oo la yidhaaho "Asli". Wiilka weyn waxa la yidhaahaa naanays-tiisa "Ha libiqsan, Caan buu ku yahay magaaladda Burco ( Waa tuug weyn oo Xadhko goys ah), Ka yarna waxa la yidhaahaa " Xasan xabagle" oo wax buu yara fuuq-fuuq-sadaa" Markuu wax cabona wax buu boobaa, dabeed waa la xidhaa

 

 Wax ay sidaas ahaato-ba, maalin ayaamaha ka mid ah, Islaantii mulaaxo oo inan-teeddii " Asli" la soo dawersi tagtay, ay yimaaden waa 1978-kiiye Maqaaxi la odhan jirey "Gaajo Cad" ee ku qabsanayd Masaajidkii Musa-jaamaca ahaa ee Burcaddii hore, una dhagawa boosta (qofkii garanaaya baa yaqaanee), si  ay wax u waydiis-taan dadka maqaaxidda fadhiya. hadaba waxay hor taagnaa-daanba, aakhirkii waxa ka soo baxay, nin Janaalaha oo ka yimi khaliijka Carabta, mar-kiiba wuxu isha ku dhuftay, inantan quruxdda badan ee salaanta hooya-deed ah gacanta haysa, dabeed wuxu ku yidhi " Ma hooyadaa baa?" Waxay ugu jawaabtay ahaa " Wuxu ku celiyey, cid idin caawisa miyey-daan lahayn? Waxay Islaantii ugu jawaabtay "Nnin-yahaw Hadaad wax na tarayso, wax na sii hadalkan badan iska daayoo" Su'aashii kale buu ku celiyey Janaalihi, islaantii waxay tidhi ugu dambayn, laba wiil oo kale baan leeyahay, oo jeelka bay ku jiraan. Wuxu ku yidhi " Bal ka waran hadaan inanta kaa guursado, oo aad ka nasatan suuqa aad dawersa-naysaan. Islaantii Mulaaxo inta ay yaabtay bay tidhi " Ma kaa dhabaa " Haa waa iga wallaahi buu yidhi. Muwaadin siddii buu inantii ku guursaday, maxase ka dambeeyey?

 

Nin baa laga hayaa " Ilaahaw waraaba-na wax sii waa anoo kale'e" Ninkii janaalaha ahaa, labaddii wiil wuxu ka soo saaray jeelkii, oo kii weynaa Baabuur buu u iibiyey u kala baxa Burco Iyo Berbera, kii yaraana Bakhaar buu u furey, Islaantii way iska degtay oo gurigii inan-teedda bay kaga raysatay, wareegii suuq-yadda ay ku kalihi jirtey oo lad-naatay, Iyadda oo beri dambe suuqa ay inan-teeddii gacanta hayso ( siddii caadiga ahayd), oo xarago tiicaysa, bay islaamihii ay wadda dawersan jireen ku soo baxeen, kuna yidhaaheen Mulaaxooy " Xagee Baa Illaah wax kaaga soo cawaday?" Waxa kaa muuqata lad-naane. Waxay ugu jawaabtay " Waxan helay derbi jilicsan oo ii fagmaaya" Waxay ku yidhaaheen misana, Muxuu ahaa derbi-gaas Jilicsan ee aad heshay? Waxay ku tidhi " Waa wiilka khayrka qaba ee guursaday inan-taydan i wadda, Waxan uga socdaa oo aan ku soo gabaga-beeyey, Maamulka Askariga " Raggii ma adigaa ka haday iyo geenyo shaaximani" Waxay hadeer sidda Islaan-taas Mulaaxo, " Heleen derbi jilicsan oo u fagmaaya" ( Waa Somalilande), iyaka oo cumaamad keliya madaxa ku duuban, bay xuduudda itoobiya ka soo galeen iyo Xarshintii ay laxooxdda ku dubi jireen, markiiba waxay bilaabeen, booba yaa wadani xoolaha shicibka, hantiddii ummadda jeebka bay ku shub-teen, oo maanta milyan- neeriin weeye. markay xoolihii dad-weynaha ka fara qabsaday. oo ay dhinca walba iska dhigeen, sidda " Mulaaxo-na" caruur-tooddii iyo qoysas-kooddii raashinka qaraxa ah ku higoon jirey, ay ka dhigeen maal-qaaba-yaalka ugu waaweyn dalka ( Waa iska xaal aduun iyo camala-diiye ummad yahay)? Waa kuwaas dhiishii foqorka tuurey, ee weliba maal nin dhaqday doonaaya in ay khasab kaga qaadaan, Sidda Axmed Geele Arab, Dhiig-shiil, Ina Aw Saciid, iyo qaar kaloo badan, oo iyaka hore loo kiciyey, waxay hayeen-ba laga fara maroojiyey.

* N.B Garta Eexashaa Dishay!

QorE:- Abdi-Shotaly.

[email protected]

 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...