War Deg Deg Ah:-Somaliland Oo Joojisay Dadka Ka Imanaya Wadanka Itoobiya
Hargeysa(HWN):-Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay inay si ku meel gaadh ah u joojisay bixinta fiisahii dal ku galka Somaliland ee ay siin jirtay dadka doonaya in Somalilandu safraan ee ka imanaya wadanka Itoobiya oo laga helay xanuunka Coronavirus.
Safiir ku xigeenka somaliland ee dalka Itoobiya Barkhad Maxamuud Kaariye ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu fariimo ugu diray shacabka somaliland eek u nool dalka Itoobiya.
Qoraalka safiir ku xigeenka Itoobiya uu soo saaray ayaa u dhignaa sidan:=
Dalka Itoobiya, qofkii u horreeyay baa laga helay cudurka COVID19, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadku. Dhammaan muwaadiniinta JSL ee ku sugan Itoobiya waxa la gudboon inay raacaan hannaanka iyo habka caafimaad ee loo dejiyay, dawladda Itoobiya na ay dadka farayso in la raaco. Waxaannu safaarad ahaan, annagoo horeba feejignaan saa'id ah u muujinay, si ku-meel-gaadh ah u joojinnay bixinta dal-ku-galka (Fiisaha), dadka doonaya inay Jamhuuriyadda Somaliland tegaan ee ka imanayay Itoobiya. Wixii soo kordha, bulshada waannu la socodsiin doonnaa.