Wasaarada Caafimaadka Somaliland Oo Soo Jeedisay In La Iska Daayo Salaanta Gacan Qaadka Ah

0
Thursday March 12, 2020 - 08:09:32 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1685
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaarada Caafimaadka Somaliland Oo Soo Jeedisay In La Iska Daayo Salaanta Gacan Qaadka Ah

    Hargeysa (HWN) Wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland ayaa barnaamij

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (HWN) Wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland ayaa barnaamij
wacyigelina oo la xidhiidha xannuunka cabsida badan ee Coronavirus ka sameysay garoonka kubadda cagta ee Hargeysa Stadiom.


Waxaaney wacyigelintani ay qayb ka tahay talaabooyinka dhinaca wacyigelinta caafimaadka ah ee ay hore u qaaday wasaaradda caafimaadku, taasi oo ay bulshada kaga wacyigelineyso halista xannuunkan cabsida badan ee Coronavirus.


Arrintan ayaa ah mid muujineysa dedaalka ay wasaaraddu ugu jirto sidii looga hortagi lahaa xannunkaasi.

Wacyigelintan oo ah mid shalay ay masuuliyiinta wasaaraddu u siinayeen bulshaweynta kala duwan ee u soo daawasho tagtey garoonka kubada cagta ee Hargeysa Stadiom, oo uu ka socdo koobka kooxaha heerka koobaad.


Waxaana wacyigeltani ay u dhigneyd sidan "Si joogto ah ugu faraxalo biyo iyo saabuun, in si aad ah u karisaan hilibka, kalluunka, digaaga iyo beedka,  marka aad Qufacayso ama hindhisayso ku dabool afka iyo  sanka masar ama softi ama cududa adigoo xusulkaaga laabaya, haddaad yeelato xumad iyo Qufac, ha tegin goobaha dadku ku badan yahay sida sariibadda, dugsiyada iwm, Si degdeg ahna u tag xarunta, caafimaad ee kuugu dhow, hadaad qof salaamayso waxa haboon inaad iska dayso salaanta gacan qaadka ah, raac Sunnaha Nabiga (NNKH)- "Assalaamu Calaykum”

Loading...
Loading...