Raysal Wasaaraha Dalka Ingiriiska Oo Ka Hadlay Qorshaha U Yaala Ciyaaraha Ee Ka Dhanka Ah Xanuunka Covid 19
Dawlada UK ayaa go’aan rasmi ah ka soo saartay halista cudurka coronavirus iyo dhacdooyinka Sportska ee UK, waxaana war saxaafadeed soo saaray raysal wasaare Boris Johnson kaas oo bixiyay xogta rasmiga ah ee go’aanka ay qaateen.
Kadib markii ay hay’da caafimaadka aduunka ee WHO ay si rasmi ah ugu dhawaaqday in cudurka caronavirus loo aqoonsaday musiibo caalami ah ayaa la filayay in dawlada UK ay badasho go’aankii ay hore ugu adkaysanayeen in ayna hayn cadaymo ku filan in sportska gabi ahaanba la joojiyo.
Boris Johnson ayaa cadeeyay in ay wali tixgalinayaan in ay baajiyaan Sportska kala duwan balse ayna hayn saamayn wayn oo ay go’aan joojinta ciyaaraha ah ku qaadan karaan.
Laakiin raysal wasaaraha Ingiriiska eeBoris Johnson ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in ay sii socon doonaan ciyaaraha kala duwan ee UK maadaama oo uu cadeeyay in ayna jirin sabab dhab ah oo hadda ciyaaraha loogu baajin karo caabuqa coronavirus.
Go’aanka Boris Johnson ayaa muujinaya in dawlada UK ayna wali arag halis wayn oo ay u kansali karaan ciyaaraha kala duwan gaar ahaan horyaalka Premier leauge oo ah kan ugu saamaynta badan.
Kulan galabnimadan khamiista ah ka dhacay Downing Street oo uu shir gudoominayay raysal wasaareBoris Johnson ayaa lagu go’aamiyay in Sportska dhul waynaha UK aanu u joogsan doonin cudurka Coronavirus.
Inkasta oo uu Boris Johnson qirtay in ay tixgalinayaan in la joojiyo xafladaha isku imaatinka dadwaynaha isla markaana ay suurtogal noqon karto in kulamada Sportska la joojin karo, haddana waxa uu xaqiijiyay in waqti xaadirkan ay yar tahay saamaynta coronavirus.
Dhinaca kale Boris Johnson ayaa cadeeyay in xaaladu ay waqti kastaba isbadali karto isla markaana haddii ay halista coronavirus sii xoogaysato ay keeni karto in go’aankan la badali karo oo ciyaaraha la baajin doono.
Maalmaha soo socda ayaa muhiim u noqon doona in xili ciyaareedyada horyaalada kala duwan ee UK ay sii socon doonaan iyo haddii taageerayaasha laga mamnuuci doono.
Si kastaba ha ahaatee, go’aanka dawlada UK ay ku xaqiijiyeen in ayna ilaa hadda jirin saamayn wayn oo ay u baajin karaan Sportska ayaa farxad galinaysa kooxaha kaalmaha hore kaga jira horyaalada kala duwan ee UK oo doonaya in ay koobabka ku guulaystaan inta ayna dhibaato wayni iman.