La Kala Firidh Faalka Ii Baxay ( Abdi-Shotaly).
Murti ka mid ah heelooyinka loo yaqaano qaraamiga, baa waxay inoo tibaaxaysaa, in wax sii wadda soconayaa aanay hadeer jirin, ee la kala baxay, taas oo ah " Fad baa da'a oo faraaci noqdee, la kala firidh faalka ii baxay" ee isu haysto, buu mar kaliya u kala baxaa laamo iniba ay gees u kacdo, oo fadad yar-yari geesaha ay kala qabtaan. waxan hadaba u soo qaatay. Heshiiskii sidda roobka ugu da'ay ummadda reer Somaliland, oo ay dhex fadhiyeen Caalamku, kuna wadda saxeexeen dhamaan-tood, in doorasho lagu qabto 2020-ga, wax-ba ka socon waaye, oo askariggii halkiisii buu ka miisay, imika baa sidda fadadka dhawrka farac u kala baxay ee sare, uu dib dhabarka u soo jeediyey. xaal-kiina uu ku dambeeyey " Ila Meerayso" iyo wakhti lumis, waana tan runtii ee iga hoo haddii aad dareen sax ah leedahay. Muwaadin Xubintii Xusbiga Ucid, ee hore loo dhaariyey, oo uu askarigu ogolaaday, ka dib markii wax-ba kala socon waayeen, ay Xusbi-yadda mucaarika ahi ka codsadeen in ay is casilaan, xilkii ka takhalusay isaga oo sababta uu isu casilay ahayd, waa siddii uu ummadda u sheegay " Aniga oo eegaaya danta dalka iyo daka, waxan iska casilay xilkii la ii dhaariyey" Waayo dalku aniga awgey u burburi-maayo. baa iyaba waa yaabe, markii laga heshiiyey, ee Xusbiggii uu ka tirsanaa dib u soo magacaabay ( waa Ucide), baa siddii dhaqan xumidda iyo caadiga u ahayd " Raggii ma adigaa ka hadhay" uu yidhi ma yeelaayo in uu dib u soo noqdo, hadda waa la dhaariyey, sharci baan ka mansuul ahayna wuu ina leeyahaye. Weli waxaas oo kale miyey idin soo mareen? Alla doori hadalka wuu yaqaan waana ka aqnaane.
Xikmad carbeed baa waxay tidhaahaa "Maxamed cali maaya-khali meheratihi abadan" oo micnahu yahay, maxamed cali weliggii kama dhamaado shaqa-diisii. sarbeeb baa iyana odhanaysa " Kaba tolaw ma halkaas baad ka baxdaye" oo ah balan daradii iyo wixiisii xilka lahaa buu u xuub-siibtay, welina is leeyahay ku dhuumaalayso,laakiin salka buu soo taaban, isaga oo geed uu qabsado la', Waayo hadda la iska jamcin maayo, waa la iskala tegay warwareeg iyo balaa-balaa, oo runina-run bay noqon beenina-been, Wixii sanka lagaga tolay buu hadeer is leeyahaay, qiil aad kaga baxdo, u doon-doon waa-se ku jiq, ee saw maaha habar dhali wayday aleello ku waalatay. Ujeedadda ka dambaysaa ilayn waa maskaxddii aynu ogayne, wax kale maaha, ee waa wakhti halayn uu doonaayo in uu ku korodhso jiitanka doorashaddii loo cayimay sanadkan 2020, oo uu rabo in uu ka daba mariyo, wakhtiggii la isla meel dhigay, ilayn qof xaal-ba ka go'o maahee, oo wax mansuuliyad qaadi kara wuu ka dheer yahay. Waxan ku soo daboolay maqaalkan, cagtii joogsan waydaa, mar bay ceeb la kulan-taaye, Askariga kuwa yidhaaha waan la talinaayaw "Waa Ina Waran-cade iyo Cukuuse'e" oo loo adeehsado Reerka Garxajise, haddii aad sidaas taladiinu tahay, waxan idiin sheegay in aad ku saaqideen, Xubinta Ucid-na aan cidi bedelayn, ee bal aynu eegno halkay ka carceerto, ee ay cagaha dhigato edeb-darradda " Raggii ma adigaa ka hadhay-na" Sandule af-goos ( Raqmal-anaf) bay ku tahay ee isu naalee. laba-yahw daba-dhilif.
* N.B Maxamed Cali Maaya-Khali Meheratihi!
Qore:- Abdi-shotaly.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!