Doodda Markale Midnnimo iyo Firkannaxa Bulshada!! Faysal Ali Mohamed

0
Thursday March 12, 2020 - 13:03:23 in Articles by A. Asbaro
  • Visits: 1600
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Doodda Markale Midnnimo iyo Firkannaxa Bulshada!! Faysal Ali Mohamed

    Doodda MKM ee uu keenay Maxamed Baashe Xaaji Xasan illaa hadda dood macno leh oo laga hor keenay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Doodda MKM ee uu keenay Maxamed Baashe Xaaji Xasan illaa hadda dood macno leh oo laga hor keenay

Doodda MKM ee uu keenay Maxamed Baashe Xaaji Xasan illaa hadda dood macno leh oo laga hor keenay majirto, taa lidkeeda cay iyo aflaggaaddo shakhsi ayaa lagu wadaa. Haddaba maxa keenay anfariirka iyo firkannaxa dadka ku dhacay? Wax kale maaha ee dadka waxa u muuqda shakhsiyadda Baashe in ka badan intay dooddu u muuqan lahayd, shakhsiyadda Baashe waa mid ka duwan kuwii hore utagay Koonfur ama la yimi dood noocan oo kale ah, shakhsiyaddiisu waa mid ay ku ladhantahay taariikh halgan iyo nafhur, sababtuna waxay tahay ujeeddadii iyo qorshihii salka u ahaa taariikhdaa halgan iyo nafhur ee Baashe iyo rag kale wadaageen oo la beddelay loona geddiyey ujeeddo aan ahayn teedii dhabta ahayd.
Image result for Mar kale midnimo


Qorshahan dambe ee beenta ah, Baashe wuxuu ku jirey raggii hal-abuurkeeda lahaa kuna soo waday inay bulshada ku shubaan 30kii sano ee Soomaalilaanta dib loo yagleelay. Bal u fiirso cid walba oo Baashe u jawaabtey waxay sheegayeen oo ka sinnaayeen in uu kamid ahaa raggii dalkan xoreeyey oo usoo dagaalamay sidii ay Soomaalilaan dib xorriyadeedii ugalasoo noqon lahayd dawladdii Soomaalida ee 1960 lagu midoobay kaddibna askartii uu digtaytarkii M.Siyaad hoggaaminayay xoogga ku qabsadeen 1969 iyagoo laalay sharciyaddii iyo heshiiskii bulsho ee dawladdu ku dhisnayd.
Waxa beenta ahi maaha inay SNM halgamayaal ahaayeen, se beenta kolkii dambe la hal-abuurey waxa weeye in 'SNM' usoo dagaallantay 'Soomaalilaan'. Qaar badan macno ahaan bayna wax uga dhacsanay ereyadan 'Soomaalilaan' iyo 'SNM'. Soomaalilaan waa magac dawladeed oo leh dhul iyo dad cayiman, sida ku xusan Dastuurka JSL dhulkeeda iyo xuduuddeedu waa intii uu Ingiriisku gacanta ku hayey xorriyadana siiyey 26 June 1960, dadkeeduna waa dadka ka isiran beelihii iyo dadkii degenaa wixii ka horreeyey 26 june 1960 dhulkaa sare ku xusan. SNM waxay ahayd jabhad ka dhalatay culays iyo xadgudub kolkii dambe gaadhey xasuuq iyo layn uu nidaamkii kelitaliska ahaa ku beegsaday dad gaar ah. Ujeedkoodkoodii u qornaa iyo heshiiskooda ay ku dagaal galayeen wuxuu ahaa in nidaamkii kelitaliska ahaa meesha laga tuuro, kolkii dambena waxay heshiis la galeen USC iyo SPM oo Caydiid AHN iyo M. C. Jees kala hoggaaminayeen, heshiiskaasi wuxuu ahaa in qolaba dhan soo xoreeyso kaddibna la isaga yimaaddo sidii nidaam dawladeed oo rayid ah kuna dhisan doonista shacabka loogu dhisi lahaa dalka Soomaaliya. Kolkii dambe ee halgankii iyo dagaalkii uu dhammaadey ayay arrintu dhanka koonfur iska beddeshay, markaasu yimi guuxii iyo dareenkii goonni goosadka ee ugu horreeyey-hadda waa kolkii uu dhammaadey halgankii iyo dagaalkii- sidaas oo ay tahay hoggaankii SNM ee Cabdiraxmaan Tuur AHN iyo Xasan Ciise raalli kamay ahayn guuxa soo baxay, heer uu Tuur AHN gaadhey inuu yidhaahdo "waan is-casilayaa haddii arrintaa goonni goosadka lala yimaaddo''. Ciddii tixraac u baahan ha dhagaysato wareysigii Xasan Ciise.

Haddiiba, uu fashilmay qorshihii SNM u yaalley ee ahaa in Soomaaliya dawlad cusub loo dhiso, umay beddeli kareen qorshahoodii hore in Soomaalilaan dib ulasoo noqoto madaxbannaanideedii, sababtoo ah Soomaalilaan qorshahaa horeba qayb kamay ahayn ee SNM oo cid gaar ah metelaysay ayaa wadatay. Taasi waxay keentay SNM in ay isu beddesho magaca qabiilkii ay kolkii horeba metelaysay, kaddibna qabiilkii waxay wada heshiiyeen qabiilladii kale ee ay wada degennaayaan gobolladii waqooyi ee wixii ka horreeyey 1 July 1960 loo yaqaannay Soomaalilaan, kaddibna ku heshiiyaan in ay lasoo noqdaan magacoodii hore ee 'Soomaalilaan' iyagoo dib ugalasoo noqonnaya madaxbannaanidoodii dawladdii Jamhuuriyadda Soomaalida ee 1 July 1960 lagu midoobay.

Halkaa waxa ka cad in Soomaalilaan iyo dib ula noqoshada madaxbannaanideeda uu ahaa qorshe bilow illaa dhammaad meelna kasoo galin halgankii iyo nafhurkii SNMtii uu kamid ahaa Maxamed Baashe.

Inta maanta ka anfariirtey dooddiisa MKM waa inta Baashe iyo raggii halgankii SNM kula jirey ku shubeen beenta ah 'annaga dalkan usoo halgannay oo xorriyaddiisii usoo celinay' kaddibna suaasha ay maanta is wayddiinayaan firkannaxana ku keentay waxa weeye 'waar maxaad naftaada u biimaynnaysay ee duurka u gashay haddiiba aad maanta leedahay halkii aynnu ku celinno wixii aad duurka u gashay sidii aad ugalasoo noqon lahayd halkaad maanta dib ugu waddo (Soomaaliya)' waana suaal maangal ah.

Haddaba Baashe iyo ragga lamidka ah waxa la gudboon maanta inay dadka u sheegaan wixii dhabta ahaa ee ay usoo halgameen, iyo sidii ay kolkii dambe u weeciyeen qorshihii halgankooda, ka hor inta aynna la hor iman doodahan ay kamidka tahay MKM. Baashe ha qirto sidii M.Cigaal AHN kolkii uu 1960kii isagoo ogaadey in midnnimada koonfur diyaar u ahayn balse waxa ka hor yimi uu ahaa caafiddii iyo mabda'ii mideynta 5ta Soomaaliyeed ee ay tobannaanka sano dadka ku shubayeen.

Faisal Ali Mohamed
kampala, Uganda.
Blog: faysalbarre.wordpress.com
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...