Weftigii Wasiirka Arimaha Gudaha Djibouti Oo ka Baaqday Safarkoodii Ay Maanta Ku Iman Lahaayeen Somaliland Iyo Sababta Keentay

0
Wednesday April 03, 2019 - 23:19:31 in News by
  • Visits: 7287
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weftigii Wasiirka Arimaha Gudaha Djibouti Oo ka Baaqday Safarkoodii Ay Maanta Ku Iman Lahaayeen Somaliland Iyo Sababta Keentay

    Weftigii Wasiirka Arimaha Gudaha Djibouti Oo ka Baaqday Safarkoodii Ay Maanta Ku Iman Lahaayeen Somaliland Iyo Sababta Keentay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weftigii Wasiirka Arimaha Gudaha Djibouti Oo ka Baaqday Safarkoodii Ay Maanta Ku Iman Lahaayeen Somaliland Iyo Sababta Keentay


Hargeysa(HWN):-Wefti ka socda wadanka Djibouti oo socdaal ku iman lahaa caasimada somaliland ee Hargeysa ayaa dib u dhac ku yimid.

Image result for Xasan Cumar Burhaan


Sida ay sheegayaan wararku, weftigan oo uu hogaaminayey wasiirka arimaha gudaha ee dalka Djibouti Xasan Cumar Burhaan oo maanta iman lahaa magaalada Hargeysa ayaa dib u dhacay mudo aan la shaacin.


Weftigan ka iman lahaa dalka Djibouti ayaa la sheegay inuu martiqaad u fidiyey wasiirka arimaha gudaha somaliland Maxamed Kaahin Axmed wakhti uu dalka Djibouti kaga qayb galayey munaasibad loo qabtay 40 guurada ka soo wareegtay xisbiga RPP ee haya talada dalkaasi.


Somaliland iyo Djibouti ayaan rasmi ahaan u shaacin sababta keentay in weftigii ka iman lahaa dalka Djibouti ay baaqdeen balse warar kale ayaa tibaaxaya in wasiirka arimaha gudaha Djibouti uu go’aansaday inaanu iman somaliland wakhtigan oo ay taagan tahay cadho ay bulshada somaliland ka muujisay dacwad ka dhan ah ganacsade Axmed Cismaan Geelle oo loo soo gudbiyey xukuumada somaliland.


Qaabka cadhada leh ee ay shacabka somaliland uga hal celiyeen dacwada ay dawlada Djibouti u soo waariday somaliland ayaa haatan la odhan karaa inay tahay sababta ugu weyn weftiga reer Djibouti u baaqdeen iyaga oo aan shaacin wakhtiga ay iman doonaan somaliland.


Hargeysa/Somaliland

Loading...
Loading...