Talaabooyinka Looga Baahan Yahay In Somaliland Qaado Si Loo Xakameeyo Covid 19..W/Q Maxamed Biixi

0
Friday March 13, 2020 - 15:46:08 in Articles by
  • Visits: 982
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Talaabooyinka Looga Baahan Yahay In Somaliland Qaado Si Loo Xakameeyo Covid 19..W/Q Maxamed Biixi

    Talaabooyinka Looga Baahan Yahay In Somaliland Qaado Si Loo Xakameeyo Covid 19..W/Q Maxamed Biixi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Talaabooyinka Looga Baahan Yahay In Somaliland Qaado Si Loo Xakameeyo Covid 19..W/Q Maxamed Biixi


Somaliland maadama oo kiisaska COVID19 laga helay waddamada jaarka la ah sida kenya iyo Ethiopia, waxa la gudboon inay qaado tallaabooyin ka gun dheer kuwii hadda aynu haynay, waana daruuri in iskaashi balaadhan oo dhaqaatiirta, policy makerska, donorska , madaxweynaha iyo laamaha amaanku ay sameeyaan lana dajiyo siyaasad tii hore ka xoogan kana aqoonaysan ( aggressive and scientific strategy).

Image may contain: 1 person, outdoor


waa daruuri in:-


1. in xuduudka Ethiopia sidii si ka ba'an loo ilaaliyo.


2. in dadka screeningka samaynayaa ay yihiin dad aqoon leh, habran karayn lehna awood maamul iyo la tacaamul cid kasta oo ay ka shakiyaan iyo heerkasta oo bulshada ay kaga jiraan.


3. in la xadido isku imaatinka dadweynaha sida:- Aroosyada, meherada, buug furista, qalinjabinaha iyo kulamada diiniga ah ee dad badan koobsanaya.


4. in la joojiyo qaadka iyo badeecadaha la isticmaalayo iyagoo Raw ah ee inooga imanaya waddamada jaarka.


5. in madaxda hay'adaha ee imanaysa si adag loo baadho.


6. in meelaha quarantineka loogu talo galay la xoojiyo.


7. in tirada face masks ka la badiyo.


8. in laga hawl galo sidii loo heli lahaa Oxygen ka badan ta hadda la haysto.


9. in dhaqaatiir gaar ah iyo goobo gaar ah loo cayimo wixii laga shakiyo oon la keenin Hospitalka weyn.


10. in Dawladdu ka wacyi galiso dadka sida loo kala qaadayo.


11. in la promote gareeyo siyaasadda social distancing ka ah.


12. in la diyaariyo badiyana helitaanka Hand sanitizerska.


13. in duulimaadyadda oo dhan la joojiyo ilaa wixii laga maarmi waayo uun mooyaane.


14. in daawadda hadda ugu dhaw ee chloroquine ay ahaato mid si fudud lagu heli karo.


15. in dawladdu joojiso Auditka ku jira laamaha caafimaadka.


16. in xaalad degdeg ah la iclaamiyo dalkana lagu soo rogo.


17 . in dadka la baro standard precautions.


waxaan rajaynayaa in alle ina badbaadin doono.

Mohamed Biihi

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...