Ganacsade Axmed Cismaan Geelle Oo Ku Gacan Saydhay Inuu La Kulmo Madaxweyne Muuse Biixi, Waa Maxay Sababtu?

0
Thursday April 04, 2019 - 02:39:52 in News by
  • Visits: 10272
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ganacsade Axmed Cismaan Geelle Oo Ku Gacan Saydhay Inuu La Kulmo Madaxweyne Muuse Biixi, Waa Maxay Sababtu?

    Ganacsade Axmed Cismaan Geelle Oo Ku Gacan Saydhay Inuu La Kulmo Madaxweyne Muuse Biixi, Waa Maxay Sababtu?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ganacsade Axmed Cismaan Geelle Oo Ku Gacan Saydhay Inuu La Kulmo Madaxweyne Muuse Biixi, Waa Maxay Sababtu?


Hargeysa(HWN):-Waxa meel kulul maraya kacdoonada ka imanaya dhinaca shacabka ee lagaga soo horjeedo in somaliland fuliso go’aan maxkamadeed oo laga soo waariday dalka Djibouti kaas oo ku wajahan ganacsade Axmed Cismaan Geelle.

Image result for ganacsade axmed cismaan geelle iyo muuse biixi


Maalintii Axadii ee todobaadkan oo ay si rasmi ah loo ogaaday qorshaha ka dhanka ah ganacsade Axmed Cismaan Geelle ee laga soo waariday dalka Djibouti ayuu madaxweyne Muuse Biixi hore uga cudurdaartay kulan uu la yeelan lahaa ganacsadahaasi.


Warar soo gaadhay Hadhwanaagnews ayaana hada xaqiijinaya in Ganacsade Axmed Cismaan Geelle uu ku gacan saydhay kulan uu madaxweyne Muuse Biixi ka dalbaday inuu la qaato.


Sida ay sheegayaan warar soo gaadhay Hadhwanaagnews, ganacsade Axmed Cismaan Geelle oo wakhtigan ay xiisad adagi u dhaxayso dalka Djibouti ayaa ka horyimid kulan dhexmari lahaa madaxweynaha somaliland, isaga oo ganacsaduhu soo bandhigay sababo ku kalifay inuu go’aankaasi qaato, kuwaas oo wararku xaqiijiyeen inuu ku tilmaamay kulan wakhtigiisii aan joogin isla markaana hada aan loo baahnayn, maadaama oo madaxweynuhu uu ka gaabiyey wakhtigii uu munaasibka ku ahaa.


Talaabada madaxweyne Muuse Biixi ku dalbaday kulanka ganacsade Axmed Cismaan Geelle ayaa u soo beegantay wakhti ay shacabka Somaliland, madax dhaqameedka iyo wax garadkuba ay xukuumada kaga soo horjeedsadeen qorshaha ka dhanka ah ganacsadaha ee laga soo waariday dalka Djibouti.


Si kastaba ha ahaatee iyada oo ay meel adag marayso xiisada siyaasadeed ee u dhaxaysa ganacsade Axmed Cismaan Geelle iyo qoyska haya talada dalka Djibouti ayaa si dhaw isha loogu hayaa dhaq dhaqaaqyada ku wajahan ganacsadaha ee ka iman kara xukuumada madaxweyne Muuse Biixi.



Hadhwanaagnews.com/Office

Hargeysa/Somaliland
Loading...
Loading...