Akhriso Dadka Caanka Ah Ee Uu Ku Dhacay Xanuunka Coronavirus

0
Friday March 13, 2020 - 15:26:20 in News by
  • Visits: 1981
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhriso Dadka Caanka Ah Ee Uu Ku Dhacay Xanuunka Coronavirus

    Akhriso Dadka Caanka Ah Ee Uu Ku Dhacay Xanuunka Coronavirus

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Akhriso Dadka Caanka Ah Ee Uu Ku Dhacay Xanuunka Coronavirus


Raysal wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau ayaa la karantimeeyey ka dib markii gabadhiisa laga helay calaamado muujinaya inuu ku dhacay xanuunka Coronvirus.

Image result for justin trudeau


Go’aankan ayaa la sameeyey ka dib markii raysal wasaaraha Canada Justin Trudeau ay xaaskiisa Sophie Grégoire Trudeau oo ka soo laabatay magaalada London ee wadanka Ingiriiska laga helay calaamado muujinaya canuunka Coronavirus sida lagu sheegay warsaxaafadeed ka soo baxay dawlada Canada.


Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in raysal wasaare Justin iyo xaaskiisa Sophie lagu sameeyey baadhitaao la xidhiidha caabuqa Coronavirus isla markaana si iskood ah ayey iskugu sameeyeen karantiimo iyaga oo sugaya inta lagu dhawaaqayo natiijada baadhitaankooda.


Sidoo kale warka ayaa intaas ku daray in raysal wasaare Trudeau uu wakhtigii shaqadiisa ku qaadan doono kaas oo khadka telefankana kaga qayb galaya kulamadii uu la qaadan lahaa qaar ka mid ah hogaamiyeyaasha caalamka iyo kulan ay guddi wasiiro ah oo xukuumadiisu ka yeelanayaan xanuunka Covid-19.


Raysal wasaare Justin Trudeau ayaa isagu sameeyey karantiimo shakhsi ah isaga oo kulamadii uu la yeelan lahaa shakhsiyaadka ay balanta lahaayeen iyo shirarkaba kaga qayb galaya khadka telefanka.


Wasiirka Caafimaadka ee UK – Nadine Dorries.

.

UK waxay ka mid tahay dalalka sida weyn ula tacaalayaan Caabuqan kusii fidaya dunida daafaheeda.


Ilaa 382 ruux ayuu cudurkan ku dhacay gudaha UK, halka 6 qof oo kalena ay ilaa hadda ugu geeriyoodeen dalkaas gudihiisa.


Dadka uu Caabuqa haleelay waxaa ka mid ah haweeneyda Wasiirka Caafimaadka ka ah UK, Nadine Dorries.


Ms Dorries ayaa sheegtay inay si iskeed ah isugu karantiileysay gurigeeda.


Xildhibaannadda xisbiga Shaqaalaha, Rachael Maskell ayaa iyadana sheegtay in lagu amray inay gurigeeda isku karantiisho, maadaama ay la kulantay Ms Dorries.


Wasaaradda Caafimaadka ee UK ayaa sheegtay in Ms Dorries markii ugu horreysay calaamadaha Caabuqa lagu arkay maalintii Khamiista.


Isla maalintaas waxay ka qeyb gashay shir uu marti galiyay Ra’iisal Wasaaraha.


Madaxweyne kuxigeenka Iiraan – Masoumeh Ebtekar


Madaxda Iiraan ee uu ku dhacay Caabuqa Corona waxaa ka mid ah Masoumeh Ebtekar, oo ah madaxweyne ku xigeenka arrimaha haweenka u qaabilsan madaxweynaha dalka Iiraan Xassan Rowxaani.


Masoumeh Ebtekar, oo sidoo kale ah haweeneyda xilka ugu sarreeya ka heysa dalka Iiraan ayaa cudurka laga helay dabayaaqadii bishii lasoo dhaafay, sida uu sheegay ku xigeenkeeda.


Waxaa lagu amray inay gurigeeda iska joogto, si iskeed ah isku karantiisho.


Waxay ahayd sarkaalkii 7-aad oo reer Iiraan ah oo uu Caabuqa haleelay.


Iiraan waxay ka mid tahay dalalka uu saameynta ugu ba’an ku yeeshay Corona, marka laga soo tago Shiinaha, oo ah halkii ugu horreysay ee uu kasoo billowday.


Wasiir kuxigeenka Caafimaadka ee Iiraan – Iraj Harirchi



Iraj Harirchi wuxuu ka mid yahay madaxda reer Iiraan ee laga helay cudurka dhawaan magaciisa loo bixiyay Covid-19.


Ninkan ayaa lagu eedeynayay inuu ka mid ahaa saraakiisha dalkaas ee isku dayeysay inay qariyaan tirada rasmiga ah ee uu haleelay cudurka.


Waxaa la shaaciyay muuqaal laga arkayay wasiir ku xigeenka oo indhaha iyo wajiga ku tirtiraya istiraasho, taasoo la aaminsan yahay inay ka mid tahay calaamadaha Coronavirus.


Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay in kororka lama filaanka ah ee kiisaska laga soo tabiyay Iiraan uu yahay "mid walaac abuuraya”.


Waaxda caddaaladda ee Iiraan ayaa amartay in si ku meel gaadh ah xabsiyada looga sii daayo maxaabiis ay tiradoodu dhan tahay 70,000 oo ruux, si loo yareeyo fiditaanka cudurka.


Tirada guud ee maxaabiista ku xidhan gudaha Iiraan ayaa lagu qiyaasaa 189,500 oo qof.


Milkiilaha kooxaha Nottingham Forest iyo Olympiakos – Evangelos Marinakis

.

Dadka kale ee caanka ah ee laga helay Corona waxaa ka mid ah ganacsadaha leh kooxaha kubadda cagta ee Nottingham Forest iyo Olympiakos, Evangelos Marinakis


Marinakis, oo 52 jir ah, ayaa ka qeyb galay kulan ay Jimcihii kooxdiisa Nottingham Forest la ciyaareysay kooxda Millwall.


"Mr Marinakis waxaa laga helay cudurka kaddib markii ay kasoo muuqdeen calaamadaha Caabuqa, xilli uu kasoo laabtay waddanka Giriigga”, ayaa lagu yidhi bayaan ay soo saartay kooxdiisa Forest.


Marinakis ayaa hore baraha bulshada, gaar ahaan bartiisa Instagram-ka ugu shaaciyay inuu ku dhacay Caabuqa.

 
 
 
 

Loading...
Loading...