Xeerka Badda Ee Lagu Wareejiyey Dawlada Soomaaliya..W/Q Abdirahman Hirad

0
Thursday March 12, 2020 - 21:00:11 in Articles by
  • Visits: 1486
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xeerka Badda Ee Lagu Wareejiyey Dawlada Soomaaliya..W/Q Abdirahman Hirad

    Xeerka Badda Ee Lagu Wareejiyey Dawlada Soomaaliya..W/Q Abdirahman Hirad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xeerka Badda Ee Lagu Wareejiyey Dawlada Soomaaliya..W/Q Abdirahman Hirad


International Maritime Organization (IMO), oo ah Hay'adda Caalamiga ah Ee Arrimaha Badaha ayaa dhowaan ku wareejisay Xeerka Badda Soomaaliya oo ah Nuqul Soomaali ah kaddib markii ay waxka-beddel iyo Kaabis ku sameeyeen Xeerka Badda Ee Soomaliya Ee 1959.

Image may contain: 1 person


Xeerka Badda Soomaaliya oo muddo fog la curiyay awgeed ayaa sababtay in Waxka-beddel iyo Kaabis lagu sameeyo, Soomaaliyana waxay qayb ka tahay (Member State) IMO.


Sida ku tilmaaman Axdiga Aas-aaska IMO, dawladaha xubnaha ka ahwaxay ka dalban karaan in ay ka caawiso dhismaha shuruucda la xidhiidha badda gaar ahaan marka ay u muuqata dawladda in aanay farsamo ahaan iyo xog ahaanba aanay awoodin dhismaha xeerka badda marka laga reebo in ay IMO ay iyaduna awood gaar u leedahay in ay soo saari karto mabaa'dii iyo xeerar leh cunsur caalami ah oo la xidhiidha Badda.


Sidaa darteed, Dawladda Federaalka ah Ee Soomaaliya iyada oo kaashanaysa Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Ee UNSOM waxay IMO ka codsatay sannadkii 2014-ka in ay ka caawiso Waxka-beddelka iyo Kaabista Xeerka Badda Ee Soomaaliya 1959.


IMO iyada oo aqbalaysa codsiga Dawladda Soomaaliya isla markaana ay farsamo ahaan la kaashatay UNSOM waxay wiiggan ku wareejisay Soomaaliya Nuqul Soomali ah oo ah Xeerka Badda Soomaaliya oo ay soo waafajisay Mabaa'diida Caalamiga ah ee ay jideeyeen Macaahida Caalamiga ah gaar ahaan Mucaaahada (Heshiiska) Caalamiga ah Ee Arrimaha Badda Ee (UNCLOS), Mucaahadada Caalamiga ah Ee Bad-baadaada Nafta Ee Badda ( IMO conventions on safety of life at sea (SOLAS).


Sidaa darteed, maadaama oo aanay Dawladda Federaalka ah Ee Soomaaliya ay awoodi wayday in ay gudato Mas'uuliyaddeeda Caalamiga ah Ee La xidhiidha Badda ayay IMO arrintan uga caawisay.


Haddaba, maadaama oo aynu innagu ku dhaqanno Xeerka Hore Ee Waxa-beddel iyo Kaabsta lagu sameeyay isla markaana aynaan wali dhisin xeer khuseeya badda in kasta oo aynaan lahayn mas'uuliyad caalami ah oo aynu ku dhisanno Xeerka Badda, waxaa lagama maarmaan ah in aynu si qoto dheer u gorfayno nuqulka cusub.

Waxa qoray:Abdirahman Hirad

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...