Fashilaado Dul Hoganaya Mashruuca Berbera Corridor Oo Qarka U Saaran Inuu Istaago
Dal dhacan oo dadkiisi iyo dawladiisiba dayaceen somaliland!!
MAXAAD KA OGTAHAY MASHRUUCA BERBERA CORRIDOR EE HADA SOCDA?
Asallama Calaykum waraxmatullahi wa barakaatu. Qoraalkan waxaa idinla wadaagaaya anigoo ah ; Eng Dayib Areyte ahna, Muwaadin reer Somaliland.
Warbixintan yaree kooban waxaa igu kalifay inaan idinla wadaago kadib markii dad badani xog iga waydiiyeen mashruucan iyo warkiisa maadaama oo aan kamid ahaa Engineers ka sida dhaw hawshaa mashruuca gacanta uugu hayey qayb ka mida (Berbera Corridor). Qoraalkan yari waa xaqiiq aan mid walba hayo cadaynteeda iyo xiligay dhacday maaha mala awaal iyo waxaan jirin.
Sawirada quruxda badan e lagasoo qaado meelo kamida wadada oo dhamaaday ama dhaw-dhaw anba waan ku farxaa oo war-war baa ihaya ah talaw may dhamaan mise Somaliland ee dhistay ku dambayn. Sawiradaa qaar kamida anaaba qaaday oo faafiyey.
Waxan jeclaystay bal in aad fahantaan sida mashruucaasi ku bilawday, Xiliga uu bilawday, sida uu u socdo ilaa hada, cida wada, iyo waxa u qabsoomay gabi ahaanba.
Mashruucaasi wuxuu ku bilawday rabitaanka dalka aynu jaarka nahay e Ethiopia si uu u helo dariiqyo badan oo uu wax kala soo dego maadama uu yahay wadan bilaa bada ( Land locked) oo u baahan in uu helo dariiqyo badan oo u sahlaaya badeecadihiisu in ay maraan.
Mashruuca (Berbera Corridor) hadaad maqasho, dhererkiisu waa 937KM gabi ahaanba, 696Km oo kamidi waa Addis Ababa ilaa Tog-wajaale, 241KM ee soo hadhay waa Somaliland Berbera to Tog-wajaale.
Daraasadii u horaysay ( Pre-feasibility study) waxaa la sameeyey dabayaaqadii sanadkii 2003 dii waxaana daraasadaa iska kaashaday oo wada sameeyey Labada shirkadood ee kala ah; LOUIS BERGER S.A oo la socday waftiga (European Commision) oo bixinaayey magalinta daraasadan iyo AFRICONSULT oo kasocotay dalka Ethiopia, oo Sub-contractor na u ahyd shirkada hore.
Waxaanay keenen xogta rasmigaaa e jidkaa gaar ahaan inta Somaliland marta maadama qaybta Ethio hore loo maal galiyey oo (World bank Group) ku kharashkeeda bixiyey.
Wixii intaa ka dambeeyey dadka reer Somaliland waxay dhagta uun ka maqli jireen "Berbera Corridor" iyo wadadaasaa ladhisayaaa.
Jiitan badan, dawlado badano intii isbadalay iyo isjiid -jiid badano dhexdeenaa kadib nasiib wanaag; Mashruucii Berbera Corridor wuxuu madaxweyne Muuse Biixi, golihiisa xukuumada oo uu uugu horeeyo wasiirkiisa jidadku iyo goob-joogayaal ka kala socda UAE, ETHIOPIA iyo goob joogayal kale ba sida; Abu-Dubia Fund , Neal Bin Harmal Hydroexport ( NBBH) oo ah shirkada qadaraaska lasiiyey si rasmiya u dhagax dhigeen 28/02/2019 mashruucaa CORRIDOR.
Dhagax dhigaa kadib, mashruuca waxaa qandaraaskiisa lasiiyey shirkada NBHH oo ( General Contractor) ka ah waxaana la talin ka noqotay mashruuca ( Consultant) CONSER.
Shirkadii mashruucaa qaadatay waxay bilawday in ay bixiso (Sub-contract) oo ay usoo bandhigto shirkadaha dalka oo dhan cidii ay khusayso. Waxaa ka qayb qaatay tartankaa in kabadan (21 Sub-contractors) oo dalka u dhashay ( Local Sub-contractors).
Kadib markii shirkadii (NBHH) kala saarty shirkadihii mashruucaa soo xaraystay ee wadanka udhashay hab ay martayba kala saaristaasi oo dadka qaar aad u saluugsanaayeen waxaa la qaatay oo ku guulaystay shirkadahan oo qaar kamidana ay dawladu leedahay;
1. DAWLADA HOOSE HARGEISA oo magac ahaana uugu jirtay mashruuca (MEC)
2. ALMIS CO.
3.AMAL JV
4. GURI-BARWAQO & MOTHER-CARE
5. STAR GENERAL CONTRACTOR
6. AL-NAFOORA
7. EMISOMA
Shirkadahaa waxaa dib loogu qaybiyey waraaqo diyaarsan oo qiimaynta qaybta (rate )ku buuxsantahay oo aanay shirkadina dhaafi karin wayo ninka (project director ) kaa oo la yidhaa Eng Taiseer iyo teamkii xiligaa la shaqaynayey ayaa qiime ka dhex samaystay BOQ gii ay shirkaduhu soo gudbisteen iyagoo dad local ahna adeegsaday oo qiimaha local kaa ka caawiyey hoosna kasii maray markaa waxay isla qaateen qiime aad u hooseeya oo marmarka qaar aan macquul ba ahyn.
Qiimaha shirkadaha lagu amray inay ku qaataan 10KM oo iskugu jira wado kumeel gaadha ( Detour) iyo mid rasmiya ba ( perminent road or Origin route ) wuxuu ahaa kala badh shirkad walba wixii ay gudbisatay. Shirkadihii waxaa loo soo gudbiyey oo ay mid waliba saxeexday qiime diyaarsan oo ninkaasi samaystay waxay shirkad waliba ogayd in ay ku khasaarayso markii ay Eng la tashatay lkn, baahida dhaqaale xumo ee dalka taala iyo mashruuca oo lalahaa hadaad saxeexi waydo kuwaa hadhay ayaanu keeni ayaa xaqlayda ku riixday inay qaataan qiime kasta oo hooseeyey xiligaa.
Oday ka mida xaqlayaasha shirkadaha ayaan maalin aanu shir ku jirnay waydiiyey" adeer maxad ka saxeexdeen contract gan maadama oo aanay daniba idiinku jirin? Kuye" adeer kuwaa kalee dibada jooguunbaanu ka cararaynay".
Waxaa jirtay oo dhacday in shirkadaha qaar markiiba qandaraaskaa ka baxeen, kadib markii arkeen in meesha lasiiyey iyo lacagta qadraasku aad ukala fogyihiin waxaanay yaqiinsadeen in ninkaa shirkada umadaxdii dadka, dalka iyo shirkadahaba dhacaayo oo boqnaha goynayo maadaama ay khibrad u lahaayeen mashaaricda la xidhiidha wadooyinka (Inferstructure projects) oo meeshaa lagu khasaaraayo way usoo baxday waxaana ka mid ahyd shirkada AMAL JV. Bartoodii markiiba mid kaluu keenay oo isna aan fahan badan wadan si loogu shaqaysto.
Ninkaa carabka ah ee mashruuca maamulaa ( Project Director) wuxuu si badheedha u dafiray buuro iyo dhultaaga oo shirkadahu jareen ( gooyeen) iyo dooxyo ay buuxiyeen oo kusoo hagaagay halka ay marayso wadada kumeel gaadhkii oo time iyo tacaba ay galiyeen oo qiimaynta iyo heshiiska midna aan uugu jirin markii hore qiimaha uugu yar ee kubaxay shaqadaasina noqonaayo $150,000 waxa lagu heshiiyey in lacagtooda gooni loo bixiyo iyadoo Wasiirka iyo shaqaalihiisuba markhaati ka ahaayeen wasaarada dhexdeeda.
Todoba bilood oo aan Meeshaa ka shaqaynaayey waxa kaliyee ka aadka oo loo tabaayey ee la odhan karo waabu ka maqnaa waxay ahayd doorkii (Role) kii ay dawlada Somaliland ku lahyd khaasatan wasaarada jidadku ( ministary of transport and road development) mashruuca maadaama iyada laga rabay inay shirkadaha (private) kaa iyo carabkan (NBHH) udhaxayso mashruucana masuuliyadiisa inta uugu badan yeelato marka laga tago Engineers dhalin yaro ah oo aan 3 ka badnayn oo wakaalada jidadka ee RDA ka socda oo mar dambe hawshaa soo galay wadana. Waxaa iyana jira Engineers dhalinyaro ah reer Somaliland ah oon badnayn uuna shaqeeya shirkada CONSER oo mashruuca la talin ka ah ( Consultant) oo runtii iyagu aad u dadaala lkn aanu maamul gacanta uugu jirin.
Waatii balanqaadku ahaa waxaa laga helayaa mashruucaa iyo dhamaan mashaariicda ay Dp-world wadaba shaqo abuur lkn, xaalku been iyo bilaa qorshuu ahaaa waxaana cadayn u ah Intii aan shaqada mashruuca waday waxa aan ku arkay wax aad sixun uuga naxayso ama aad uula yaabayso marka aad aragto waxaa ka mida; shaqaale hoosaadkii oo laga soo daabulaayo wadamada dibada iyadoo kuweenii beerka ujiifaan gaajo. UAE HINDIA, PAKISTAN, BENGALADESH, KASHMIR IYO CHINA ba way iskugu jiraan shaqaalahaasi.
Kuuliga, Nijaarka, Wastaadka, Biro-laabka iyo darawalka dalka laga waayey e diyaarada loo soo saaray mid ajaaniba ayaan garanwaayey aniga iyo qofkasta oo inuun damiir lihi !! Xirfada darawalada (Operators) ka kaxeeya qalabka waaweyn (Heavey Machineries) ku inaguma badna waanan yaqiinsanahy in loo baahanyahay kuwo xirfadii leh lkn, waa in ay kuweena tababaraan si loo kobciyo xirfada muwaadinka lkn, Forman Engineer sheeganaya oo aanay jirin cid B iyo T waydiisay intuu dalkaygii iigu yimaado in uu igu maamulo shaqo xoog iyo xirfadba aan kudhaamo xaqna aan uleeyahay in aan qabto ma ogoli inuu igu qaato oo igu maamulo isagaana liita ninka taa aqbalaa.
Ninkaa carabkii isagaa wax alla wuxuu doono mashruuca kasaara ama ku dara , isagaa ciduu doono erya ama u yeedha, isagaa midna gaadhiga uugu dara midna kasaara isagoo samaystayba dilaalo dadka iyo muwaadiniinta ukala hiiliya oo ukala abtitiya ninkaasi isagaa fura oo xidha hawshaa ilaa wasiiraduna udaba fadhiyaaan.
Ninkaasi isagaa lacagta mashruuca Dubia iyo Abu Dubia Fund kasoo qaada mana isticmaalo wax (Bank System) ah oo dalkeena lacagtaasina ma marto wax Transactions ah si loola socdo dhaqdhaqaaqa lacageed se taa badal keeda wuu barkadaa oo khaanada hoose miiskiisa ayuu kaaga tiigsanayaa macal Checks layskuma qoro!!
Ugu dambayn waxba yaanan idinla fogaane, ninkaasi 19/01/2019 wuxuu shirkadihii dalka udhashay ee intaa hawsha waday ee muruq iyo maalba ka galay hawshaa usoo diray waraaq erisa (Termination letter) iyadoo aanay jirin sharci alle iyo sharci loo maray erigaas balse dadka loo sheegay been ah shaqaday wadi kariwaayeen!! Shan bilood baanu 1 dollar shirkadna siin maxay tahay shaqada uu rabo in la qabto? Contract gii la wada galay ma noqon mid sidiisa ushaqeeya oo isagaaba jabiyoo Invoice ki iyo lacgtii shirkaduu gudbisteen gabihaanba la meeraystay. Shirkadahaasi dhamaan way dhacanyihiin oo ta ugu yar $ 300,000 lacag ka badan way ka maqantahay xisaab saxana aan loo ogolayn.
Ninkaasi wuxuu is tusay in lacagtan uu afka ku shubto maadaama uu ina darsay dal, dawlad iyo dad ahaanba in aynaan waxba ahyn oo laynaga dhansankaro fahamsanyna sida aduunku u macaamilo ee wax laysku waydaarsado heshiis iyo qandaraasna loo kala gato.
Dadkeenu caamo ahaan, jahli iyo isyeel yeel wax ay ka tahayba mooye waakuwa iskugu sheekeeya ninkaa yeynan la hadlin mashruucuu Cancel garaynayaaye!! Adeer waa qandaraasle ma dawladii Fund kan bixisaa ninkani? Qof is odhanaaya waayey!!
Dawladeenu waata shirkadaa siisay dhamaan gawaadhideeda iyo qalabkeediiba Numberka casee cashuur dhaafka Miyaanay ahyn shirkad ganacsanaysa ? Ma khayribay wada mise waa NGO!!
December 2019 warsaxaafadeed iyo booqasho ay sameeyeen madaxda wasaarada jidadka, shirkada mashruuca wada, iyo Conser ba waxay sheegeen in 10KM e u horeeya la furidoono January 2020 ilaahada oo March 2020 la joogana 10 kaa KM e uhoreeyey ma dhamaan lamana furin e maxaa qaldan talaw?
Eng Dayib Areyte.
Freelancer Civil Engineer.
LASOCO.............