Kornayl Muuse Biixi Oo Gurigiisa Kula Kulmay Guddida Sare Ee Baanka Dhexe Oo Musuqa Cali Baqdaadi Ku Daba Jirta

0
Thursday March 12, 2020 - 13:51:09 in News by
  • Visits: 1901
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kornayl Muuse Biixi Oo Gurigiisa Kula Kulmay Guddida Sare Ee Baanka Dhexe Oo Musuqa Cali Baqdaadi Ku Daba Jirta

    Kornayl Muuse Biixi Oo Gurigiisa Kula Kulmay Guddida Sare Ee Baanka Dhexe Oo Musuqa Cali Baqdaadi Ku Daba Jirta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kornayl Muuse Biixi Oo Gurigiisa Kula Kulmay Guddida Sare Ee Baanka Dhexe Oo Musuqa Cali Baqdaadi Ku Daba Jirta



Hargeysa(HWN:-Hogaamiyaha somaliland ayaa la kulmay guddida sare ee baanka dhexe oo daba gal baahsan ku haysa musuq maasuqa dul hoganaya gudoomiye Cali Baqdaadi.

Image may contain: 9 people, people standing, suit and outdoor


hogaamiye Muuse Biixi oo guddida sare ee boodhka baanka dhexe kula kulmay gurigiisa magaalada Hargeysa ayaa u balanqaaday inuu ku taageerayo sidii ay waajibkooda u gudan lahaayee isla markaana ay warbixin sugan uga keeni lahaayeen shaqada baanka uu ka dhex wado Cali Baqdaadi.


war laga soo saaray kulanka uu hogaamiye Muuse Biixi la qaatay guddida sare ee uu u sameeyey baanka dhexe ayaa waxa lagu yidhi:-


Madaxweynaha JSL, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta  Qaabilay Guddida Agaasimayaasha (Board of Directors) ee Baanka Dhexe, Guddidan oo uu Madaxwaynahu dhawaan soo magaacabay, Barlaamanku na ansixiyay.


Kulankan waxaa si qoto dheer la iskaga xaal waraystay shaqadda uu Board-ku uu u igman yahay.


Madaxweynahu waxaa uu u cadeeyay Board-ka Cusub inuu uu ku soo xushay, kartidooda, Aqoontoodda iyo Waayo-aragnimadoodda, isla marka na uu ka rajaynayo in ay aqoontooda iyo waayo aragnimadooddaba ugu adeegaan shacabkoodda.


Sidoo kale, Madaxweynahu waxaa uu u balan qaaday Guddida cusub in uu taageero buuxda ku siin dòono shaqadoodda. Waxaa na uu kula dardaarmay in ayna waxba kala hadhin hawshaa loo igmaday Guddida.


Dhinaca kale, Guddidu waxaa ay madaxweynaha uga mahad-celiyeen Kalsoonidda uu siiyay, waxaa na ay balan qaadeen in wixii kartidooda ah ayna waxba kala hadhi doonin, shacabkooddana ugu faaiidayn doonaan khibradooda iyo Aqoontooddaba.


Ugu danbayntii, Kulanku waxaa uu ku soo dhamaaday is afgarad iyo niyad Wanaag.

Loading...
Loading...