Kenya Iyo Soomaaliya Oo Shaaciyey Inay Heshiis Ka Gaadheen Khilaafkii Dublamaasiyadeed Ee U Dhaxeeyey.

0
Wednesday April 03, 2019 - 22:21:01 in News by
  • Visits: 2138
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya Iyo Soomaaliya Oo Shaaciyey Inay Heshiis Ka Gaadheen Khilaafkii Dublamaasiyadeed Ee U Dhaxeeyey.

    Wasiirada arimaha dibada ee labada dal oo kulmay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirada arimaha dibada ee labada dal oo kulmay

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya ayaa shaaca ka qaadday in lasoo afjaray khilaafkii diblomaasiyadeed ee u dhaxeeyay Kenya iyo Soomaaliya.


 

Kulan maanta dhex maray wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya Monica Juma ayaa lagu gaaray heshiis.




Ms Juma oo barteeda Twitterka soo dhigtay Qoraal ayaa tidhi: "Waxaan qaabilay oo aan shir laba geesood ah la yeeshay mudane Axmed Ciise Cawad, wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, waxaana ka wada hadalnay arrimo muhiim ah oo ku saabsan Kenya iyo Soomaaliya, gaar ahaan arrimihii walaaca dhaliyay ee la xiriiray shirkii London ka dhacay 7-dii bishii Febraayo ee sannadkan 2019-ka"


Sidoo kale Juma ayaa qoraal kale ku sheegtay: "Waxaan dib u xaqiijinay sida aan ugu heelan nahay soo celinta xiriirkeenna waana isku raacnay, innagoo isla garannay in tallaabada koowaad ay noqoto dib u soo celinta danjireyaasheenna".


Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo la hadlay BBC-da ayaa dhankiisa xaqiijiyay in labada dowladood ay soo afjareen khilaafkooda.


"Saaka 8:30 subaxnimo ayaan xafiiskeeda kula kulmay wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya Monica Juma, waxaan ka wada hadalnay sidii loo sii xoojin lahaa xiriirka awalba xoogganaa ee ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Kenya iyo sidii looga gudbi lahaa isfaham xumo baryihii lasoo dhaafay nasoo kala dhex gashay", ayuu yidhi Cawad.


Wuxuu sheegay in kulankii horay labada madaxweyne ee Uhuru Kenya iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u dhex maray lagu go'aamiyay inay is arkaan labada wasiir ee arrimaha dibadda, isagoo intaas ku daray in safiirrada dib loo soo celin doona.

Monica Juma iyo Axmed Cawad ayaa ku kulmay Nairobi

Dhanka kale wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa sheegay in uusan Monica Juma kala hadlin arrimaha badda.


Hase yeeshee, wuxuu sheegay in mas'uuliyiinta Kenya ay u sheegeen in aysan wax walwal ah ka qabin arrinta muranka badda ayna ku qanacsan yihiin inay maxkamadda ka war sugaan.


Xiriirka Diblomaasiyaded ee Kenya iyo Soomaaliya ayaa meeshii ugu xumeyd gaaray bartamihii bishii Febraayo, ka dib markii Kenya ay ka carootay kulan ay Soomaaliya ku iib geysay kheyraadka Badda ee Soomaaliya.


Xukuumadda Nairobi ayaa sheegtay in shir ka dhacay magaalada London lagu beeciyay kheyraad ku jira qeybo ka mid ah dhulka ay ku fadhiyaan biyaha ee ay labada dal ku muransan yihiin.


Kenya oo dalbatay in sharraxaad iyo raaligalin laga siiyo arrintaas ayaa Muqdisho u dirtay safiirkii Soomaaliya u fadhiyay Nairobi, waxayna sidoo kale u yeeratay danjiraheedii ku sugnaa Muqdisho.

 

 



Xigasho BBCsomali
Loading...
Loading...