Masuuliyiinta Soomaalida xilallka u hayaa ma ku khasbana in ay ajnabiga u yimaadda afkooda kula hadlaan..W/Q Maxamed Haaruun Biixi

0
Thursday March 12, 2020 - 15:08:06 in Articles by
  • Visits: 1233
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Masuuliyiinta Soomaalida xilallka u hayaa ma ku khasbana in ay ajnabiga u yimaadda afkooda kula hadlaan..W/Q Maxamed Haaruun Biixi

    Masuuliyiinta Soomaalida xilallka u hayaa ma ku khasbana in ay ajnabiga u yimaadda afkooda kula hadlaan..W/Q Maxamed Haaruun Biixi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Masuuliyiinta Soomaalida xilallka u hayaa ma ku khasbana in ay ajnabiga u yimaadda afkooda kula hadlaan..W/Q Maxamed Haaruun Biixi


Masuuliyiinta Soomaalida xilallka u hayaa ma ku khasbana in ay ajnabiga u yimaadda afkooda kula hadlaan, laakiin ajnabiga ayaa ku khasban in ay dadka ay u yimaadeen afkooda kula hadlaan.


Hay'adaha UN ta laba ka mid ah (UNMAS iyo UNSOM) oo wada shaqayni naga dhexayso ayaa maalin dhexdii ahayd qabanqaabiyay shir ay masuuliyiin Soomaaliyeed joogeen oo waxyeelada miinooyinka looga hadlaayay. Masuuliyiintii Soomaalida ee ajnabigu ay la kulmaayeen midkood ayaa yidhi anigu Afsoomaali baa ku hadlayaa ee ajnabiyoow cid idiin turjunta ma wadataan? Nimankii iyo gabdhihii ajnabiga ahaa waxa ay ku jawaabeen 'Haa', wiil Soomaalida Kenya ah oo la socday ayayna ka dalbeen in uu u turjumo. Masuulkii Soomaaliga ahaa si xarago leh ayuu dantiisii uga dhamaystay ajnabigii, wixii uu doonaayay na uGu sheegay.

Image may contain: 1 person


Maalin dhexdii ahayd Maxamed Kaahin oo qolyo ajnabi ah oo uu ku lahaa na caawiya kula hadlaaya af-ingiriis ayaa aan dhegaystay, marar dhawr ah ayuuna sheegay hadal toos uga hor jeeda wixii uu doonaayay in uu sheego. "Terrorist units of Somaliland" ayuu ku celceliyay uGu yaraan laba jeer, waxa uuna sheegay in dawladda UK ay caawimadeedii dhaqaale joojinayso dhamaadka bishan March ee 2020, isaga oo Yurubiyan ka ka dalbaday in ay kaalintaas buuxiyaan. Kolkii uu halkaas maraayay waxa la maqlayaa dadkii uu la hadlaayay oo ku qoslaya, because aniguba waa ku qoslay. Qosolka tacajab ka ah waxa keenayaa inta uu yahay qaladka luqadda waxa ka badan inta uu yahay farsamo xumada. Waxa uu yidhi - Yururbiyanoow waxa aan idinka rabnaa in aad buuxisaan kaalintii uu geli jiray Ingiriis ee ahayd caawimada qaybaha argagixisada ee Somaliland. Waa la fahmaayay in aanu u jeedin argagixiso ha la soo caawiyo, oo taasi dhib ba ma laha kol hadii qasdiga la fahmay, laakiin doodad ah maalmo ka dib ayay caawimadii Ingiriis joogsanaysaa ee idinku la wareega bishan soo socota ee April ayaa fajiciso ah. Marar badan waxa kuu muuqanaysa in aanay masuuliyiintu ka fikirin waxa ay doonayaan in ay ku hadlaan afkii ay rabaan ba ha ku sheegaan, mushkilad taas ka wayni na ma jirto. Ajnabigu hoosta ayay iska gujinayaan oo qoslayaan, kolka ay kaa tagaan na, qaabka ay kuu faalaynayaan nooca uu u egyahay waa mid si wacan loo fahmi karo .

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...