Itoobiya oo Qabatay Hub Uga Soo Gudbay Xadka Jabuuti

0
Thursday March 12, 2020 - 12:55:58 in News by A. Asbaro
  • Visits: 1634
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Itoobiya oo Qabatay Hub Uga Soo Gudbay Xadka Jabuuti

    Itoobiya oo Qabatay Hub Uga Soo Gudbay Xadka Jabuuti

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Itoobiya oo Qabatay Hub Uga Soo Gudbay Xadka Jabuuti

Hargaysa(HWN):- Dawladda Itoobiya ayaa waxaa ay gacanta ku dhigtay Koontiinar Hub ah oo uga soo gudbay xadka dalka Jabuuti.

Saraakiisha sirddoonka Itoobiya ayaa telefishinka dowladda u sheegay inay qabteen koonteenar uu ka buuxo hub sharci darro ah oo lasoo marsiiyay dhinaca dekedda Jabuuti.



Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegtay inay rumeysan yihiin in hubkan laga soo dhoofiyay dhinaca Turkiga isla markaana ay Itoobiya soo geliyeen kooxo caalami ah oo ka ganacsata hubka sharci darrada ah, sida laga soo xigtay warbaahinta dawladda Itoobiya.

Hubkan ayaa qiimahiisa lagu qiyaasay 13 malyan oo doolar, waxaana ku jiray ilaa 18,000 kun oo bastooladood.

Saraakiisha ayaa waxay ka dhawaajiyeen inay qabteen 24 qof oo looga shakisan yahay hubka, labo kamid ah dadkaas waxay u dhasheen dalka Suudaan.

Hadhwanaagnews,Office
Hargeisa,Somaliland

Loading...
Loading...