'' Dawladuhu Dhayal Kuma Dhismaan '' Ahmed Nour Guruje

0
Thursday March 12, 2020 - 08:58:07 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 996
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Dawladuhu Dhayal Kuma Dhismaan '' Ahmed Nour Guruje

    Aduunyadda dawlahda ka dhisani waxay soo mareen dariiqyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aduunyadda dawlahda ka dhisani waxay soo mareen dariiqyo dhaadheer oo dhib iyo rafaad badan , sideedabana dawladuhu kuma dhismaan sahal iyo hawl-yaraan .


Dawladana wuxuunbaa dhisan kara dad leh yool iyo hiigsi kala wayn duruufaha iyo waayaha soo foodsaara , kuwaasoo caqabaduhu aanay ka leexin karin meesha ay ku socdaan .



Siyaasiyiinta talada u haysa umadaha doonaya in ay dawlad dhistaan amaba kusoo socday sidayda oo kale in ay hogaan u noqdaan umad dawlad rabta in ay dhisatana waxaa lagga rabaa hogaamin ku dhisan garaad iyo geesinimo aan leex leexad lahayn .


Dadka u dhashay wadanka saxaaraha galbeed badankoodu way ka mqan yihiin wadanka ay rabaan in ay dawlad ka dhistaan waana laga bara-kiciye , Marooko ayaana xoog kaga haysata , Maxkamada aduunkuna waxay kasoo saartay go'aan ay ku diiday qabsiga Saxaarha galbeed , Qaramadda midoobayna waxay kasoo saartay 100 qaraar , hasa yeeshee ilaa 1970 Marooko ayaa haysata , siyaasiyiinta iyo shacabka reer saxaare galbeedna halgankooda halki ayuun bay kasii wadaan .


Wadanka Isreal markii laggu dhawaaqay 1948 ilaa 1967 badkiisu wuxuu ahaa inta idiinka muuqata maabka hoos ku xusan , Aduunyada badankeeduna may aqoonsanayn , bedka dhulka Isreal haysataana wuxuu ahaa 13 Km meelaha qaarkood , waxaana dagaal xooglihi ka dhaxeeyey dhamaan wadamada jaarka la ah ,maanta se Isreal isu sheegi mayno .


Taiwan waxay gooni u taagnayd tan iyo 1950 , Kuma jirto Qaramada midoobay , wadamada waawayn midkoodan ma aqoonsana , waxaana sheeganaya oo ku maran Wadanka shiinaha oo ah wadanka Aduunka ugu dadka badan , ahna wadanka labaad ee Aduunka ugu dhaqaalaha badan , sidaas oo ay tahay , Taiwan maanta Miisaaniyadda dawladeedu waa ku dhawaad 300 , oo Bilyan doolar , waxaanay ka Budget badan tahay Bariga iyo badhtamaha Afrika wadamada ku yaal oodhan hadii la isku daro Moosambiik ilaa Djabouti .


Sidaa markay tahay , Somaliland maaha siddda Saxaaraha galbeed umad la barakiciyey , ma aha sidda Falastiin Dal la haysto , mana aha Sidda Taiwan wadan ay is haystaan Wadan ka xoog iyo dhaqaale badan , Soomaaliyana ma aha sidda Chine wadan xoog badan , sida Isreal maaha wadan horumarsan , sidda Marookana xoog inaguma haysato .


Sidaa darteed , siyaasiyiinta xilka haysa waxaa looga baahan yahay dhismaha dhaqaalaha , haayadaha amniga iyo kor u qaadista adeegyada bulshada , siyaasiyiinta banaanka joogana waxaa looga baahan yahay raadinta xalalka iyo dawadda mashaakilka jira ee ay ka gaabiyeen saaxibadooda kuraasidda ku fadhiyaa , shacabka Somaliland waxaa looga baahan yahay in ay hawlahooda iska wataan kuna dadaalaan horumarinta hawlahooda , islamarkaana aanay u dhegtaagin dacaayadaha iyo tushuushka looga danleeyahay in laggu niyad jebiyo .

Gurri raysle iyo doog ,

Waynu gaadhi doonaa .

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...