'' Carrona Virus iyo Cadaaladda ''. W/Q: Ahmed Nour Guruje

0
Friday March 13, 2020 - 19:50:10 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 884
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Carrona Virus iyo Cadaaladda ''. W/Q: Ahmed Nour Guruje

    Cudurkan cusub ee Aduunyadda ku faafay ayaa ah mid asluubkiisu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cudurkan cusub ee Aduunyadda ku faafay ayaa ah mid asluubkiisu
u eeg yahay mid sawiray muuqaalka cadaaladda .

1- Cudurku wuxuu kaga wada qaylisiiiyey wadamadii waawaynaa iyo kuwii yaryaraa , kuwii qaniga ahaa iyo kuwii faqiirka ahaa ,kuwii horu maray iyo kuwii dib u dhacay .



2- Cudurku wuxuu si safmar ah ugu dhacay Madax , maalqabeeno,masaakiin iyo dad badan oo kala duwan .


3- Cudarka meesha ugu qurux badan ee uu cadaalada ka matalaa waxay tahay , madaxdii Afrika ee marka ay xanuun yar dareemaan dabadaha u yaci jirey si ay isugu soo daweeyaan , mid keliya oo dabda u bixi karaa ma jirro , maxaa wacay , ma jiro wadan aqbalaya in uu soo galo qof cudurkani asiibay , wadan walibana wuxuu si feejigan isaga eegayaa in uu soo galo qof cudurkan qabaa.


4- Maanta madaxdii Afrika ee dalalkooda hagraday ee Jarmalka iyo Yurub isku soo dawayn jirey , waxaa huran cisbitaaladii wadamadooda ee aanay waxba moodi jirin iyaga iyo masaakiintiina isku meel baa dani ku haysataa .

waxaana la joogaa waqtigii madaxda Afrika caafimaadka dalalka ay madaxda ka yihiin usoo jeesan lahaayeen , maadaama dani kusoo ooday

 

W/Q: Ahmed Nour Guruje

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...