Saraakiisha Ciidamada Itoobiya Oo Dareeno Dagaal Ka Soo Dul Muujiyey Biyo Xidheenka Laga Hirgelinayo Wabiga Niilka.
Addis Ababa(HWN):-Khilaafka biyaha wabiga Nile-ka ee u dhaxeeya wadamada Itoobiya iyo Masar ayaa halkii ugu saraysay maraya.
Labadan wadan oo hore ugu guul daraystay inay si wada jir ah u saxeexaan heshiis uu maraykanku dhexdhexaadiyey balse ay Itoobiya ka hortimid ayaa haatan qarka u saaran in dagaal uu sababay khilaafkooda dabada dheeraaday ee biyaha wabiga Nile-ku uu ka dhex qarxo.
Dawlada Masar oo si weyn cadhaysan biyo xidheenka weyn ee ay samaysanayso xukuumada Itoobiya ayaa todobaadkan taageero balaadhan ka heshay wadamada jaamacada Carabta, waxaanay haatan dedaal xoogan ugu jirtaa sidii aanay Itoobiya u dhamaystiri lahayn biyo xidheenkeeda isla markaana ay fuliso heshiiska Maraykanku ka soo shaqeeyey.
Dhinaca kale wargeyska Addis Standard ee ka soo baxa Itoobiya ayaa sheegaya in Saraakiisha ugu sareysa ciidanka milatariga dalkaas oo ay ku jiraan Ciidamada Difaaca Qaranka Itoobiya (ENDF) Taliyaha Guud ee Ciidamada General Adem Mohammed, Taliyaha Ciidamada Cirka, Brig. Jeneral Yilma Merdassa & kuwa kale ay booqday goobta laga dhisayo biyo xidheenka Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD) ee gobolka Benishangul-Gumuz.
Gen. Adem oo ah taliyaha guud ee ciidamada milatariga dalka ayuu wrgeysku sheegay in laga soo xigtay isagoo leh ciidanku waxay diyaar u yihiin inay ka hortagaan weerarada ayna ka aargoostaan wixii weerar ah ee ka soo baxa harada.
Sidoo kale taliyaha ciidamada cirka Brig. Gen. Yilma wuxuu sheegay in qaybta cirka ee ciidamada Difaaca Qaranka ay sidoo kale diyaar u yihiin inay ka hortagaan weerar kasta oo dhanka cirka ah oo ka dhaca gobolka."