Dagaalo Markay Dhaceen, Dalkeenina Uu Burburay, Dibaada Loo Soo Qaxqo

0
Thursday March 12, 2020 - 08:27:43 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 949
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaalo Markay Dhaceen, Dalkeenina Uu Burburay, Dibaada Loo Soo Qaxqo

    BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM (A.S.C.W.R.W.B).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

BISMILAAHI ALRAXMAAN ALRAXIIM (A.S.C.W.R.W.B).


WAXAAN SALAAN KHAAS AH U SOO DIRAYAA HADHWANAAGNEWS IYO AKHRISTAYAASHEEDA.

 

DAGAALO MARKAY DHACEEN,DALKEENINA UU BURBURAY,

DIBADAA LOOGA SOO QAXEE,DANLA MOODAY CADAAWAHI,

DUNIDA KUWAAD UGU NECBAYD,HADDAY KUU DIIRNAXEEN,

DUGSIYO GOGOL KUU FIDSHEEN,DANTA GAADHO RAYSATE,

DA’YARTA IDIIN DHALANAYSA,DAL INAY LEEYAHIIN BARO,

DIB HADDAN LOO CELINAHAYN,AYAANAY ALLE DORI NOQON,

DIINTEENUUN KU ILAALIYOO,DAROOGADA YAANAY BARAN,

DARDARANKA GUUD INTAA,DHAMAAN DIBADJOOGYADOW,

DALKENA KUWI KU HADHAY,DAWLADA SHEEGTE DERDERAN,

DUSHOODA CALANKI SUDHNA,INTU MIDBA GOOSTAY DACAL,

DANWADAAGNTA SHISHEEYUHUNA,DAHABKODI AY GURTAAN,

DARXUMADA WAXA IGAGA DARAN,DAREENKIIBA KA MAQAN.

              ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.

 


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...